Trump wuxu amray in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico

 

Madaxweynaha Maraykanka ayaa soo saaray warqad uu ku amrayo in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico.

Wuxuu sidoo kale saxiixay in la qaado tallaabo dhaqaalaha looga yareynayo magaalooyiinka Maraykanka ee ay ku badan yihiin dadka muhaajiriinta ah “ee aan warqadaha sharciga ah haysan”.

Balse, aqalka wakiillada ayaa laga doonayaa in uu meelmariyo hanaanka iyo dhaqaalaha oo lagu qiyaasayo inay balaayiin dollar gaareyso.

Dhismaha derbiga dherirkiisu yahay 2,000 oo meyl, wuxuu ahaa mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee Trump, xilligii ololaha doorashada.

Wuxuu ka hadlay “musiibo” ka taagan xuduudda dhanka Koofureed ee Maraykanka uu Mexico kala wadaago. Hadalkaas wuxuu jeediyay xilligii uu saxiixayay amarka.

Wuxuu sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah ciidamada amniga gudaha ee Mareykanka ka shaqeeya.

Amarka waxaa qeyb ka ah in la shaqaaleysiiyso 10 kun oo ciidamo oo suga amniga xuduudda, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dal aan xuduud lahayn, dal maaha.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Laga billaabo maanta Mareykanka wuxuu dib u soo ceshanaayaa maamulidda xuduudeeda.”

Donald Trump wuxuu sheegay in xiriirka Mexico uu la wadaago uu wanaagsanaan doono.

Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto, ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, si uu Trump ugala hadlo dhismaha derbiga iyo danaha dalkiisa.

Horraantii Arbacadii, Trump wuxuu sheegay in dowladda Mexico ay bixineyso dhaqaalaha ku baxaya dhismaha derbiga xuduudda, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaa jiri doono lacag ay bixinayaan. waxay noqoneysaa arrin cad, dhabcan qaab adag.”

Donald Trump wuxuu sheegay xilli uu wareysi siinayay TV-ga ABC, in Mexico ay bixineyso boqolkiiba boqol kharashka ku baxaay dhismaha derbigaas.

Balse madaxweynaha Mexico, Enrique Pena Nieto, ayaa cambaareeyay Donald Trump, wuxuuna sheegay in aysan bixineyn hal shilin lacagta ku baxaysa dhismaha derbiga.

Madaxweynaha ayaa lagu cadaadinayaa in uu joojiyo kullan uu todobaadka soo socdo la yeelan lahaa Trump.

Wuxuu sheegay in uu difaaci doono xuquuqda dadka tahriibayaasha ah, ayna yihiin meel la isaga gudbo.

Donald Trump ayaa sidoo kale la filayaa in uu shaaciyo xayiraado dhanka socdaalka ah in uu saaro todobo dal oo Afrika ah iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga dhexe.

Dukumiinti amar ah oo ka kooban sideed bog ayaa warbaahinta loo kala diray, kaas oo ku qoran yahay xayiraadda dhanka socdaalka ah.

Waxa ku qoran in madaxweyne Trump uu joojinayo muddo afar bilood ah barnaamijka qaxootiga ee Suuriya iyo guud ahaan mashaariicda qaxootiga.

Sidoo kale, madaxweynaha wuxuu doonayaa in uu hakiyo fiisaha ama dal ku galka la siiyo muwaadiniinta dalal aan la magacaabin oo lagu sheegay inay amniga Mareykanka halis ku yihiin.

Qareenada arrimaha socdaalka waxay BBC-da u sheegeen inay aaminsan yihiin in dalalkaasi ay ka mid yihiin Suuriya, Ciraaq, Iraan, Liibiya, Sudan, Soomaaliya iyo Yaman.

Aqalka Cad ayaa diiday inuu faafaahin ka bixiyo dukumiintiyada, waxaana suuragal ah in is bedel lagu sameeyo ka hor intaanan la saxiixin.

Donald Trump ayaa u muuqda in uu dib fulinayo ballanqaadyadiisii xilligii ololaha ee ah in Muslimiinta uu ka mamnuucayo Maraykanka.

Sharciga waxa qasab ah in ay magaalooyiinka Maraykanka taageeraan si uu u dhaqangalo ayna u caawiyaan laamaha socdaalka ee dalkaas.

Maadaama aanu ahayn xeer rasmi ah, qaabka dhaqan gelinta ayaa suuragal ah in lagu kala duwanaayo.

bandhige@gmail.com