Waxay ahayd malahayga maalmihii ugu adkaaa ee soo waajaha shacbiwaynaha Somaliland. Maxaa yeelay waxa halmar isu raacay abaaar ba’an oo dad iyo duunyaba saamaysay iyo sixir-barar cirka isku shareeray oo dhar iyo dhuuniba lagoyn waayay. Yaab iyo amakaaag kadib, shacabku wuu ku saxsanaaa in uu kaco codkiisoo midaysanna wadar ku gaadhsiiyo ciddii markaaa uu miciin iyo ciirsi bidayay(dawladda).
Marka laga hadlayo wax-ka-qabashada dhibkooda, dawladduna dawgeedii way martay markay 24 saacadood gudahood kaga jawaab celisay dhawaaqii shacabka dhibtooday. In kastoo dawladdu aysan wada dhayin boogihii xanuunkooda shacabku la qayliyay, haddana ugu yaraan dawaladdu way maqashiisay dhegaha dadwaynaha qodobo runtii ay kudiirsadeen oo ay ugu waynayd in qiimihii dollarka hoos loodhigay. Ku darsoo shacabku waxaabay la dhaceen in cabashadoodii la dhagaystay isla markaana degdeg looga jawaabay.
U riyaaqistii shacabka iyo baroortii telesom +dhoola-cadayntii shirkadaha kale
Haddaynu ku dul istaagno shacabka iyo dawladoodaa isu jawaabay, nuxurka ugu wayn ee halkaa ku jiraaa waaa in shacabku ay dareemeen qiimaha dawladnimo is lamarkaana ay gashay rajo fiican oo odhanaysa haddii waxyar laguu qabtay wax wayna waa suur-togal in laguu qabto.
Haddaba haddii shacabku u riyaaqay go’aannadii golaha wasiirrada ka soo baxay, ee ka dhashay ama ay horseedday jaqaaqdii shacabku, hore ayaa loo yidhi waxa badhaadhahaaga ahi rag bay bi’iisa yihiine, waxaa jiray dar kale oo markii ay maqleen qodobadaasi uu garka wadnuhu hoos u go’ay naxdin darteed, dil iyo doocwareena ku ahaayeen go’aamadii dawladu. Waa darma kuwaasi tollow?
Waa shirkaddii dahab iyo dollarba dadka ka idlaysay ee jawaanada aan buuxsamin u tollotay lacagtiinii, waa shirkaddii dhawaan door muhiim ah ka ciyaartay deeqihii abaaraha, waa “TELESOM”, waa wiilasha yaryar ee aan caqligooda ka yaabay. Waayo iyagoon diinta dacal marin ayay intay fikireen dadkii lacagtii ka urursadeen, oo waliba ku qanciyeen dadkii inay numbero kaliya wax ku kala iibsadaan, intay bulshadu numberadaasi qalalan wax ku kala gadanayaan ee ay dhex-wareegayaana ay shirkadu lacagtoodii kusii shaqaysato, hadda xaraana kuma ahee ogow, waayo wiilashan caqliga badani horey uga fakareen waxaasi qo fkaste oo ZAAD lehna way ka sexeexdeen inay lacagtiisa kushaqaysan karaan.
Si kastaba ha ahaatee shirkadani Telesom mar hore ayaa dhibaaxo khayrkeed ka reebtay ay ugu dhacday. Taariikhdu waa 2001, goobtuna waa Hargeysa, xawaaladda AL-BARAKAAT-na cirkaasay maraysaa oo waxay ku socotaa xawaare laga yaabay, warbaahin kaste oo aad furto waxaad ka maqlaysaa xaysiiskeeda“Xafiis aad u bilanoo, Barakaat ku qoran tahay, barbarkaaga kama foga.”
Dahabshiil oo illaa SNM-tii hadba taag ha lahaatee soo shaqaynaysayna way yaaban tahay amintan, oo tartanka ayaa cirkaa la isla marayaa, dabeeto maxaa dhacay? Wixii dhacay baa dhacay. Hayee, si ay u dhacdayba, hal mar ayaa albaabada loo laabay shirkaddii caan baxday ee ALBARAKAAT, ee xafiiskeedu barwalba ka-furnaa. Dawladda Maraykanka ayaanu ka soo fulay amarka lagu xanibay shirkaddaas. Amakaag iyo afkalaqaad ayuun bay ku noqotay shirkaddii iyo dadkii lacaguhu kaga xanibmeen, laakiin Dahabshiil iyada markan waa u dhoola-cadayn iyo jaanis wacan, oo tartankii bar banaan ayay buundooyin sare ka heshay, markan ma jirto cid kale oo ay wax iskaga tirinayso Dahabshiil.
Sidaas ayaa ay shirkadihii la tartamayay ku dhaafeen Albarakaat. Dayn, darxumo iyo dhaawac kasoo kaba-shadiisu sannado badan qaadatay kadib saraakiishii ALBARAKAAT ismay dhiibin, waxayna wakhtigan laabta ku qaboojisanayaan xilli xantoodii la isla dhex marayo oo ay ku dhego barjoobeen hadallo iyo ereyo an farxad u lahayn iyaga. Waxay isku qancinayeen maahmaaho ay ka midyihiin “Kam shuufnaa maraakiib” “Rag waa kii kufa ee kaca” iyo aayado Qur’aan ah oo samirka ka hadlaaya, waayo culimo ayay u badnayd Albarakaat.
Is kus oo wada xooriyoo, hore ayaa loogu maahmaahay “Wakhtiyada adagi ma dhammaadaan balse ragga adag ayaa ka baxa.” Saraakiishii reer Barakaat way fikireen oo way tashadeen, tab iyo xeeladba way isu geeyeen, wax kasta oo macquul ahna way la yimaadeen ugu danbayna waxay kaga dhigeen “Ruug caddaadigii soo raggaal celi.” Waxay soo xidheen shaadh kale oo la yidhaa “TELESOM” waxayna la yimaadeen adeeg kale “Telephone Service” haddana “ZAAD” iwm. Haseyeeshee go’aankii Golaha Wasiirrada Somaliland ee ku saabsanaa xaddidaadda isticmaalka adeegga lacagta ee ZAAD ayaa mar kale dhirbaaxo ku noqon kara shirkaddan. Go’aankani haddii uu doono qaranka dan ha u ahaadee laakiin shirkaddaasi waxay u aragtaa dhabar-jab, waxayna ku macnaysay go’aankan dawladda”ZAAD-ka xidha.”
Baga-dii shirkadaha kale
Waxaa jira shirkado badan oo uu tartan dhinaca ganacsiga ahi ka dhexeeyo shirkadda Telesom, sidaa daraadeed waxyeelo kasta iyo caqabad kaste oo shirkaddan soo waajahdaa, shirkadaha kale waxay u tahay fursad.
Baylahda wali taalla
1- Kuma filna go’aamadii dawladdu ka soo saartay cabashadii sixir-bararka, waayo wali maciishaddu waa halkeedii.
2- Waa in dawladdu cashuurta ka dhintaa maciishadda daruuriga ah, ganacsataduna waa in ay qiimaha hoos u dhigaan.
3- Telesom oo ah shirkad muhiim ah waa in dawladda ay isfahmaan, iyadoo aan dadwaynaha iyo shirkadaha kale la maqashiin xoggaha ka dhexeeya dawladda iyo shirkaddan.
4- Ha laga fakaro tallaabooyinka la qaadayaa waxay keeni karaan.
5- Shirkaduhu danta gaarka ah ha ka horaysiiyaan danta guud.