Yaa warbaahinta ka baqda ama neceb? (WQ: Barkhad Maxamed Cumar)

Qofka isku kalsoon ee aan wax isku ogayn inay ku leexdeen hanti dadweyne kama baqdo warbaahintu waxay ka sheegayso.

Tusaale ahaan.

Wasaaradaha waxa ugu weyn ta maaliyada oo ah ta lacagtii dalka ee lagu shaqaynayo soo ururisa waxa wasaarada soo maray wasiiro faro badan oo badankooda lagu eedeen jirey ku tagri falka hantidda ummadda marka laga reebo laba wasiir Sacad iyo maxamed xaashi.

Miyaad aragteen warbaahinta oo ku takrifal hanti dadweyne ka sheegaysa labadan wasiir???.

Miyaad aragteen iyagoo ka cabanaya labadan wasiir warbaahinta.??

Masuulka nadiifta ahi xiitaa askar ilaalisa ma kaxaysto waayo waxba iskuma oga.

Labadan wasiir si fudud baa lagu heli jirey halka ragii soo maray adkayd in la arko.

Waa kaas sacad fagaarayaasha suaalaha lagu waydiinayo mar walba ka soo qaybgalaya taasina waa kalsoonida uu ka qabo shaqadiisa.

Hadii aynu heli lahayn toban wasiir oo baabuurkooda shacabkana iska wata masaajidadana laga waayin kalsoonina ka qaba naftooda hantida umaddana alla dartii iskaga daaya waxaynu noqon lahayn wadan muddo gaaban Yurub barodhaafiyey xiitaa ictiraaf umaynaan baahanayn.

Dalalka horumarka gaadhay waxay adeegsadaan warbaahintu inaynu dabagasho madaxda si khaladaadkooda markiiba wax looga qabto.