Waxa toddobaadkii ugu dambeeyey baraha bulshada Soomaalilaan dhex-taalay dood ay kooxo dhallinyaro ah soo bandhigeen oo ay ugu wanqaleen ‘BAAQ SHACAB’. Waxa ay u abaabulan yihiin qaab kala daadsan, waxbana kama midaysna. Qaar qarannimada Soomaalilaan ayey diidan yihiin, kuwa kale saamiga xukuumadda, kuwa kale qaab reeraysan ayey u socdaan IWM. Waxyaabaha la yaabka leh waxa ka mid ah in qaar ka mid ah kooxdani ay isku xidhayaan qarannimada Soomaalilaan iyo tabashada xukuumadda ay ka qabaan. Tabashooyinku xukuumadaha way la kowsadaan wayna la dhammaadaan, laga soo bilaabo 1991 ilaa maanta.
Xukuumadan maanta jirtaa ma dhamaystirna, waana laga hadli karaa wixii qabyo ah. Jeneraal William oo hogaaminaayey dagaalkii UNISOM ee 1993 Muqdisho ka dhacay wuxuu ku calaalay” we won the battle, but we lost the war” oo nuxur ahaan noqnaysa, goobtii dagaalka waanu ku adkaanay, laakiin hadafkii dagaalka waanu ku jabnay. Sidaa darteed BAAQ SHACAB waa kelmed fiican, laakiin aan lahayd hadaf. Dhawr qoraal iyo muqaallo ay duubeen dhallinyaradaasi ayaan si fiican isha u maryay, waxaana iiga soo baxay aniga aragtidayda, in dhallinyaradani ay shan kooxood isugu jiraan:
= Kooxo waddaniyiin ah oo saluug xukuumadeed qaba, oo ay ka dhab tahay qaddiyadda Soomaalilaan. Shakhsiyaadkan markaad dib u raacdo taariikhdoodii hore waa dad inta badan waddankooda jecel in la hagaajiyo saamiyada xukuumadaha ee beelaha si ay bulshadu ugu wada qanacdo.
= Kooxo canaasiir ah oo ka shidaal qaadata FARMAAJO oo fursad ka dhex raadinaaya baaqan. Waa kooxo bahaloobay oo calooshooda ugu shaqo tegay Muqdisho. Kooxdan waxaad ku garanaysaa waxa ay markaba soo qadimayaan sida ay dood u geliyaan qaddiyada Soomaalilaan. Waxa ay markiiba meesha ka saareen xuskii sannad-guuradii 29 ee 18 may, waxa ay ku doodayaan 29 sanno xaggee la inoo wadaa. Waxaad moodaa inay kooxdani ku xoogan yihiin ururka, waayo waxa ay ku guulaysteen inay baaqan ku soo began iyada oo la xusaayo maalinta qarannimada Soomaalilaan ee 18 May. Markaa baaqii waxa ay rogeen BAAQ FARMAAJAYSAN.
= Kooxo qabyaaladi dhuuxaha iyo lafaha ka gashay oo cadho, cuqdad iyo caadifad reeraysani ay qalbiga iyo dhagaha ka gashay oo aragti reeraysan baaqan uga faa’idaysanaya. Waxa hore loogu yaqaanay inay shirarka iyo xafladaha reerahooda ay ka soo dhex doobin jireen iyada oo leh kursiga ayaanu xaq u leenahay in aanu fuulno. Nin ay qabyaaladu madax martay ayaa laga hayey” Marka xin i galo ayaa iga xoog badan”
=Kooxo calooshood u shaqaystayaal ah oo naasjuujintii dawladihii hore u bartay, kana waayey xukuumadan haatan. Marka la eego siday u noolaayeen waayadii hore ee ay baabuurta iyo hudheellada cuntada laga cuno ay u kala beddeli jireen, maanta bakhtiga ayaa u xalaal ah. Kooxo ku mamay xaaraan cunista xoolaha ummadda oo qaadan jiray lacag aanay shaqaysan xaqna u lahayn. Qaarkood waxa ay wasaaradaha ka qaadan jireen gunnooyin dhan 14 milyan oo shilinka Soomaalilaan ah oo aanay qaadan jirin shaqaalaha kala shaqeeya wasaaradaha. Markaa wixii ayey waayeen oo caloosha ayaa hadlaysa.
= Kooxo ay siyaasiyiin xil doon ahi wataan, oo ujeedadooda ugu dambaysaa ay tahay inay ku gorgortamaan awoodda ay kooxdani leedahay, si ay gaadhaan dantooda guud.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan