Nin baa maalin isaga oo meel maraya arkay dhagax weyn oo sallax ah. Waxa dhagaxa ku dul qornaa weedho sidan u dhowaa: “Haddii aad dhagaxan dhinaca kale u rogto waxa aad heli doontaa wax faa’iido leh”. Ninkii waa uu istaagey, cabbaar buuna fikiray. “Ma qasnad baa ku hoos jirta? Ma lacag baa ku hoos jirta, mise wax kale oo si uun kuu anfici kara?” ayaa ka mid ahaa weydiimo dhawr ahaa oo maskaxdiisa ku soo noqnoqday. Ugu danbayn go’aankiisii waxa uu ku soo ururay in uu dhagaxa dhinaca kale u rogo si uu u helo khayrka la sheegay!
Dhagaxu waxa uu ahaa mid weyn oo in si dhib yar lagu rogaa ay adag tahay. Hase yeesho ee awood iyo itaal waxba lama uu hadhin. Wax uu hareeraha ka qodqodo iyo wax uu muruq adeegsadoba saacado ka dib isaga oo uu dhididku ka da’ayo ayaa uu ku guulaystay in uu dhagaxii dhanka kale u rogo. Haddaba maxaa meeshii kaga soo baxay?
Ninkii waxba ma uu helin, dedaalkiisii oo dhammina waxa uu noqday sida hal bacaad lagu lisay oo kale. Isaga oo niyadjabsan oo in uu iska dhaqaaqo doonaya ayaa waxa uu arkay qoraal kale oo dhagaxa dhinaciisii hoose oo imika dusha soo maray ku qoran. Qoraalkaasi waxa uu u dhignaa sidan:
“Damacu waa aabbaha wax kasta oo xun. Haddii aad murtidan mar walba maanka ku hayso waxa aad noqon doontaa nin fiican.”
Damacu waa wax aan wanaagsanayn, waana wax lagu lumo. Dadka waa uu ku kala badan yahay, oo qofba heer buu u joogaa. Waxase dhici karta in ha yaraado ama ha badnaado ee uu qof kastaaba yeelan karo xaddi damac ah, waxana markaa lagu doodi karaa in uu damacu yahay wax aadamiga oo dhan ku wada jira.
Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-Qays) ayaa maanso ku sheegay in uu dadku halis yahay haddii uu waayo sharci qabta, oo uu wax walba cagta marin karo. Waxa uu yidhi:
“…Haddaan diintu qabanayn
Sharci kaa dabbaalayn
Dabar kaa ceshaa jirin
Dadku waa belaayee…”
Damacu waa doonis aan xaq ahayn oo qofka ku kelifta isaga oo xoog ama xeelad midka uu doono adeegsanaya in uu qaato xoolo ama hanti ama wax aanu xaq u lahayn oo ay cid kale leedahay.
Qof kasta oo wax aanu gar u lahayn in uu qaato isku dayaa qof shacab ah ha ahaado, ganacsade ha ahaado, maansayahan ha ahaado, qoraa ha ahaado, siyaasi ah ahaado ama wax kaleba ha ahaado ee waa damaaci. Damaacinimaduna waa sifo xun oo aanay dadku jeclayn.
Maahmaah qalaad ayaa ahayd: “Qofka saboolka ah wax baa ka maqan, hase ahaato ee qofka damaaciga ah wax intaa ka sii badan ayaa ka maqan”. Dadkeennuna waxa ay yidhaahdaan: “…Bakhayl damac yaqaan lalama dego!” Marka ay sidaas leeyihiin waxa ay innoo sheegayaan sifada damaacinimada in ay sifo kale oo bakhaylnimo ahi ka horreyso. Macnuhu waxa weeyi qof kasta oo damaaci ahi intii aanu damaaci noqon bakhayl ayaa uu ahaa. Qof kasta oo sifooyinkaa yeeshana lalama noolaan karo waxana habboon in aan lala degin oo laga fogaado.
Cabsi uu qofku saboolnimo ama wax la’aan ka qabo ayaa lagu doodi karaa in ay inta badan qofka damac ku kelifi karto. Laakiin haddii uu qofku cabsidaas iska saaro oo uu kalsooni yeesho si xalaal ahna u shaqaysto in uu liibaano oo uu togag khayr ah dhex muquurto ayaa laga yaabaa. Haddii kale werwer ka bixi maayo, noloshiisuna waxa laga yaabaa in ay noqoto mid aan degganayn.
Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee uu qoray Axmed Iid Aadan:
Maxamed Cali Samatar iyo maamulka Muqdisho
Baadisooc: Dhaxal Ma-Guuraan Ah
Sannad-guurada 14aad ee Halyeygii Somaliland: Maxamed X. Ibraahin Cigaal
Halabuur mise hadal? – Doorsoonka ku socda Fanka waqtigan
Abaydin Abaydin dhalay: Ruwaayad digniin weyn bixinaysa
Af qalaad ma laga maarmi karaa?
Adeegsiga Qabyaaladda ma la yarayn karaa?
Hibada, aqoon-darrada iyo waxbarashada
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Hargeysa, Soomaalilaan