Maraykanka waxa laga soo tarxiilay sagaashan qof oo Soomaali ah, kadib markii uu xukunka la wareegay Trump oo aanay isku wanaagsanay

 

90 qof oo Soomaali ah iyo laba Kiiniyaan yihiin ayaa laga soo mastaafuriyay dalka Maraykanka sababo aan kala caddeyn.

Dadkan oo laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nayroobi, ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli uu Madaxweyne Donald Trump la filayo in uu saxiixo amar shuruuc adag ku soo rogaya oo wax looga qabanayo dadka soo galootiga ah ee sida sharci darrada ah ugu sugan Maraykanka, oo ay ku jirto dal-ku-galka laga joojiyo dadka u dhashay Suuriya iyo lix waddan oo kale oo ku yaal Bariga Dhexe iyo Afrika.

Afhayeenka dowladda Kiiniya, Eric Kiraithe ayaa BBC u sheegay in saaka arroortii la keenay dadkaasi Soomaalida iyo Kenyanka isugu jira.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Kiiniya iyo Mareykanka ay iska kaashanayeen fududeynta hawlgalkan lagu soo masaafuriyay dadkaasi.

Soomaalida la soo tarxiilay ayaa ku sii jeeda magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Kiraithe.

Trump iyo Soomaalida ayaa isku wanaagsanay tan iyo markii uu ku tilmaamay dad mashaqaystayaal ah Soomaalida.

bandhige@gmail.com