sidee wax looga qaban karaa dhibta bacuhu ku hayaan degaanka iyo caafimaadka dadka? (WQ: Aadan Wali Ismaaciil )

Waxa lagu qiyaasaa in marka la isku celceliyo ay 25% dadka reer Somaliland (1 Milyan) ay isticmaalaan hal bac maalintii. Waxa kale oo lagu qiyaasaa in 5% dadku ay isticmaalaan hal caagadood maalintii (200,000). Hadaba tirada bacauhu waxay u dhigmaan 1 Milyan oo bacood maalintii oo sannadkiina noqonaysa 365 Malyuun oo bacood. Caagadauhuna waxay u dhigmaan sannadkii 73 Milyan oo caagadood. Taas micnaheedu yahay 3 sano ee kasta waxa lagu isticmaalaa dalka baco ka badan 1 Bilyan iyo 219 Milyan oo caagadood. Bacahaas iyo caagadahaas qaar xoolaha ayaa cuna, qaar ciida ayaa aasta, qaar dhirta ayaa qabata qaarna dooxyada ayaa qaada oo badda ayay galaan.

Bacaha iyo caagadaha aynu isticmaalo intooda badan waxa laga sameeyaa waxa loo yaqaan HDPE ama High Density Polyethylene oo ah caag la kala jiiday oo ay adagtahay inay ciidu cunto (Non-Biodegradable). Bacuhaha iyo caagaduhu waxay halis ku yihiin noolaha oo dhan sida xoolaha, shimbiraha iyo kalluunka oo ay iskaga maraan xiidmaha ka dubna u dhinta.

Bacaha cuntada lagu rito iyo caagadaha biyaha iyo sharaabka ayaa waxa ka soo go’a waxyaalo aan ishu qaban oo cuntada raaca oo loo yaqaan Micro-plastics. Waxana la sheegayaa inay kuwaasi dadka u keeni karaan cuduro hallis ah oo uu ka mid yahay kansarku (Cancer), ma dhalays (Infertility) iyo dhaawac ku dhaca unugyada hiddaha (DNA).

Hadaba sidee wax looga qaban karaa isticmaalka bacaha?

1.Dawlada oo mamnuucda bacaha meelaha lagu sameeyo iyo meelaha laga soo dejiyaba, ganaax adagna saarta qofka isaga oo iibinaya lagu qabto.

2.In la keeno wax lagu bedelo oo aan dhibaato u lahayn deegaanka sida baco ku milma carrada, waraaqaha wax lagu rito iwm.

3.Bacaha qofka isticmaala inaanu tuurin ee uu isku gunto si aanay u duulin ama dabayshu u qaadin ee ay xashiish dhulka yaala oo la qaado u noqoto ama uu gubo.

4.In la sameeyo wershed lagu hagaajiyo oo dib loo isticmaalo (recycling) ama laga sameeyo waxyaalo kale oo caaga laga sameeyo.

5.In la yareeyo oo qofku intuu yarayn karo isticmaalka bacaha iyo caagadaha oo isku dayo inuu ka maarmo.

6.In magaalo kasta loo sameeyo meelo ka baxsan oo lagu daadiyo bacaha iyo caagadaha oo lagu gubo laguna aaso ka dib (waste dump sites).

7.In shirkadaha sameeya caagadaha laga qaado cashuur dheeraad ah si loogu sameeyo farsamo dib loogu isticmaalo.

Dalka iyo deegaanka ha la ilaaliyo.
Somaliland Guul !!!