Maxkamadda sagaalaad ee Racfaanka Maraykanku waxay diiday dhaqangalka goโaankii Trump
Maxkamadda sagaalaad ee Racfaanka ee Federaaliga ah ee Maraykanka ee ku taalla magaalaa Richmond ee xarunta gobolka Virginia, ayaa diiday in ay xayiraadda ka qaaddo amarkii Madaxweyne Trump ee ka dhanka ahaa dadka ka soo jeeda lix waddan oo Muslimiin ah in ay soo galaan Maraykanka muddo saddex bilood ah.
Maxakamaddu waxay sheegtay in goโaanka madaxweynaha uu ka turjumayo hadaladii Muslim naceybka ahaa ee uu jeediyay intii uu ku jiray ololihii doorashada ee sannadki 2016-kii.