Baashow mar labaad ha habaabin! (WQ: Rooble Cabdi Muuse)

Jiritaanka mabaadii dhaba, tiirar sharciya iyo markhaatiyaal taariikhiya iyo kuwa taaganba oo ay ku dhisan tahay Somaliland waxaa ay meesha ka saaraysaa in cadho iyo caadifaad laga qaado dooda Maxamed Baashe Xaaji Xasan, maadaama ay doodiisuba jaban tahay. Waxa aanse isleeyahay malahayga, cadhada dadku waa lexo jeclo ay Baashe ka qabeen iyo dad ka xun in uu dedaalkiisii iyo taariikhdiisii kadaba tago. Anoo bartaas ka dhaqaaqaya, ayaan maqaal kan kooban kaga jawaabayaa dooda Baashe, anigoo toos u abaaraya aragtida uu soo bandhigay, iskana indha tirayo dooda odhanaysa, “Baashe laftiisa ayaa cadhaysan, duday ama caadifad ku maqan, waxaana caddaynaysa sida uu laba daraf mudo yar iskaga talaabayo, kabasii darane u dafirayo, marin habaabina isku dayayo” oo dad badani qabaan.

Waxa aan dib u baadhay badi haddaanay ahaynba dhammaan doodaha iyo waraysiyada uu Baaashe bixiyay intii uu aragtidan u ololaynaayay. Inkasta oo ayna sidan u habaysnayn haddana waxaa doodaha Baashe iigasoo baxday in uu afar qodob u cuskanayo aragtidiisa;

1. Sodon sano oo la kala maqnaa, dhan walba culays iyo dhib badan baa ka jira?

2. Somaliland laguma wada qanacsana, SNM-na may qabin go’itaanka Somaliland, ee dadkaa qasbay, madaxda haduna dadka ayuun bay ka baqaysaa?

3. Waxaa dhinaca Somaliland kajira dib u dhac siyaasadeed, dhaqaale, bulsheed iyo cadaalad daro keenaya hungow.

4. Isbedelka geeska iyo damacyada dawladaha jaarka oo haddaan laysku biirin 10 sanno gudahood qoomamo lagu danyn doono.

Kabasii darane waxa aad marar badan arkaysaa, Baashe oo qaba doodo is maax duminaya lehna, isku-biirba ma jirin, sifo sharciya looma kala baxin ama mid-keliya baa la ahaa marka horeba. Inkasta oo Baashe isagu hore iskugu wada jawaabay, oo aanu mudnayna jawaab cusub oo hor leh, hadana doodayda ayaan ku eegi laba dhinac oo kala ah; sida ay dooda Baashe u sal-laadahay iyo iftiimin kooban oo ah Somalilandta uu Baashe madmadawga dadka ka gelinayo.

Waa tan hore’e, Baashow haddaan taadabada kuu raaco; Sidee baa isku gaynta laba guul-darro inoo gayaysiinaysaa guul hor leh? Haddii Somaliland ku dhisan tahay go’aanka iyo rabitaanka shacabka, SNM-na ayna qabin oon yadu dadka jujuubin ee la jujuubay, maanay taasi cadayn inoogu filnayn XALAALNIMADA SOMALILAND, dadka kalena farayn ixtiraamida, go’aanka iyo doorashada masiirka dadka Somaliland? Dhaliilaha aad sheegtay in ay Somaliland ka jira, aadse ku qanacsan tahay in kuwo aad uga badan iyo duruufo ka qalafsani ceegaagan Soomaaliya, siday midnimo ugu qiil banaynaysaa? Haddii dhicisowgii midnimadii hore ay labada dhanba gayaysiisay kaalinta ay manta ku leeyahiin siyaasada, geeska, ku celinta midnimo kale maanay ahayn aynu isasii quusino? Waydiimahaas iyo Madawyada kale ee dulyaal dooda Baashe waxa ay si buuxda u iftiiminayaan sida aanu fikirkani, u sal laayahay, ugana madhan yahay hilaadin mustaqbal iyo xujooyin ka gadmi kara garaadka dadka caadiga ah.

Baashow, ka faa’iidaysiga fursadaha geeska, sare u qaadka nolosha bulshada Soomalida, adkaynta Soomaalinimada iyo xoojinta iskaashiga dawladaha Soomaaliduba, waxa ay ku jirtaa aqbalaada iyo tixgelinta rabitaanka shacuubta iyo ilaalinta xaquuqahooda masiir goosasho oo ah kan ay ku dhisan tahay Somaliland. Abuurista iyo dhismaha iskaashi dhaqaale iyo siyaasi oo togan waarana waxay ku sidkanyahiin QIRITAANKA iyo TIXGELINTA  ay Soomaaliya 30ka sanno kala masuugayso reer Somaliland, kuna bedalayso DAFIRAAD, CUQDAD iyo SHAKI GELIN, iyaba waa yaabe! ayna ku raadinayaan midnimo, marka ay sidaa tahay olole waa muhiim loogamase baahna Somaliland ee Soomaaliya kaga soo ololee “QIR SOMALILAND OO HA GEFINA MAR KALE” adna BAASHOW HA HABAABIN MAR LABAAD, waaba haddii laguu ogolaado, haddaanay suuragal ahayna, bal dib isku qiimee!

Waxa aan kuu qirayaa in Somaliland dawladeeddu yeelan karto gaabisyo sida dawladd kasta oo calaamka ka jirtaaba u leedahay, waxaase jira fursado iyo hannaan siyaasiya oo saamaxaya saxidooda iyo hanashada higsiyada, dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee umadan, mana jiraan daruufo hada daruuri ka dhiga in dhinac kale loo tukado, walaw dhan kale oo la jaleecaaba aanu jirin, sidaas darteed waxba ugama baahnid in aad si weyn isku wanjasho, qalinkaagii iyo waxqabkii ummadu kaa hantiday oo ah tan ay kugu lexo-jeclaynayaana aanad been abuur ku aasin, abwaanada buuggaagta aad ka qortay ee Hadraawi, Cali Sugule iyo Afqaloocna, meel ka dhaca iyo khalad turjumida kadaa.

Aniga oon marnaba duudsiyayn xorriyada rayigaaga iyo fikirkaaga, Baashow, waxa aan ku leeyahay, “Midnimo mar kale ma hufna waanay sal iyo seesba laadahay, hillaadin mustaqbal haba danbaysee, waxaase ku hilan oo aad u hor boodaya duudsi, dulmi iyo dafiraad tariikh iyo taagan umaadeedba, ee halkaa JOOGSI inagaa saar.’’

Roble Abdi Muse