Hordhac Badalkii:
โBandhig buugeed magaalo Soomaaliyeed ka dhacay, oo qorayaal Soomaaliyeed iskugu yimaaddeen, ayaan kula kulmay qorayaal iyo suugaanyahan Soomaaliyeed oo aan aqoon u lahayn Maxammad Daahir Afrax oo isaguna nagula sugnaa bandhigga. sheekadan koomiidiyada qadhaadh ah waa mid aan waligay warin doonoโย
Xagaagu waa xilliga bandhig buugeedyada. Sidaa haddaan u qeexno xagaaga Soomaalida danbi inaga raaci maayo. Bilaha uu ka koobanyahay waxa ay martigaliyeen sannadkii hore oo qudha, Bandhigga Buugaagta Kismaayo, Bandhigyada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargaysa iyo Garoowe, Bandhigga Buugaagta Boorama, ka Muqdisho, Burco, Cadaado iyo Bandhigga Baydhawa. Sannadkaas waxa soo afmeeray midka Laascaanood. Isla sannadkaas waxa kale oo la hadalhayay mid Jigjigi ay yeelan doonto, wax iyadna soo ifbaxday waydiin la xidhiidha xilliga ay Jabuuti marti galin doonto bandhig buugeedkeeda. Sidoo kale, waxa si sannad le ah uga qabsooma magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdhisho, xilliyo aan xagaaga ahayn Bandhigga Buugta Baraarug. Munaasabadahan sannadlaha ahi waxa ay u dhexeeyaan ugub sannadkan markii ugu horeeyay qabsoomay iyo qaangaadh saddex iyo toban jirsaday. Tiradooda, baahsanaantoodaโcarriga soomaaliyeed in ay koobaan ayay ku dhawyihiin eโcimrigooda, kala duwanaanshohoga iyo waliba xaqiiqada ah in ay ka mid noqdeen nolosha dhaqan ee bulshadu waxa ay waajibinaysaa in la maxkamadeeyo wax-qabadkooda, si furanna looga doodo heerkooda wax-tar iyo halka ay bulshada kaga jiraan.
Buugga iyo Bandhig Buugeedka
Dareenka diwaangalinta, dhaxal reebidda iyo kaydinta garashadu wuu la kawsaday aadamaha. Farsamooyin badan iyo aalado kala duwan aynu wax ku soo diwaangalin jirnay, dhagax asataamo lagu xardho iyo harag xarfo lagu sawiro ha ugu horeeyaane. Horumarinta aaladaha diwaangalinta ku socotay mid la mid ah ayaa ku socotay farsamooyinka dhigaalka, afka, farta, qalabka qoraalka iyo qababkiisaba isbadal joogto ah ayaa ku dhacay, illaa haddana ku socda. Xarfaha iyo xaashidu markii ay kulmeen ayuu dhashay buuggu, wuxuna noqday aaladda ugu muhiimsan ee diwaangalinta, in badan baannu soo kocay, doorkiisuna la koray. Buugga dabadii waxa soo baxay farsamooyin iyo aalado kale, ka ag dhaw sida joornaalka, ama aad uga gadisan sida idaacadda, cajaladaha, tilifishanka iyo internetka oo inta noocba isku koobsaday. Mid kasta oo soo ifbxadaa waxa ay noolaynaysay fikradda dhimashada buugga, waxayna abuuri jirtay dareen sheegaya in ay buugga booskiisa gali doonto aaladdan cusubi, baahida loo qabana ka saari doonto meesha. Dareenkaasi marwalba wuu hungoobi jiray.ย
Qarnigii shan iyo tobnaad ee Miilaadiga, markii la ikhtiraacay madbacadda ayuu buuggu helay fursaddiisii ugu muhiimsanayd, kacaankii ay madbacaddu dhalisay wuxu buugga ka soo dajiyay geedka haldoorka, wuxuna soo galiyay gacanta jamaahiirta. Sidoo kale wuxu dhalay shirkadaha daabicidda iyo faafinta, suuqa buugguna wuxu noqday mid macaash leh oo hantigoosi a. Bandhig buugeedyadu halka ay ka unkameen ayaa ah halkan, kadib markii ay daabacaaddu fidday, afafka iyo dalalku kala bateen, qaybaha buugtuna si tiro beel ah u kala farcameen ayay u soo ifbexeen buuxinta baahida uu akhristuhu u qabo in uu meel ka wada helo buuggta uu u baahanyahay ee kala af, mawduuc, nooc, dal iyo qiimaha ah. Sidaas ayay bandhig buugeedyadu ku noqdeen suuq buugeed tan iyo bandhiggii ugu horeeyay ee Faraankifoort ka qabsoomay qarnigii shan iyo tobnaad. Sidoo kale, buug jecesha bandhigyadu waxa ay u yihiin goob laga naqaysto waxa cusub, daabacaadaha taariikhiga ah, buugta widhiidhka iyo mar la aragga ah, kuwa suuqa ka goโa iwm.
Dheeligu Dhankee ayuu ka jiraa?
Tan iyo markii ay bandhigyadu carriga Soomaaliyeed soo galeen, waxa muuqatay dhaliil la xidhiidha mugga iyo muuqa oo kala dheeliya, isku miisaanaan laโaanta isleegtaasi aad ayay u muuqatay, in uu muuqqu mugga liqayna waxa ay ahayd xaalad laasimtay bandhigyada Soomaalida. Suhayb Cabdiraxmaan oo ah turjume iyo falanqeeye buug, warbixin ka qoray gabagabadii Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargaysa, doorkiisii tobnaad, sannadkii 2015 wuxu ciwaan u doortay waydiinta ah “ู ุนุฑุถ ูุฑุฌูุณุง ูููุชุงุจ:ุฃูู ุงููุชุงุจุ” oo u dhigan Bandhigga Bugaagta Hargaysa: Aaway Buugtii?, isagoo naqdiga ku bilaabay โIn kasta oo aad loogu xafladeeyo sannad walba munaasibadda bandhigga, haddana qofka booqda waxa ka nixin doonta in aanu macradku fidinayn buug badan oo akhristaha lagu talagalay uu rabi lahaa iibsigooda, sidoo kale masuuliyiintiisu arrinkaas waxba kama soo qaadaan, waxaba la odhan karaa munaasibadda bandhiggu ma dhaafto โbiristiijโ dhaqan, mar haddii aanay jirin qorshe buugga lagu suuq gaynayo ama shirkadaha faafiya dibadda lagag keenayoโ
Cumar Baashe, fikirka iyo dhaqanka wax ka qora, ayaa isna qormo uu ka qoray bandhigga buugaagta Muqdisho, doorkiisii shanaad oo sannadkan qabsoomay ciwaan uga dhigay “ู ุนุฑุถ ุงููุชุงุจ ูุญุชุงุฌ ุฅูู ูุชุงุจ: ู ูุงุญุธุงุช ูู ู ุนุฑุถ ู ูุฏูุดู ูููุชุงุจ” oo u dhigan Bandhig Buugeed u Baahan Buugaag: Milicsiyo ku aadan Bandhigga Buugta Muqdisho, wuxu ku sheegay โโฆ Bandhiggu ma ahayn mid buugeed, wuxu ahaa bandhig dhaqameedโmacnihiisa taqliidiga ahโwaxanad ka milicsanaysaa taas miisiga, heesha, qudbadaha, iyo ku mashquulidda warbaahintaโฆ. Mushkiladda bandhiggu waxa ay ayad in aanu buuggu muhimad lahaynโ
Labadan bandhig oo ah labo daโda iyo khibrada ka badsada inta kale, hab maamulka iyo saamaynta kaga horeeya, awoodda iyo hantidana aad ugaga sareeya uun kuma koobna naqdigani, sidoo kalena qorayaasha aan soo xiganay uun maaha ciddaย qudha ee cilladahan tilmaamaysa, waxa sir aan qorsoonayn ah in bandhigyadu isku rogeen โbandhig hadalloโ iyo โisku soo baxyo sawir qaadisโ waxa ugu danbeeya ee hela haleelka hawlwadeenaduna yahay buugga! Waxa kale oo iyadna isasoo taraysa ku celcelinta dadka ka soo muuqda iyo mawduucyada ka baxa fagaaraha bandhigyo badan, halka kuwo kale tirada ka qaybqaatayaasha ka doorbidaan tayada qudbadaha, gaar ahaan ka qaybgalayaasha meelo kale ka soo safra, ama maga wayn le.
Kobcinta isdhexgalka bulshada gaar ahaan dhalinyarta iyo abuurista goobo guud oo la wada leeyahay, la isku aragti iyo khibrad waydaarsado, kana gadisan kuwa hore u jiray ee ku eedaysan in ay ragaadiyeen daโyarta ayaa ah waxqabadka koobaad ee bandhigyadu ay ku faanaan, loona qiri karo, lakiin waxa jira xaqiiqooyin ayna inkiri karin oo ay ugu horayso in ay bandhigyadu isku rogaan fagaare siyaasadeed, fariimaha iyo qudbadaha madaxduna yihiin wax ka baxa waxa ugu mudhiimsan, tani ma aha dhaliisha ugu muhiimsan, mudnaan laโaanta buugga ee aan hore u soo qeexnayna kuma koobna cilladaha ka jiraa; waxa ka mid ah:-ย
Buugga Walaalkii
Nasiib darro hadallada ay bandhigyadu awoodda saareen ma noqon kuwo buugga ku sahabsan, isaga awoodda saara oo lagu falanqeeyo, lagaga doodo laguna naqdiyo, buugga, haddii uu noqday mid laftiisu meesha ka maqan. Kullamada bandhigyada ka baxa, oo asalkaba ahaa wax garab socda iibka, noqday se hawsha asaasiga ah ee goobta loo tago ayuu buuggu safka labaad kaga jiraa iyagna. Buugta cusub, kuwa mudnaanta leh ee baahida gaar ka ah loo qabo, kuwa lama huraanka ah ee seesdhigga u ah aqoonta ku aadan arrimaha bulshada iwmย ma aha kuwo hela fursad ay masraxa kaga soo muuqdaan. Waxa aan xasuustaa sannadii uu soo baxay buugga macalin Cabdalla Cumar Mansuur oo ka mid ah antaroboolijistayaasha Soomaaliyed ee nool kuwa ugu mudan, ee ciwaankiisu yahay Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed: Daraasaad Af iyo Dhaqan, oo ah buug lama huraan u ah qofkasta oo dananaya aqoon ku sahabasan Soomaalida, in aanu ka helin hadalqaad, daadihin iyo shaacin toona,ย falanqayn, gorfayn iyo naqdin iska daaye mid ka mid ah bandhigyada kuwa ugu waawayn.ย
Fursadaha ayna masraxa aanay ka helin buugta mugga aqooneed lehi, oo ka dhigan qorayaashooda oo ah aqoonyahanka runta ahina ma helaan, waxa hela โbuugga walaalkiiโ waxa aan u bixiyay, kaas oo ah mid buugnimaduusu tahay in uu xarfo iyo xaashiyo ka koobanyahay, loona qoray โmar uun qoraa I dhahaโ aqoon, khibrad, wax-soosaar, halabuur iyo baadhis toona aan la xidhiidhin ee shaqadiisu tahay wareejinta sheekooyinka fadhi-ku-dirirka ee wakhtiga lagu dilo.ย
Qodobkaas u danbeeyay waxa uu innagu aroorinayaa cillad kale oo ah ta uu ka dhashay qoraalka caynkaas ah ee aan soo tilmaannay, oo ah waxa loogu yeedho horumarinta Aadamaha oo saaxadda dhaqan xuurto ku haysata xilligan. Bandhigyadu waxa ay gaysteen dhagar culus oo ah in ay fidiyaan, buunbuuniyaan hoyna u noqdaan shaacsanahay (phenomena) oo ah mid innagu cusub, u eg aqoonta lakiin lidi ku ah, aan ku abtirsan Saynis, Cilmi-bulsho iyo Cilmi-diineed toona, lakiin saddexdaas laamood ee macrifadaba fadhataysta, xariifna ku ah adeegsida afka. Aqoontan gacan ku rimiska ah oo abuurta aadame wax kasta ka madhan, kalsooni iyo kibir se buuxa ayay u noqdeen minbar lagag baaqo, waraabiyaan iyaguna ka biyo cabaan. Tani waa cillada ugu halista badan, waxa ay xabbad saaxiibtinimo ku tahay aqoonta caadiga ah iyoย aqoonyahanka cimriga ku lumiya dhalinta aqoonta, halisna waxa ay ku tahay buugga xambaarsan aqoonta oo wax walba uga baahi badan fagaare lagaga niqaasho laguna naqdiyo, sidoo kale jiilka cusubna waxay ku yahay marin habaabin, ileen buug shaxaadan iyo aqoonyahan madhan ayaa tusaale ay u hanqaltaagaan looga dhigay e.
Shaacasanuhu Halkuu Ka Soo Burqanayaa
Mushkiladahani waxa ay la kala xidhiidhaan xaalado kala duwan, qaybaha hore ee muuqaalka mudnaan-siinta ahi waxa ay la xidhiidhaa dadaaladda siyaasadeed ee loogu jiro dib u habaynta sawirka deegaannada, sidaas ayaa saxaafadda loogu bixiyaa tamarta iyo hantida ugu badan, madaxdana mar walba loo horwadaa dadwaynaha. Waxan se dareensanahay in uu jiro dareen ka mugwayn intaas oo u diraya hawlwadeennada, masuuliyiinta iyo madaxdaba in ay martigashiinta aad iskaga dhisaan oo ismuujinta dhaafsan. Ka meedhashada wixii dagaalladii sokeeye deegaannada kala maray ayaan iskleeyahay waa midda riixaysa xaaladdaas gaar ahaan. Soomaaligu wuxu Soomaaliga uga cudurdaaranayaa xumaantii Soomaaligu, Soomaaliga kale ku sameeyay waagii la is xumaynayay, taas macnaheedu waxa weeyi jiilkani danbiyadii jiilkii hore ayuu ka meedhanayaa, duquusta martiqaadka iyo madax ku sidashada Soomaalida kale ma aha wax aan ahayn galkii la isku daahirinayay, waxayna aad uga muuqataa, oo aan anigu bandhigyo badan kula kulmay heerka ay martigalintu gaadhsiisantahay, sida yar iyo wayn deegaanku ugu guntado iyo hawsha iyo hantida gasha mar walba.ย
Tusaale Nool
Mid ka mid ah bandhigyadii aan ka qayb galay, waxa na casuumay todbaadkii aan joognay, qoys geellay ah oo duleedka magaalada dagan, habeenkaas hilib adhi, dhay loโaad, mid adhi iyo mid gee loo lis ah iyo ciir idaad baan hal fadhi ku wada helay, iskuna dhaafiyay. Waxa kale oo na casuumay intii aan bandhigga u joognay marka laga yimaaddo nin dhalinyar oo saaxiibkay ah, guddoonka baarlamaanka, duqa magaalada, jaamacadda deegaanka iyo madaxtoodiisa. Waxa aan qiyaasayaa hantiga gashay hilibkii todobaadkaa la nagu marti sooray in ay ka badnayd ta ay ku fadhiyeen buugtii bandhigga taallay.ย
Qiraal
Sidoo kale, maadaama aan ahay ruux lug ku le bandhigyada, gudaha ugu jira oo ka shaqeeya, waxa aan qiri karaa in ay jiraan culayso hor yaalla hawlwadeenadda shaqooyinka noocan ah, midda koobaad, ugu wayn, ugu muhiimsan, ee lafdhabarta ahi waa maalgalinta. Hantida guud, iyo ta gaarka loo leeyahay toona arrimaha la xidhiidha buugta, dhaqanka, fanka iyo aqoontu ka ma helaan taageero, xaalkani waxa uu abuuray isdiidada ugu wayn ee mashaariicdeena dhaqan haysta oo ah, maalgalin dibadeed oo ajandeheega wadata ha lagu wado mashaariicdan, ama hayn laโaani ha garbo duubto hawlahan. Culaysyadaa gudaha ka jira waxa ka mid ah helidda kaadirka aqoonyahanka ah oo duruufuhu dunnida ku firdhuyeen, mararka qaar la dhaqanka aqoontahanka qaarkood ayaaba shaqo inteeda leeg, dabci adayg awgeed.ย
Suuquna Waa Dabar
Mushkilad kale waxa weeyi in ay cabsi ka jirto suuqa, oo shirkado waawayni aanay wali ku dhacayn maalgashiga daabacaadda buugta iyo ka ganacsigooda, xadidaaddaas ayaa saaran suuqa buugta oo isna mid faqri ah oon taageero looga heli karin bandhigyada ka dhigaysa, marka laga tago maktabadaha kutubta diinta iibiya oo iyagu ganacsi cago dhigtay noqday, hanti malaayiin doolar ahna sannadkii buug ku soo dhoofiya, iyagun waxa ay isku koobaan kububta casharrada diinta laga raacdo oo suuq la hubo leh.
Dhaqanku Qayb Ma Ka Yahay Mushkiladda?
Dhaqanka (saqaafadda) Soomaaliyeed mushkilado haysta ayaa jira oo ay bandhigyadu muujiyeen ee ayna iyagu dhalin, xadhko goosadhadooda se ay ka qayb qaadanayaan. Kow waxa ka ah mushkiladahaas qawminnimada afka, oo ku dhisan isku koobidda af Soomaaliga iyada oo la isla qirsanyahay xadidnaanta aqoonta ku diiwangashan afkeenna, iyo waliba in ay lama huraan tahay isku furanka dhaqamaddu. Markii laga fursanwaayay bandhigyadu waxa ay u doorbideen Soomaaliga iyo af labad oo ay doorbidayaan ay adeegsadaan, Soomaaliga iyo Ingriisiga tusaale ahaan, iyaga oo is diidsiinaya firidhsanaanta aqoonta Soomaalidu soo-saartay ama laga soo-saaray oo afaf tobaneeye ku dhaw ku firidhsan sida uu ku faahfaahiyay Lii Kaasaneeli oo ah baadhe daraasaadka Soomaalida ku takhasusay, warqaddiisa The Partition of Knowledge in Somali Studies: Reflections on Somaliaโs Fragmented Intellectual Heritage, ciwaankan oo u dhigan, Qaybsanaanta Aqoonta Daraasadaha Soomaalida: Tallanno ku sahansan firidhsanaanta dhaxalka aqooneed ee Soomaaliya. Ka cabsashaqada naqdiga ayaa iyadna ah mushkilad dhaqanka Soomaaliyeed ku jirta, bandhigyaduna doorteen in ay aanay waxba ka badalin, masraxa waxa la keenaa kaliya buug, ama qof loogu talo galay in la amaano, isna ugu soo talo galay in loo sacabbo tumo. Labadaas ka sokow bandhigyadu waxa ay u xidhmeen mushkiladda dhaqanka Soomaliyeed ee weedha lagu dhawaaqo ka hormisa weedha la qoro, in kasta oo ay wada deegsadaan xikmaddii Cabdi Deeqsi Warfaa, Cabdi Sinimoo ee ahayd:
ย โWixii la qoraa quruumo hadheeย
Muxuu hadal qiimo leeyahayโ.ย
Heesta, gabayga, jilista, baanta, sharraxaadda, sheekada, kaftanka iwm ayay bandhigyadu ka hormariyeen erayga qoran inta badan.ย
Mustaqbalku Bandhigyada
Dheefaha lagu qabo in bandhigyadu magaalooyin kala duwan ku qabsoomaan waxa ugu horaysa in tijaabiiyinku kala duwanadaan, iyadoo mid walba duruufihiisa la falgalayo, dalab qumanna ma aha in laga dalbo bandhigyada ama laga sugo in ay muuqaal qudha wada yeeshaan, taa lidkeeda waxa ka mid dhaliilaha loo jeedin karo isku dayashada aan ishu seegi karin. Waxan se lama huraan u arkaa marka horumarinta bandhigyada iyo mashaariicda dhaqan ee kale laga fikirayo in ay ka jawabaan waydiimaha horyaalla, daboollaana gondoloolooyinka aan soo tirinay. Waxan filayaa in ay tusaale fiican u noqon karto sida aan tijaabada Buugta Baraarug ugaga jawaabnay qaar ka mid ah waydiimahaas.
Sida ay Baraarug waydiimahaas qaarkood uga jawaabtay waxa maqaal uu ciwaankiisu yahay Bandhigyada Buugta: Madal Aqooneed Mudan Kobcin Iyo Tabantaabo kuna qiimaynayay bandhigyada ku qeexay Mustafe Fayruus, oo ah madaxa macadka diraasaadka Soomaalida ee ISOS, โWaxaa xusid gaar ah mudan โBandhigga Buugta Baraarugโ oo Hargeysa ka bilowday Janaayo 2018, wuxuu kaga duwan yahay bandhigyada kale laba arrimood. Waa tan hore e, wuxuu daneeyaa inuu dunida kale ka keeno buug xul ah oo xambaarsan aqoonta iyo kasmada guud, waxaana halkudheg u ah โAqoon Fidin iyo Fikir Kobcinโ; sidoo kale, wuxuu dadaal dheeraad ah geliyaa in muxaadarooyinka iyo aqoonwadaagga baxaa ay noqdaan mawduucyo tayo leh kuna wareegaya โCilmibaarista Soomaaliyeedโ. Waa tan labaade, bandhiggani waa mid wareega, oo kuma koobna magaalo gaar ah. Waxaa si sannadle loogu qabtaa, ilaa hadda, magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, waxaa kale oo uu ka qabygalaa bandhigyada ka dhaca magaalooyinka kale, sida Kismaayo iyo Garoowe.โ
Baraarug oo aan ku beegsanay in uu gondoloolada qaarkood buuxiyo, mushkiladahana qaarna la qaba bandhiyada guud ahaan, waxa aan ku muujinay in caqabdaha qaarkood yihiin kuwo si fudud looga tallaabsan karo, sida uu Khadar Maariyaano ku qeexayย warbixintiisa uu Horn Diplomat ku faafiyay ee uu ciwaanka uga dhigay โThe Baraarug โAwakeningโ Book Exhibition: The โSomalis Donโt Readโ Perception Proven Wrongโ oo u dhigan Bandhigga buugta Baraarug: Humaaggii โSoomaalidu wax ma akhrido waa la beeniyayโ. Tijaabadani waxa ay meesha ka saaraysaa xujada sheegaysa in buugta culus, cilmi baadhista ah, afafka kale ku qoran ee xajmiga waawayni ayna suuq lahayn, ama dadku aanay fami karin in ay iibsadaan iska daaye.ย
Tijaabo Nool
Tigaabadii ugu horaysay ee Bandhigga Buugta Baraarug, oo aan ismaalgalin ku qabanay, kooxda shaqada oo ah todoba dhalinyar ah oo shahaadooyinka darajada labaad diyaarinayay markaasi ay jeebkooda ka maalgaliyeen waxa ay si dhab ah oo aan hawada malaโawaalka aan heehaabayn noogu qancisay suura galnimada in mashruuc qiimo kooban lagu kiciciyay saamayn wayn yeelan karo, iyo in bulshadu ay u oomantahay wax u qalma hantideeda iyo wakhtigeeda. Waxa aan aragnay arday boqol iyo konton doolar lacag dhan buug ku iibsanaysa, kuwo ka badan iyo kuwo ka yar, dad aad u dhiiran oo xulanaya buugta isku haboon oo is qaadan kara, waxana ugu hor dhamaaday buugba kii uu ka cuslaa aqoon ahaan, qiima badnaa lacag ahaan, ugu cuslaa ee ugu waraaqo badnaa xagmi ahaan.ย
Gunaanad
Gabogabadii, qof gudaha shaqooyinkan ku jira, oo daaha dabadiisa ka soo hadlaya haddaan ahayn, kaliya waxa aan odhanayaa waxa la gaadhay xilliigii marmarsiyooyin badan oo gaabiska iyo dhayalsiga lagu dado laga kori lahaa, ee shaqo dhaqan iyo mid aqooneed oo asal ah loo tafo xaydan lahaa. Xilligii bandhig buugeedyadu ay buugga u soo noqon lahaayeen, buugga is hor wadi lahaayeen ee ay buugga shaqadooda koobaad ka dhigi lahaayeen ayaa la joogaa. Haddii la yeeli waayo, xilliguba wuu ku filan yahay in uu baddalo ciddii aan isbadalin. FAATAXA.
Cabdillaahi Raage
Gudoomiyaha Madasha Baraarug oo ah haayadda aasaasatay mashruuca Buugta Baraarug oo ka shaqeeya soo dajinta buugta, agaasimtana bandhigga Buugta Baraarug oo sannadkii laba jeer ka kala qabsooma Hargyasa iyo Muqdisho, magaalooyin kale in uu ku fidana qorshaynaya.
Xigashooyinka:ย
- Printing press, Wikipedia.org
https://en.wikipedia.org/wiki/Printing_pressย - Frankfurt Book Fair, Wikipedia.org
https://en.wikipedia.org/wiki/Frankfurt_Book_Fair#Historyย - ุตููุจ ุนุจุฏ ุงูุฑุญู
ูุ ู
ุนุฑุถ ูุฑุฌูุณุง ูููุชุงุจ: ุฃูู ุงููุชุงุจุ
https://www.alaraby.co.uk/diffah/agenda/2017/8/3/%D9%85%D8%B9%D8%B1%D8%B6-%D9%87%D8%B1%D8%AC%D9%8A%D8%B3%D8%A7-%D9%84%D9%84%D9%83%D8%AA%D8%A7%D8%A8-%D8%A3%D9%8A%D9%86-%D8%A7%D9%84%D9%83%D8%AA%D8%A7%D8%A8ย - ุนู
ุฑ ุนูู ุจุงุดุงุ ู
ุนุฑุถ ุงููุชุงุจ ูุญุชุงุฌ ุงูู ูุชุงุจ: ู
ูุงุญุธุงุช ูู ู
ุนุฑุถ ู
ูุฏูุดู ูููุชุงุจ
https://hafpost.net/articles-and-analyzes/7513/ย - Somali studies, Wikipedia.org
https://en.wikipedia.org/wiki/Somali_studies - Cabdalla Cumar Mansuur, Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed: Daraasaad Af iyo Dhaqan
https://www.goodreads.com/book/show/36618655-taariikhda-afka-iyo-bulshada-soomaaliyeedย - ุตุญููุฉ ุงููุทู ุงูุณุนูุฏูุฉุ ุงูุตูู
ุงู ุชุบูุจ ุนู ู
ุนุงุฑุถ ุงููุชุจ ุงูุณุนูุฏูุฉ ูุชุดุชุฑู ุฅุตุฏุงุฑุงุชูุง ุจู
ูุงููู ุงูุฑูุงูุงุช ุณูููุง
https://www.alwatan.com.sa/article/362436/%D8%A7%D9%84%D8%B5%D9%88%D9%85%D8%A7%D9%84-%D8%AA%D8%BA%D9%8A%D8%A8-%D8%B9%D9%86-%D9%85%D8%B9%D8%A7%D8%B1%D8%B6-%D8%A7%D9%84%D9%83%D8%AA%D8%A8-%D8%A7%D9%84%D8%B3%D8%B9%D9%88%D8%AF%D9%8A%D8%A9-%D9%88%D8%AA%D8%B4%D8%AA%D8%B1%D9%8A-%D8%A5%D8%B5%D8%AF%D8%A7%D8%B1%D8%A7 - Lee Cassanelli, University of Pennsylvania
https://www.history.upenn.edu/people/faculty/lee-cassanelliย - Lee Cassanelli, The Partition of Knowledge in Somali Studies: Reflections on Somaliaโs Fragmented Intellectual Heritage (Bildhaan: An International Journal of Somali Studies, 2011)
https://core.ac.uk/download/pdf/46721306.pdfย - Mustafe Fayruus, Bandhigyada Buugta: Madal Aqooneed Mudan Kobcin Iyo Tabantaabo (Wardheernews.com, 2019)
https://wardheernews.com/bandhigyada-buugta-madal-aqooneed-mudan-kobcin-iyo-tabantaabo/ย - Institute for Somali Studeis
http://www.isos.so/
Khadar Maariyaano, The Baraarug โAwakeningโ Book Exhibition: The โSomalis Donโt Readโ Perception Proven Wrong (horndiplomat.com,2018)
https://www.horndiplomat.com/2018/01/05/the-baraarug-awakening-book-exhibition-the-somalis-dont-read-perception-proven-wrong/