Baaq-Nabbadeed oo Ku Socda Waxgaradka iyo Madax-dhaqameedka labbada Beelood ee Ee Ceel-afwayn (WQ: Mustafe Axmed M Geeddi-Xaas)

Ceel-afwayn waa magaalo sii ooyaysa, waxay maddal iyo hooy u noqtay dhiiga iyo dhiicaan-ka dadka dhalleeyada ah ee isku dhamaaday, waa meel ay isku beerdooxeen Wiil iyo Abtigii, waa goob qarraabo iyo rixim lagu jaray. Dadkaas is wadda gawracay waa kuwo aan meelna ku kala maqnaanayn waa ceesh iyo milix. Ilaahay ayaa SWc qadarray Colaada iyo Nabbada labadaba.

Waxaan halkan Baaq-nabdeed uga dirayaa waa ,Salaadiinta, Boqorrada,Cuqaasha,Waxgarradka waxan leeyahay waad ogtihiin waxa aad isku tihiin iyo wada dhalashada idinka dhaxaysa, Waxaad tihiin Qarraabo iyo Rixim. Halka ay qaraabadu diinta islaamka ka jirtana waad ogtihiin, Waad is wada dhasheen oo wiil iyo abti miidhan ayaad isu tiihin, waxa dadkiinu is dilayo lama garanaayo, waxay maant isku hayaan ma jirto, caamadiina idinka ayaa indho u ah, sida la sheegayo qorashaha nabbadu meel wanaagsan ayuu marayaa. Waxaan kale oo aad u tageersanahay in cidda wax kala tirsanaysa iyaga la isa soo hor-fadhiisyo oo iyagu is turxaan saaraan iyada oo aan cidi ku dhexjirin.

Waxaan idin leeyahay maanta maaha maalintii aad Garnaqsan lahaydeen, mana jogtaan madal aad ku garnaqsataan ee isu tanaasul oo maslaxada iyo sabaalaha ummadiina doorta, ma jogtaan meel aad ku garnaqsataan ee waxaad jogtaan meel la rabo in lagu baajiyo dhiigiina bila macanaha u daadannaaya. Waxaan idin leeyahay Toloow Colka Jooja.

Maanta ninka Nabbada ka horyimaada waa nin aan if iyo aakhiro midna rajo ka lahayn aan waxba cidna igu jilayn , kii nabbada lugaha qabta ee curyaamiya iyo kii maslaxada iyo wanaag ka shaqeeya addun iyo aakhiro way inoo kala duwanyihiin rabi waa ogyahay ummaduna waa ogtahay.

Saddex Qodob Ayaan Kula Dardaarmi lahaa Waxgaradka iyo Madax Dhaqameedka Labbada Beelood.

• Inaad hawshaas u gashaa ilaahy SWC dartiis, idinka oo aan cidna waxba kaga rabin, oo aad u dumaqtaan dadkiina isku dhamaaday, oo arrintaas u gashaan is daacadnimo iyo maslaxadi ku jirto.

• Inaad Nabbada ka sartaan wax kasta oo lug ku leh Siyaasad iyo danno gaar ah oo wax u dhimi kara geeddi sodka nabbada ee labada Beelood.

• In ay-dinaan garnaqsanin, hadii aad garnaqsataan waxay keenysaa khilaaf iyo murun,waxana lumaysa maslaxdii guud ee Nabbada,waxay keenaysaa inaad u bahataan in la idin dhex-galo. ama aad kala qadataan Garcadaawe colaaduna dami waydo.

Dardaarankay-gu ugu danbeeya wuxu yahay, maalina waa if maalina waa aakhiro Nin waliba dhitadii uu sii dhigto ayuu leeyahay, ee hawshaa ilaahay dartiis u gala iyo maslxada ummadiina.

Dhaliyarrada Somaliland waxaan ka codsanayaa inay ka qaybqataan wacyigalinta Nabbadeed.

Ugu danbayn waxan ugu baqayaa cid kasta oo Wax-garrad ah inay ka qayb qaadato sidii losoo afjari lahaa coladaas iyo dhiiga bilaa sababta loo daadiyay.

Ilahay Swc waxan ka baryaynaa inuu kala bagsiiyo oo kala badbaadiyo labbada beelood ee walalaha ah boggoodana burcad isu mariyo.

 

Alaah Mahad leh.

W/Q.Mustafe Axmed M Geeddi-Xaas

Qoraa wax ka qora arrimaha bulshada.

Qorraha Sheekoyinka Collaada Beer-doox  ee Ceel-afwayn .

Mustafea179@gmail.com

WhatsApp.0659555532