Yaa soo saari kara Baaq Shacab? (WQ: Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi “Diini”)

Dhawaan waxa laynagu soo dhextuuray waraaq loo bixiyaya Baaq shacab. Haddaba waxa is weydiin muddan yaa soo saari kara Baaq-shacab? Koox isku aragti ah oo iyagu is urursaday ma soo saari karaan baaq-shacbi?

 

Baaq-shacbi waxa soo saari karraa waa ciddii awood u leh waana cidda haysata kalsoonida shacabka awood sharcina u leh; sida xisbiyada qaranka Waddani iyo Ucid, Xildhibaanada goolaha wakiilada ee ay soo doorteen guud ahaan Shacbi weynuha reer Soomaalilaan. Iyaga ayaana  mateli kara arimaha misiirigaa.

 

Haddaba Idaacada Bbcda waxa ay waraysi la yeelatay mid kamida kooxdaasi oo afkooda ku hadlaayay. Waxaanna la weydiiyay Su’aal u dhignayd sidan,  halkeed ka keenteen eray bixinta baaq-shacab yaadse ku matashaan?  waxa uu kaga jawaabay “may ahayn waraaq la lee yahay shacabka reer somalilaand baa lagu matalaa ee waxa ay ahad dad iyagu aragtidooda cabiray”. Sidaasi marka ay tahay laguma sheegi karro baaq Shacab, mar-hadii ay sidaasi caamka u sheegeen waxa haboob in ay magacaasi badelaan. waayo waa aragtidooda ee maaha Baaq-shacab ina waa fajiyaan ujeedadooda iyo eray bixinta fariima hooda.

 

Haddii aynu si hoose u eegno qaabka ay u taalay warqadaasi, xiliga ay ku soo beegantay, iyana waa kuwo u baahan in wax layska weydiiyo si hoosena loo fahmo.

 

Waxa iyana mihiima warqadaasi horta yay ku socotaa? yaa lala hadlayaa oo Baaqa loo dirayaa? Ma Xukuumada, Mise Shacabka?

 

Insha allaahu Su’aalahaa iyo jawaabahoodana waxa aan ku eegi doonaa qoraal kale oo faafaahsan.