โถRaggu dhibaatada haysata ma jecla inuu cid la wadaago wuxuuna isku dayaa inuu kaligii xaliyo, halka gabadhu la wadaagta asxaabteeda iyo ehelkeeda.
โท Raggu wuxuu jecel yahay maamulka, hadafka, asxaabta yar iyo goโaan qaadashada kalida ah, halka gabdhuhu jecel yihiin, xidhiidhka, jacayl wadaagista, dhaldhalaalka, quruxda, dalxiiska iyo tilmaamida sayigeeda.
โธRaggu waxay jecel yihiin qaladaadka oo yaraada iyo is fahan joogto ah, halka gabdhuhu jecel yihiin raaligalinta, ammaanta iyo in markasta loo sheego in la jecel yahay.
โนRagga goโaan qaadashada dag-daga ah waxa kaga fiican gabdhaha.
โบRaggu wuxuu yaqaan wax aan ka badnayn 8 midab, halka gabdhuhu awood u leeyihiin inay kala saaraan ugu yaraan 30 midab.
โปNinka raggii wuxuu u dhiman karaa gabadhiisa darted, halka gabadhu u dhiman karto caruurteeda darted.
โผRagga haddii la soo hujuumo(weeraro) wuxuu kaga hortagaa difaac iyo xal in la gaadho, halka gabdhuhu weerarka weerar kaga hortagaan.
โฝRaggu marka cadhoodo 40% ayaa laga yaabaa inaad wajigiisa ka dareentid, halka gabdhaha aad 90% ka dheehan karto wajiyadooda marka ay cadhoonayaan.
โพRagga xagga naxariista, dareenka iyo jacaylkaba waxa kaga fiican gabdhaha iyada oo ay ugu wacan tahay hooyanimada.
โฟRagga way ku adag tahay inay ogaadaan heerka jacayl ama daacadnimo ee xaaskiisa ama saaxiibadii, halka gabdhuhu awood u leeyihiin inay ogaadaan wax kasta oo ninka ku saabsan si ay u ga hortagaan dhibaatooyinka iyada ku soo waajahan.
Dumarka waxa laga abuuray feedh nin, waa sababta ay raggu aad u jecel yihiin dumarka waayo feedhuhu waxay difaac u yihiin xubinta bani’aadamka ugu muhiimsan oo ah wadnaha. Dumarkana jacaylkooda waxa saldhig u ah inay yihiin qayb ninka ka mid ah.