Dhalliyaradu waa kuwo ugu firfircoon ee uu saameyn togan ku yeelan kara xanuunka HIV/AIDSka, sababtoo ah waxay aad ugu dhiiranyihiin galmada (sexual Active), si kastoy ahaataba waxa haboon in dhallinyarada aad looga wacyi galiyo sidii ay isaga illaalin lahaayeen xanuunada ku faafa galmada ee uu kamidka yahay HIV/AIDSku.
Ururada ka shaqeeyo wacyi galinta iyo ilaalinta caafimaadka dhallinyardu waxay inta badan xooga saaraan sidii ay u badbaadin lahaayeen dhallinyarada oo ah cudud firfircoon oo dalku u baahanyahay.
Ardeyda wax ka barata kulliyadaha caafimaadka ee dalku waxay awood u leeyihiin sidii ay isaga wacyi galin lahaayeen khataraha caafimaad ee ku iman kara, waxay inta badan laga raba sidii ay waqtiyada nasashada iyo waqtiyada ay fasaxa ku jiraan uga faa’iideysan lahaayeen una qabsan lahaayeen kulamo ay ku qabsadaan xarumaha ama goobaha waxbarashada iyo goobaha kale ee ay ku kulmaan taasoo ay uga faa’iideysanayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen khataraha caafimaad darro ee uu leeyahay xanuunka HIV/AIDSku.
Bahda caafimaadku waxay aqoon buuxda u leeyihiin dhamaan cudurrada lagu kala qaado galmada, kuwo laysu gudbiyo iyo kuwo kale oo ku faafa bulshada dhexdeeda, waxa loo baahan yahay inay si aqoon leh uga hortagaan xanuunka HIV/AIDSka, inta badanna uga wacyi galiyaan dhallinyarada kale ee la deegaanka ah.
Waqtiyada kala duwan ee ay ku goobaha wax barasho waxa xusid mudan inay booqdaan iskuullada kuwo sare iyo kuwo dhexe/hoose iyagoo u iftiiminaaya dhibaatada uu leeyahay xanuunka HIV/AIDSku.
Maqaalkan waxa qoray ururka Somaliland Y-PEER