Galinkii dambe ee maalinkii khamiistii bishuna ahayd 12kii bishii sadexaad ayaan barta Facbooga ee Ismaacil C Ubax ka akhriyay Sheekooyin taxane ah oo ka hadlaaya tiraba 3hablaa oo si yaabo kala duwan oo fool xun loola dhaqmay, loona bixiyay #qaylodhaandumar hab dhaqan kaasi oo ah mid ku tacadi nafsiyaa ah kuwo aad looga xumaadana ah.
3daasi sheeko mid ka mida waxa ay odhanaysaa. ” waxa ay qadiyadani ka dhacday Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland iyada oo masuul maamule ahi uu xidhiidh la sameeyay inan shaqaalihiisa waliba ka duubay Video kuna toojar gareeyay, una sheegay haddii aanay yeelin sida uu rabo in uu ceebta inantaa faafindoono, intaasi kuma eeka qisada uu Ismaaciil qoray ee xataa waxa uu sheegay in mushaharkeeda badh goosan jiray intaasi markii Ismaaciil Ubax qoray waxa hadana soo baxday in maalinkii jimcaha oo bishuna tahay 13 in inantii la xidhay laguna xidhay Saldhiga Dalloodho”.
In gabadhii la xidhaa waxa ay noqotay xaajo aflala qaada oo wixii horeba ka weyn!!
Intaasi markii aan ogaaday qormooyinkaasi waxa ay igu noqdeen fajaciso iyo yaab, waxa ay igu noqdeen qof ahaan argagax iyo gabood fal aan loo adkaysan karin ay waajibtahayna in laga dhiidhiyo lana hubiyo sida saxdaa ee wax uga jiraan.
Intii aanan wax talaabo ah aanan qaadin waxaan go’aan saday bal in aan hubiyo sida wax ay u jiraan! Waxaan wacay Axmed bile oo qoray sheekada xadhiga, waxaanan weydiiyay halkuu ka keenay xogtaasi ah in gabadhaa la xidhay, wuxuu ii sheegay in uu xogtaasi uu ka helay Ismaaciil Ubax oo Sheekadii horena isagu qoray.
Intaasi ka dib hadana waxa aan si toosa ula xidhiidhay Ismaaciil Ubax waxaanan wey diiyay sida ay wax u dhaceen, si koobana waxa uu iigu jawaabay in dhacdadaasi jirto oo inantaasi la Xumeeyay hadana Xadhig loogu daray Saldhiga Dalloodhana ku jirto Cajiib! yaabay oo yidhi waaxay dulmiga intaasi leeg.
Si aan hawshaa uga gurmado una hubiyo waxa aan la xidhiidhay Garyaqaano badan oo aan islahaa dhacdadaasi waxbay ka tari karaan kuwaasi oo kala ah Jamaal Mandeela, Xuseen Shabeel, iyo Yuusif Biixi oo dhamaantood looyaro ah, sheekada la socda oo wada akhriyay sidaasi ayay iyaguna u yaabanaayeen, aan u yaabnahay.
MAXAADHACAY INTAASI KADIB?
“Hubsiimo halbaa la siistaa” ee waxaan go’aan saday in aan sheekada xaqiijiyo oo hubiyo sida wax u dhaceen una jiraan, waxaan si toosa u guda galo si aan u ogaado xaqiiqada iyo sida ay wax u jiraan.
Waxaan qaaday talaabadii koowaad waxaanan wacay Garyaqaan Yuusuf biixi oo jaar la ah Saldhiga la sheegay in ay Inantu ku xidhan tahay waxaan ku idhi bal ka war doon saldhiga oo hubi xadhiga Inantaasi; waxaana uu iigu soo war celiyay oo wuxuu yidhi magaceed Inanta xidhan, waxaan idhi ma garanaayo wuxuuna igu yidhi dee lama ogaan karee doon magaceeda oo soo sheeg.
Waxaan markale dib ugu noqday oo la hadlay Ismaaciil Ubax oo ah Asalka sheekada, waxaanu ii sheegay in aanay suuro gal ahayn in magaca Inanta la sheego oo uu dhawraayo Sumcadeeda iyo karaamadeeda iyada lafteeduna aanay raali ka ahayn in la sheego magaceeda.
Halkaa marka ay Sheekadu Botorinayso, xog dhaafsiisan in Gabadh la xumeeyay waliba xadhig loogu daray aanay jirin. Qisaduna aanay lahayn Sumad iyo Sawrac laraaco toona, waxa aan go’aansaday in aan lugahayga maalo oo soo xaqiijiyo si toosana u tago Saldhiga Dalloodho.
Abaaro 06:50, salaadi Makhribnimo ka dib oo ah Jimcihii waxa aan tagay Saldhigii Dalloodho ee la sheegay in ay Inantu ku xidhantahay, aniga oo sii maray Garyaqaan Yuusuf biixi si uu ii Saldhiga iigu raaco balse uu iga Cudurdaartay oo iima raacin kaligay ayaa tagay oo waraystay Saldhigii waliba mid ka mida baadhayaashii shaqada lahaa wuxuuna ii sheegay warkaasi in aanu jirin, gabadh qadiyadnoocaasa u xidhanina aanay saldhiga ku jirin waliba wuxuu igu sii yidhi ” gabadh aanad magaceeda garanayn tixraacna aanad u hayan haka daydayin Saldhigyada, warka baraha bulshadana iska hubiya, waanad ku mahadsantahay in aad wax hubiso oo aad nootimaado ee qaarbaa intaa garanayn”.
Saldhigii Dallaadho markii aan xaaladaasi kala kulmay, haddana waxaan dib ugu noqday oo wacay Ismaaciil Ubax oo u sheegay in aan ka soo waayay Inantii saldhigii, wuxuuna igu waa lagaa qariyee wey ku jirtaa oo anaa huba, waxaanan ku idhi maxaynu yeelnaa, wuxuu iigu jawaabay Ismaaciil ilaa bari iga war sug, sidaasi ayaanu ku balanay.
Ismaaciil Cabdilaahi Ubaxle anigu waxaan ku aqaanaa in uu yahay qof aqoon yahayn ah beena aan sheegi karin warkiisana la rumaysan karo oo looga qaateena, waayo intaasiba ismaam hawleen hadii qofkale sheekada qori lahaa, xajo marka ay halkaasi marayso saacaduna tahay ilaa sideedii habeenimo ayuu haddana Ismaaciil soo qoray in Inantii la siidaayay gurigoodiina ku sii socoto. Haayada shaqaalaha Dawlada iyo Gudoomiye Farxaan aadan haybana kala shaqaynayaan hashaana baadhayaan. In yar kabacdi ayaa hadana warkaa Ismaaciil burinaaya ay bartooda Facbooga ku soo qoreen Gudoomiye Farxaan iyo pagekii haaydaba war mucdiisu ahayd in aanay jirin Gabadh Shaqaalaha dawladaa oo lagu xidhay Saldhiga Dalloodho.
Qisadii marka ay halkaa marayso waxa mihiim noqotay in aan sii raadraaco oo aan hubiyo meelcadna ku tiiriyo xaajada. Waxa aan xidhiidh la sameeyay Gudoomiyihii hayada Shaqaalaha isla habeenimadiiba balse nasiibdaro waan waayay, balse abaaro 08:00 ee Sabti ayaan ugu tagay xafiiskiisa iyada oo ay hayd subax shaqo oo xafiiskuna yahay cidhiidhi shaqo badani ka socoto sidaasi darteed waan u gali kariwaayay balse telefoon baan ku helay waxaani gudoomiyaha haayada shaqaaluuhu ila balamay 12ka duhurnimo in aan u yimaado si aan xog buuxda uga helo, u imid xiligii 12ka ahayd oo is helnay Farxaan Aadan Haybe qisadiina weydiiyay wuxuuna ii sheegay in gabi ahaanba warkaasi been yahay si xoogana u baadheen hawshaasi baadhistana ay kala shaqeeyeen Wasaarada Daakhiliga iyo Ciidamada bileyska, Ismaaciil oo ay xidhiidheena aanu u sheegin habayartee wax tixraaca ama sumada, ama cadayna oo ay adeegsadaan baadhidoodiina waxba ku waayeen, waliba beeniyeen dhacdadaasi oo si wadajira Warbaahinta uga hadleen.
Ismaaciil Ubax laftiisuna wuxuu ii sheegay in sidii ay ahayd aanag kiiskaasi u baadhi hayaada shaqaalaha iyo farxaan waliba cidii la eedaynaayay uu ka soo dhex muuqday, sidaasi marka ay wali xaajo tahay haddana markale oo Sabtidii ah haddana Ismaaciil waxa uu baahiyay war gundhigiisu yahay in Inantii si hoose loola heshiiyay lana siiyay 25halaad oo xaala sheekadiina si hoose loo dhameeyay oo labada dhinacba raali ku yihiin heshiiskaasina ka dhacay Saldhiga dhexe ee hargaysa. Markale waxa aan tagay oo ka wardoonay haddana Saldhigii dhexe iyana waxa ay ii sheegeen in aanu warkaasi jirin gabi ahaanbana been yahay aan sal iyo raadtoona lahayn Saldhiga dhexe waxa aan tagay maanta oo Axada tiraba laba jeer markamidana waxa ila socday Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud.
MAXAA IIBAXAY HADABA?
Kaliya waxa aniga i waday waxa ay ahayd in aan ka gurmado haddii uu jiro Dulmigaa foosha xun, intii aanan talaabo qaadina aan hubiyo sida ay wax u jiraan dhacdaduna tahay, qofkastana wax la gudboon in uu ka hawlgalo wixii karaankiisa ah ee uu bulshada tari karo kuna biirin karo.
Intii aan hawshaa daba socday waxa aan utagay oo wax weydiiyay kaliya haldhinac oo ah Dawlada oo lagu eedeeyay Sheekada, waxaan tagay Saldhigyadii la yidhi waa lagu xidh waana lagu heshiiyay, waxa kale oo aan u tagay Gudoomiyaha haayada shaqaalaha Dawlada dhamaantoodna qisadaa wey beeniyeen waliba si weyn bay u beeniyeen, waxaanay isoo gaadhsiiyeen in aanay suura gal ahayn in qiso noocaasi dhacdo suura galna xataa aanay ahayn.
Dhankii Inanta kama helin ina wax raada, kama helin Cid aan wax weydiiyo, xataa inuun wax tixraaca ha ahaatee kama helin, xataa waxaan waayay cid aan u tuhmo in ay qisadaa doc iyo dareen in uun wax ka ogyihiin Cajiib! Ma jirto oo waan waayay cid kale oo Ismaaciil dhaafsiisan iina sheegta Inanta magceeda, halka ay degantahay, magaca Hooyadeed, inaba ma helin cid ii sheegta xataa waxaan waayay cid sheegta masuulka la sheegay in uu dambigan galay magaciisa, title kiisa shaqo ee saxda ah, nooca xidhiidhku in uu sidaasi loo baahiyay yahay iyo in uu ka duwan yahay intaba. Wax xoga oo dhaafsiisan intaa Ismaaciil inala wadaagay ma helin, xataa qof in uun qisadaa wax ka og oo Ismaaciil dhaafsiisan kama heli dhanka Inanta.
Guntii iyo gabagabadii waxa aan ku soo Afmeerayaa qisadan la baxday qaylo dhaan dumar, oo ah mid xambaarsan Dulmi iyo foolxumo weyn in aan halkaasi lagaga hadhin ee meel lagu cadeeyo maadaama oo ay si weyn u dhex qaaday Umadii waxaana Daawo u ah laba qodob.
1 In Dawladu maadaama oo ay beenisay ay qisadan ka samayso kiis dhaba, Eedrasmiya oo dusha loo saaro cidii gabood falkaasi leh, waa haddii ay jirto, haddii ay beentahayna ay ku Ciqaabto Cidii beentaa faafisay.
2 Haddii sheekadu dhabtahay waxa mihiima in uu soo bandhigo Runimadeeda Ismaaciil Ubax oo ah qofka sheekadan ina soo gaadhsiiyay ee faafiyay si loogu ciqaabo cidii dambigaa gashay umadana u soo bandhigo cadaymo marag buuxa u ah sheekada uu fafiyay oo ka culus intan uu sheegay.
Anigana waxa ii soo baxday in aan la rumayn karin sida ay sheekadaasi u dhigan tahay in ay u jirto, qof ahaan waayo maan helin cadaymo aan ku qanco ilaa hadda.
DHAMAAD.