Baahida aan xuduudda iyo qaanuunka lahayn (WQ: Cabdisabur Abuubakar)

 

Hordhac

Maahmaah Soomaaliyeed: “Waan baahanahay, looma bahalo cuno”. Baahidu waa wax ilaahay ku abuuray noole kasta oo geeduhu ku jiraan. Dhanka kale Ilaahay waxa uu abuuray, oo waliba baray, noolaha siday baahidooda u marayn lahaayeen. Hase ahaatee, qaabka baahida loo maareeyo, nooluhu uu ku kala gaddisanyahay. Qaarbaa xoog ku nool. Oo hadday xoogga waayaan noloshooda waayaya. Libaaxa ayaa ka mida. Qaarbaa dareen ku nool. Oo haday dareenka waayaan noloshooda waayaya. Qudhaanjada ayaa ka mida. Qaarbaa ku nool khayaamada. Waxaa ka mida Dacawada (Dayo). Boqolaal, kumanaan ama malaayiin weeyi! Ma dhammayn karnee muhiimaddu waa inaan tilmaanno uun. Haddaba nolosha quruxdeedu waa in noole kastaa u noolaado sidii ilaahay ugu talo galay inuu u noolaado! Binu-aadamka ilaahay ayaa karaameeyey oo waxa loo hibeeyey inuu sida ugu qurxoon ee ugu xarragada badan u noolaado. Hadii se uu sidaa Illaahay ugu talo-galay u noolaan waayo, waxa uu ka liidanayaa xayawaanka! Warkaasaa quraanka ku cad! Nuhda sheekadu waa “Soomaali badani siday maanta u nooshahay”? Waa su’aasha qoraalkan kooban walaalayaal.

Nolosha Soomaalida ee Baadiyaha!

Taariikh ahaan iyo dhaqan ahaan, Soomaalida noloshooda baadiyuhu, waxba kama duwana nololihii ay soo wada maareen waddamada maanta hore u maray iyo kuwa korayaa. Waxa lagu noolyahay ee laga shaqaystaa waa Xoolo ama Beero uun midkood. Waxase farqi u dhexeeyaa qaabka kala guurka miyiga illaa magaalada! Farqigaa yar aan caddeeyo. “Qolyaha hore u maray waxay laasimeen oo adkeeyeen horumarinta nolosha baadiyaha, oo dabadeedna ku dul dhiseen horumarka magaalada iyo nolosha casriga ah”.

Inkastoo aanay horumarin, oo wax ka dhaca mooyee waxba ku biirin illaa boqolkii sano ee u danbeeyey, haddana cilmi buuxa ayay Soomaalidu u lahaayeen waxay qabanayaa iyo qaab ahaan sida ay u noolaanayaan, walina laga yaabaa inay u leeyihiin laakiin ay gabaabsi tahay. Waayo cimilada isbadalaysa iyo fikrradaha cusub ee dhalanaya, uma rogaan wax u shaqaynaya iyaga, hase ahaatee iyaga ayay isbaddaladaasi ku shaqaystaan! Waligeedba noloshada baadiyuha, qallafsanaanta iyo naxariis darradu waxay ahayd mid xoog uga muuqata. Waxaana run ahaa:“Ninkii xoog leh, ha noolaado”! Maahmaahdu maaha kaliya ninka itaalka xun waa laga qaadanayaa xoolaha iyo beeraha, se, qallafsanaanta nolosha ayaa u baahnayd – walina u baahan, qof xooggan oo xirfad leh. Ceeb iyo liiti nimo se waxa ahaa hurdada dheer, fadhiga badan iyo hadalka waqti lumiska ah oo lagu nacay inay keenaan baahi iyo faqri, marka danbena horseeda baryo iyo waydiisasho joogto ah oo dhaxalsiisa qofka in la naco oo la dayriyo oo lagu sheekaysto xumaantiisa iyo baylahdiisa. Beenta iyo khayaamadu waxay ahaayeen dhimasho!

Dhanka kale, waxaa sharaf iyo ammaan ahaa shaqada badan, guuraha dheer, kallahaha arooryaad iyo hedlashada joogtada ah oo horseedi jiray amaan, sharaf iyo kamasho la tamaniyo nolosha uu qofkaas oo kale ku nool yahay. Si kastaba ha noqotee dulmiga dadnimada iyo diintuba xaaraamaysay, uu ku badnaa, waxaase jiray oo dulmanuhu maciinsan jiray “Xeer” aan qornayn laakiin la xifdiyey oo la kala dhaxlay. Waanay yarayd in dulmanuhu waayo haba yaraatee wax caddaalad ah, se inta badan wuu heli jiray xaqiisa.

Nolosha Soomaalida ee Magaalada!

Hadaba goortan magaalo ayaa la joogaa! Xoolo la dhaqdo iyo beero la fashaa midna ma yaalaan meesha. Waxa yaalla badeecooyin kala duwan oo isugu jira wax la soo dhoofiyey iyo wax wadanka sii yaalay labadaba. Waxaan ka maqnayn, haba ku yaraadee in la iibinayo oo lagu noolaan karo xirfad ama waxqabad gacanta ah. Dadku waa dadkii hoggaamin jiray uun noloshii hore ama ugu yaraan waxay ogyihiin in aabayaashood iyo awoowyaashood noloshaa hore ku noolaayeen. Ibtilada iyo balaayadu se waxay ka dhacday, wax kasta oo ceeb ahaa waxaa la mooday miciinsi! Taa waxa ka daran; waxaa xoog loogu dayday dad kala guurka miyi-illaa-magaalo si fiican u maareeyey. Noloshii magaaladana u samaysta shuruuco iyo wax kala haga oo ay inta badan ka dheegteen aasaasiyaadka Islaamka! Kaliya aan samaysan uune aadna u ilaaliyey oo fahmay muhiimadda ay u leedahay iyaga iyo quruumaha ay ka tagi doonaan.

Magaalada, dadku waa iibiye, iibsade, u dhaxayeeye ama “dilaal”. Aad bay uga duwantahay tii hore noloshu, sidaa darteed lama soo min guurin karo noloshii hore. Aqoon hore iyo dhaxal tooyo taalla oo la hab-raacaana ma jiraan meesha. Qaab-nololeed cusub oo lagu heshiiyey oo la samaystana haba sheegin. Jaantaa rogan indho iyo dhaga la ayaa lagu soo wada galay magaal! Sida darteed waxay dadkuu maciinsanayaan waxkasta oo ay irkan karaan sifo ay u noolaadaan! Yaab! Inta ganacsatada ah aqoon durugsan uma lihi. Inta xirfadlayaasha ah waxaan saadaalin karaa inay gorgortan iyo shuruudo lacagta lagu siiyo ku shaqeeyaan. Sida darteedna ay roonaan doonaan tayo ahaan iyo danbi yaraan. Inta ugu cajaa’ibta iyo amuuraha badani waa dadka ku shaqaysta magaca wayn ee la yidhaa “Siyaasad”! Ama ahaw siyaasi, ama ka sheekee! Kuwani si ay u noolaadaan waxay waydaarteen sunnihii noloosha! Maskaxdooda, xooggooda iyo xeeladdooda waxay isugu geeyeen sida akoonadooda gaarka ah wax ugu dhibqin lahaayeen, meeshay doonaanba ha ka keenaane. Xirfadaha u qarsoon ama muuqda ee ay isticmaalaan waxaa ka mida: Ku jajabi! Ku dayo hebel! Naqshadda ka xad hebel! Isku eekaysii nin wanaagsan! Been u sheeg hebel! Been ka sheeg hebel! Reer hebel reer hebel ku dir! Khayaamee hebel! Dhac hebel! Iswaydaari hebel oo tan ugu daran ah!! Subxaan Allaah. Waar maxaad waxan u samaynaysaa ee kugu kalifay? Noloshaa nala gashay! Sidaasaa wax lagu helaa! Jawaabahan iyo qaar la mida ayuu kuugu jawaabi haddaad su’aashaas waydiiso. Xeerarka ay qoraan uma arkaan wax qaban kara waayo laguma ciqaabo oo wax xanuun ah kuma hayaan, sobobta ugu waynina waa tiiyoo aan aqoon durugsan loo lahayn iyo tiiyoo aan wali lagu wada heshiinba! Markaa muhiimadu waa “Baahi aan xuduud lahayn baahnow” oo aad u fool xun inbaddanna ka duwan tii ilaahay ugu talo-galay inay dadku ku noolaadaan ee sharafta lahayd taasoo shakaallo sarcina aan lahayn.

Waxaan jeclaan lahaa inaan tilmaamo ama aan soo jeediyo inaad akhridaan maqaal uu ka qoray qolladan Ibrahim Yusuf (Ibraahim-Hawd) oo la yidhaa “I dada i dada”.

 

Allaah Mahad leh!