Barashada afkaagaa, horta laga bogtaayoo, beryo la isku hawlaa (WQ: Maxamed Baashe Xaaji Xasan)

Ingiliish adoon baran
Ama beegsan Faransiis
Carabida u babac dhigin
Ama bowsan Xabashiga
Barashada afkaaga
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa.

Ereyo isku mid ah, siyaalo kala duwan se loo adeegssdo oo ka buuxa afkeenna waxa ka mid ah:

1. Ummulid iyo dhalid

– Caashi xalayto wiil ayay ummushay*.

– Hashayadii Boga xalayto nigir bay dhashay*.

2. Uuraysi iyo rimid

– Caasha way uuraysatay*.
– Boga way rimman* tahay.

3. Dhudhunka lugta iyo dhaad

– Dhudhummada* Cali sida baastada ayay u miiqmiiqan yihiin.
– Hasha Boga dhaadka* ka dabar.

4. Lug ama addinka dadka iyo xoolaha lugahooda dambe ayaa loo adeegsadaa, halka jeenyo xoolaha u gaar yihiin ( lugaha hore). La yeh: “lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaaye ma og tahay”.

5. Naaso waxa adeegsi ahaan wada leh labada isirba, candho se xoolahay (xayawaankay) gaar u tahay.

6. Dibno ama bishmo dadkaa gaar loogu adeegsadaa, faruuryo na xoolaha, gaar ahaan geela, fardaha, dameeraha, ugaadha qaar, libaaxa iwm.

7. Xaglo (laabatooyinka dambe ee dadka) iyo sibir (sibraha) way u kala soocan yihiin dadka iyo duunyada.
– Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan
– Geelba sibir godan.

8. Xubinta taranka ee haweenka iyo sabiil oo xoolaha loo adeegsadaa waa kala cayn, isku se macne ah adeegsi ahaan.

9. Xubinta taranka ee wiilasha (buuryada) iyo cisalka oo xoolaha ah sida waylka, waxarka, nirigga iwm ayaa iyana halkan soo geli kara. Inammada ayaa lagu yidhaa ” waaryaahee cisalka qarso”.

10. Afka, gadhka iyo daamanka hareerahooda ee aadmiga waxa aynu xoolaha ama xayawaanka u adeegsannaa gafuur ama ganaf, fuq iwm, iyada oo dadka laftiisa xaaladaha qaar loo adeegsan karo fuq ama gafuur ama ganaf ba, sida marka kibirka iyo isla weynida lagu tilmaamayo ( gafuur-taag iwm).

11. Xubinta taranka ee ragga waxa ka duwan caadh oo xubinta awrka ah.

12. Asool, argood, abasax iyo qooq waxa loo adeegsadaa laxda, ri’da, hasha iyo awrka ama orgiga sida ay u kala horreeyaan xilliga ay lahashada iyo doonidda ama u diyaar noqoshada galmada ku jiraan halka dadku na saha kale ka saaqo.

13. Garab iyo jilib marna waa xubno jidhka aadmiga ka mid ah, marna waa koox dadeed. Wadartooda ayaana kala duwan adeegsi ahaan. Garabyo iyo jilibyo waa dad koox ka kooban, garbo iyo jilbo na waa xubno jidheed.

14. Koox aadmigaa loo adeegsadaa, raxan na xayawaanka, gaar ahaan libaaxa iyo maroodiga, kadin geela, wagan fardaha, fadhi lo’da iyo tiro adhiga marka ay boqol iwn noqdaan.

Intan kuma koobna ee haddii la sii baadho waxa la soo heli karaa ereyo badan oo baddan la caynad ah, kana soo jeedda afka iyo xidhiidhka kala duwanaan ereyo-adeegsigiisa.

Halkaas baynu ka sii wadi karnaa, saw ma aha?!