Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu wuxu tababar u furay 25 hablood oo ka qalin-jebiyey jaamacadaha dalka

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Caiyaaruhu Maxamed Xuseen Axmed “Dhabeeye” ayaa waxa uu Hudheelka Bacado ee Magaalada Hargeysa tababar ugu furay 25 hablood oo ka qalin-jebiyey jaamacadaha dalka, tababarkan ayaa waxa uu ku saabsan waxbarashada taranka iyo xanuunada lagu kala qaado.

Tababarkan ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddex maalmood taasii oo ay ka qayb-galayaashu isku waydaarsan doonaan aqoon tayo leh.

Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay Agaasimaha waaxad dhallinyaradda ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Cabdi oo soo dhaweeyey ka soo qayb galayaasha, sharaxaadna ka bixiyay waxyaabaha laga damacsan yahay in ay dhallinyaradu ka kordhistaan tababarada noocan ah waxaanu kula dardaarmay ka soo qayb-galayaasha in aqoonta ay ka faa’iidaystaan tababarkan ay uga sii faa’iideeyaan dhallinyarada kale ee aan iyagu fursadahan helin.

Wax isna halkaa ka hadlay Dr. Cabdirisaaq Faarax Xasan oo ahaa macalinkii isagu bixinayay tababarkaa waxaanu tilmaamay in dhallinyaradu guud ahaan ay u nugul yihiin xanuunad lagu kala qaado jinsiga gaar ahaan hablaha yar yar ay aad ugu nugul yihiin waxaanu Dr. Cabdirisaaq kula dardaarmay dhallinyarada ka soo qayb gashay tababarkan in ay ka faa’iidaystaan saddex cisho ee uu socdo tababarku.

Axmed Cabdi Jaamac oo ah Madaxda barnaamijka Dhallinyarada iyo Lamaanaha ee ha’yada Qaramada Midoobay ee UNFPA xafiiskeeda Somaliland ayaa isna ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay waxaanu tilmaamay ahmiyada ay leedahay in dhallinyaraddu aqoon buuxda u yeelato xanuunanada jinsiga lagu kala qaado waxaanu balan qaaday i naanu noqon doonin tababarkani kii ugu danbeeyay ee ay sii joogtayn doonan.

Ugu dambeyntii waxa tababarkan furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed “Dhabeeye” waxa uu sheegay in uu kulankani ku saabsan yahay sidii dhallinyarada Somaliland looga wacyi-gelin lahaa caafimaadka tartanka, isagoo arrintaasi ka hadlanayna waxa uu yidhi:

“Ujeeda kulanka iyo tababarkani wuxu ku saabsan sidii dhallinyarada loog wacyi-gelin lahaa caafimaadka, gaar ahaanna caafimaadka taranka.  Waynu ka warqabnaa dhallinyarada Somaliland in ay yihiin dadka ugu tirada badan bulshada, maadaama ay dhallinyarada yihiin tirada ugu badan bulshada Somaliland waxa la soo darsa dhibaatooyin badan, waxaanay u baahan yihiin in aqoontooda iyo xirfadooda sare loo qaado, tani waxay ka mid tahay barnaamijyada sare loogu qaadayo xirfada caafimaadka dhallinyarada.”

bandhige@gmail.com