Baga ayaanan tixraaceyga ku qoran “Reference” (WQ: Maxamed Faarax Cilmi)

Waxa uu is yidhi hebel waa nin dhawrsoon oo wanaagsan, sidaas darteedna waxa uu jecleystey in uu ku qorto tixraaciisa si haddii loo baahdo marka uu shaqo codsanayo/helo uu warbixin togan uga bixiyo, misana markii magaca ugu horeeya uu ku qorey waraaqda warbixintiisa waayo-aragnimo, aqooneed iyo nololeed ayuun bay wax kusoo dhaceeen, wax uun baa ku yidhi, “maya” HA KU QORIN, daqiiqado kooban oo fikir iyo falanqayn uu iswaydiinayo kadib, waxa uu go’aansadey in aanu ku qorin tixraaciisa.

Waa qof macaan marka dusha laga joogo oo afgaaban,  inkastoo waayadan danbe marba marka kasii danbeysa la ogaanayo dabeecado badan oo u qarsoonaa, marka hoos loo daadago waa qof aan jeclayn libinta iyo in qof kale ka hor maro, mararka qaar waxaad moodaa in horumarku isaga kaligii koonto ugu xidhan yahay, waa yara badow aan dhul badan marin waayo aragnimada inta uu ka haystaa waa in yar oo ku kooban xayndaabka noloshiisa, balse aan fahmi karin intaas wax dheer, guusha iyo hormuarku isaga waxa ay ugu joogta guri la dhisto iyo shaqo aad haysato wakhtiga laga hadlayo, balse aan mahadin amaba aan arki karin guulaha kale ee la gaadho, haddii intaa minqiyaaska isaga u ah aad haysato waxa laga yaabaa in uu meel kasta kaala soo xidhiidho, haddii kalese liiska uguma jirtid,  waayo-aragnimada fikradaheeda iyo dhaqamadeeda kala duduwan ayaan wali ku dhibcin balse wuxuu isku haystaa qof lagu dayan karo (Role Model) walow dood dheer asaagiiba lagu qanciyay in aanay wali wax cusub dadka kusoo kordhin,  xaasidnimada wuu yara qarsadaa mana jecla dadka shaqada ka hor hela, su’aalaha uu waydiiyana waxa kamid ah sideebaad shaqada ku heshay? Waxa uu yidhi waxa aan xasuustey bari labo dhalinyar ahi ay tageen meel habeen lagu dhigayay mawlital nabi (NNKH) markaa qiyaastii sida caadada u ahayd jaadd baa la cunay waana la mirqaamey, labadii dhalinyartii waxa ay garab fadhiyaan sheekha mawliid ka akhriyaya, waxa dhacdey in sheekha marka koob shaaha oo dheer loo shubaba labada dhalinyarta ah midi uu ku yidhaa “sheekh Shaaha intan leeg yaa shubo ku yidhi?” ka kalena haa waa runtii intuu yidhaa ayuu ka qaataa misana cabaa” shaqada uu hayaa midhaa waa taa tu la mid ah, dhaqanka noocan ah ma aqaan meel laga soo waaridey iyo sababta uu ku yimid midna toona? Se wuxuu is leeyahay malaha xadaaarada faraha badan iyo aqoonta ayaa keentey? Misane taa badelkeed aqoonta iyo xadaaaradu miyaaney wax cusub iyo hal-abuur cusub ina bareyn?

Wuxu jecel yahay in uu wax kasta oo noloshaada khuseeya kaa ogaado, malaha wuxuu maqley in haddii sida sirdoonka (Intelligence ka) loo shaqeeyo in uu horumar ku gaadhayo qofka kalena uu gaabinayo?, misa waxa ay uga badan tahay qof aad warbixintiisa hayso waad ka badin kartaa sida buugaag badan oo hada la akhristaa ay dhigayaan iyaka oo si kale oo sidaa ka duwan misana togan u odhanaya, tusaale ahaan in aad fahmi karto waaqiciga ka jira meesha aad ku nooshahay (The ability to understand the experience of other people) haddii tan danbe ay tahay qasdigu, fahamkeeda ayuu ka leexdey, ee docda kale waxay noqo lahayd fahamka doorashada qaabka ugu wanaagsan ee uu ula dhaqmayo mujtamaca uu la nool yahay.

Si kasoo hor jeeda sida hada, waxay malaha noqon lahayd in wakhti iyo juhdi badan uu ku lumiyo sidii hibo (Talent) uu ilaahay siiyay uu u fahmi lahaa misana uu usii horu-marin lahaa, taas baa labada halka uu doonayo gaadhsiin lahayd, mise “waa xog la hel yaaba talo la hel” adaaa yaqaan.

Soomaalidu waxay tidhaa “Barasho Horteed ha I Nicin” imika malaha maahmaahdaas cakiskeed baa socota, hada malaha maahmaahdu waxay noqonaysaa Aalada Internetka dabadeedba waad I Nici, macnaha adigaa fahmi doona akhristee, waxa hada wax walba oo marka hore aan jirin fudedeeyay aalada internetka iyo aleenka gacanta (Erayga ALEEEN waxaan kasoo amaanaystey qoraalka Cabdiraxmaan Aaden Maxamuud oo ah qoraa ku xeel dheer luqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska, waana markii iigu horeysay ee aan maqley eray bixintaas) awal xanta sida loo maqla way yareyd ama adkeyd, hada qof Maraykan jooga xantiisa waad arki kartaa, waxa dhacdey sheeeko ku sahabsan arintan, Sheekh joogey Netherland ayaa dhalinyaro ay isku fasal ahaayeen dugsiga luuqada lagu barto la wadaagi jirey sheekooyin, sheeku wuxuu aad u taageeri jirey Al-shabaab, dhalinta marka uu u waramayo ee waliba arimaha xaasxaasiga ah uu ka hadlayo ayay aleelka gacanta kaga duubi jireen, wadaadkii maalintii danbe ayuu yidhi waar horta kii shaydaaan ahaa baryahan wax ka dheerayn og, hadalkii buu qaadayaa oo maraykan geynayaa oo misana Afrika geynayaa, oo Somaaliya gaynayaa, waar xaruntiisii baynu nimid, acuudu bilaah, maalinkii danbe ayaan lagu yidhi waa runtaas oo kaasi shaqadiisii iyo balantisii buu wataa, ku kuloo ka daran baa jira, ee markaad hadlayso iska eeg cida aad la hadleyso.

Aalada internetka iyo aleenku waxa kale oo ay fududeeyeen in qof aadan waxba u dhimin oo 1000 mile kuu jira in uu kuu cadhooda, sababtoo ah wax yar oo aad baraha bulshadu kuwada xidhiidho soo dhigtey, isagana waxba ka khusayn, kolay culimadu shaydaankii Facbook ga ayuu soo galay bay ina odhanayaan waaney ku saxsan yihiin, hadana sidaas ay tahay, carbinta maskaxdu waxyaabo badan oo aynu badow ka nahay ayay inoo iftiimisaa, dhinaca maadiga marka laga eego waxa jirta in maskaxda binu’aadamku ay waxyaalo badan oo aan xidhiidh ka dhaxeyn xidhiidh ka dhaxeysiiso, waxa la yidhaa qaybtan (Associative Memory)  [sida mid aan fiiro dheerayn oo igu yidhi horta maxaad uga jeeday “Food Poisoning” bal maxaa ka galey] sidaas darteedna ay dad ka qaar ka cadhoonayaan waxyaabo aan khusaynba amaba aanay shaqo ku lahayn, waana halka ay inta badan caqabadu taal, nuxurka iyo ujeedada aalada iyo aleenku waa in ay soo dadajiyeen in qof marka hore kuu wanaagsanaa uu fariimahaaga  si sidhin ah uu ugu istaadhmo, si qaldana u fahmo, taas taxadirkeed xaga tixraaca in aad ka fikirtaa waa lagama marmaan.

Guntii iyo gabogabadii, qarnigan aynu joogno, waxa hada aad loo tixgaliyaa marba inta xayndaaab ee aad ku xidhan tahay iyo nooca ay yihiin, walow ay abuurmeen xayndaabyo xaaraan ahi oo beelaysan, hadana waa lagama maarmaan, inta badan tixraaca waxa ka muhiimsan xayndaabka, si kastaba ha ahaatee, in tixraaca aanad ku qorin waraaqda warbixinta waxbarashada iyo waayo aragnimadaada shaqo judhiiba waxay kaa caawinaysaa in aad hubiso dadka qaar, imtixaanka iyo wareysiga kadib marka lagu waydiiyo in aad u gudbiso cida ay khusayso.

Maxamed Faarax Cilmi

Lataliye, Tabobare iyo Cilmi baare Sare