Xukuumada Somaliland waxay qirtay in uu gaabis ku yimid adeega ay qabato dekedda Berbera tan iyo markii lagu wareejiyey shirkada DP World

 

Wasiirka arimaha dibada somaliladn Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ah guddida xukuumada Somaliland u qaabilsanayd heshiiska shirkada DP World ayaa sheegay inuu gaabis ku yimid adeega dekeda isla markaana ay ka wada hadleen masuuliyiinta shirkadaasi. Wasiir Sacad oo ka waramaya heshiiska Dekeda ee shirkada DP World ayaa waxa uu yidhi:

“Heshiis ayeynu la galnay shirkada la yidhaa DP World, heshiiskaasi laba waji ayuu lahaa, midi waxa uu la xidhiidhay dekeda laftigeeda, qalabaynteeda, balaadhinteeda iyo maamulkeeda midina waxa uu la xidhiidhay suuqa xorta ah,  arinka suuqa xorta ahi wali wuu socdaa laakiin maamulkii dekeda waynu ku wareejinay imikana si fiican ayey u socotaa laakiin waxa jira dib u dhac ka yimid dhinaca maamulka, qalabkii loogu tala galay inuu xiligan yimaado ee loogu tala galay in lagu xoojiyo dekeda laguna wanaajiyo adeega ayuu dib u dhac ku yimid, laakiin mushkilada ah in maraakiibtu daahdo inta badan waxay ka timid maamulka waxaanan rajaynaynaa in arinkaas la saxo, wefti balaadhan ayaana DP World ka jooga Berbera oo arinkaas u yimid anaguna wax badan ayaanu kala hadalnay anaguna waanu ku daba galaynaa waxaanan rajaynaynaa in la saxo.”

Sidoo kale waxa uu fariin u diray siyaasiyiinta somaliland ee marka xilka laga qaado u shaqo taga dhinaca dawlada Xamar iyo dhalinyarada somaliland kaas oo uga digay inay wadankooda dhaafsadaan wax aan u qalmin waxaanu yidhi:

“Runtii waan ka xumahay waanan uga digayaa dadka reer somaliland ee halkan xilka ka hayey ee masuuliyiinta ka ahaan jiray ama aan xilba ka hayn jirin ee siistay dalkoodii, sharaftoodii iyo qaranimadoodii mansab ama maal aad ayaan uga xumahay, waana arin aan jecelahay in looga digo haday dhalinyaro tahay iyo haday siyaasiyiin tahayba.”

Ugu dambayn wasiir Sacad ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan golaha wakiilada somaliland waxaanu mar kale yidhi:

“Arinkaasi waa mid u yaala xubnaha baarlamaanka, haday dawladu fara galisayna iyaga ayey tahay inay yidhaahdaan dawladu fara galinta hanaga dayso, aniguna runtii fara galintaasna hada lama socdo waxaanan rajaynayaa in arinkaasi si salmi ah oo wanaagsan oo dhinac waliba qayb ka yahay inuu ku dhamaado.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

Xigasho: Hubaal Media iyo HCTV.

bandhige@gmail.com