Aynu doorano Xisbiga horumarka Somaliland (WQ: Sacad Axmed Cismaan)

 

Waxaan idinku salaamay dhammaan akhristayaasha iyo xiiseeyayaasha Maqaalkan salanta ay isku salaam dadka jannada (Ahlu jannada) ee ah Asalaamu Calaykum Waraxmatu laahi Wabarakaatu  hadii aan soo goobo maqaalkeygu wxuu manta daaranyahay dardaaran ah aynu doorno xisbiga Hormarka Somaliland , Xisbiga  kulmiye oo noqday xisbigii lagu nastay 7-dii sano ee u danbeyay  isla markaana Somaliland gaadhsiiyay horumar aad u balaadhan  oo dhinaca kasta ah  xisbiga kulmiye oo noqday xisbiga qudha ee ay umada Somaliland ku so hirtaaan muddooyinkii u danbeyay  iyadoo waayeel , dhallinyaro iyo haweenba ku so qulqulayaan  sidii ay u tageeri lahayeen xisbiga kulmiye oo ah xisbiga midnimada iyo horumarka Somaliland , hadaba xisbiga kulmiye oo  muddadii uu xilka hayay ka qabtay Somaliland wax badan oo la taaban karo bal aynu so qaadano waxyaalaha u qabtay bulshada Somaliland ,oo ay ka mid yihiin  , Caafimaad ka , Biyaha, Waxbarashada, Naafada, Haweenka, iyo sidoo kale dhalinyarada oo uu ka  qayb galiyay hogaanka dalka JSL

Dhalinayrada: Sidaynu wada ognahay  dhalinyaradu   waxa weeye laf dhabarka dalkasta  waana kaydka dhabta ah ee ay haysato,  haboonna in si fiican looga faiidaysto dhalinayaradu waa horumarka dalkaasta iyo umadkastaba hadba Somaliland waxay ku jirtaa wadamada ugu dhalinayrada fiican waayo dhaliyarada Somaliland oo inta badan u heelan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dalkooda , hadaba xisbiga kulmiye oo noqday  xisbiga qudha ee dhiiri galiyaa dhalinyarada iyo haweenka   Somaliland  isla markaana ka qaybgaliyay maamulka dalka , iyadoo masuuliyiin badan ay yihiin dhalinyaro taasina ku tuseysaa in dhalinayrada  Somaliland ay yihiin kuwo wax qabad leh oo u heelan dalkooda inay wax u qabtaan dhalinyarada oo ah kuwo isku xidhan isla markaan aaminsan inay Somaliland tahay dal muqadis,

Sidoo kale dhalinyaradu   Somaliland waa xooga dalkani leeyahay waana dadka ugu badan ee codeeya doorashoyinka ee ha lagu dadaaalo sidii iyagana looga faa,iidaysan lahaa aqoontooda Kartidooda , daacadnimadooda iyo xoogoda ,Dhalinayrada Somaliland  waxaan u soo jeedinaya inay markasta ay u socdaan xaga horumarka isla markaana ay codkaada siiyaan ,xisbiga horumarka iyo midnimada  Somaliland ,

Diyaarintii :

Sacad Axmed

Hagreysa , Somaliland