Barqo Khamiiseed, booqashadii dhagax boos, baadka dayacmay iyo baro laga gaabshay (WQ: Maxamed Cumar Dhagax)

 

Maaha mala-awaal, mana aha saadaal iyo odoros ee waa dhabta jirta oo aan indhaha saaray.

Goorsheegtu waxay jalfinaysaa 9:11Am(Barqanimo), waa barqadii Khamiista ee tirsiga kalku ahaa 23/03/2017ka, waxaan sii dhamaanaaya todobaad oo waa la sii gelbinayaa, todobaadkii kale ayaa soo xamxaamanaaya oo isna la dhawrayaa, sidaydaba Maalinta Khamiista wax hawl ah ma lihi oo waa ii maalin nasasho, arooryadii ayaan toosay, waxaan baraarugay iyadoo ay maankayga ka guuxayso saaka booqasho ku gaadh, beledkan aad joogto ee Sanaag xaruntiisa Ceerigaabo, goobaha looga arimiyo booqasho saaka ku jacsii, hadaan jidiinka arooryo cunayba, waxaan u xidhxidhay in aan gaadho barahaas aan tilmaamay; Magaalada Ceerigaabo dhamaan laamaha dawladu waxay ku yaalaan hal dhinac, waxana loo yaqaanaa Shacabka ama Liinka; goor ay tahay aminta aan kor kusoo xusay ayaan waydaartay beerta xoriyada Ceerigaabo ee loo yaqaano โ€œBeerta Nuuraโ€. Waxaan u weecday dhanka bidixda iga xiga, waxaa ku yaala dhismaha looga arimiyo degmada Ceeri ee la yiraahdo Dawlada Hoose (local Government), waa cidla โ€œMadaxdii & Maamulkii loo igmaday hagida iyo hogaaminta degmadu ma joogaanโ€ waxaa keliya oo goobtaas jooga Bello didiyayaasha aan duhur iyo habeen midkoodna ka seexan waajibaadkooda qaran (police), midhadh ilaalada dhismaha ah โ€œwatch men or Guardโ€.

Arkay Dawladii Hoose waa haad laโ€™ hase ahaatee waxaa i seegtay in aan wax sii waydiiyo xoogagaa xalaal miiradka iigu tilmaaman ee aan bartaa ugu tegay oo iyaguna bal in uun xog i siiyaan, kusoo dhaaf wixii tegay tiigsimaad ma leh! Dawlada Hoose sidaas hayska ahaatee waan ka jaqaafiyey oo u waydaartay dhanka iyo xarunta looga taliyo Waxbarashada Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ku taala, amin yar ayaa ka soo wareegtay kolkaan joogay Dawlada hoose, iyada waa Waxbarashadee waa la joogaa oo waxa jooga dhawr masuul, yeelkadeede wax dhaqdhaqaaq ahi kama socdaan oo bunka dharaareed ayaa lagu fiiqsanayaa, waxaan isu jinbacay xafiiskii ugu sokeeyey si aan u sii nabdeeyo, nabdaadin ka dib; xafiiskaas kolkii iigu danbaysay boodhka (ciida iyo dhaska) ayaa aad ugu badnaa oo ma bilaan jirin, balse barqadan Khamiiseed wuu bilaa oo dhismaha xafiiska iyo agabka dhex yaal ayaa ku soo dhowaynaayey, waxaa dhexdiisa fadhiya laba kormeere wayse ku sheekaysanayaan oo laftigoodu wax haw lama dan bulsho ah ma wadaan, kaftan ayaan ku yara ganay, Anigoo ku leh oo bilic iyo badhaadho ayaa idinka muuqda marka xafiiskiina la dheehdo, hada ogoow oo dalka abaar ayaa ka taagan magaceeda la yiraahdo (XOOLO WARKOOD DHAAF), labadii kormeere midkood ayaa isna kaftan kale iigu war celiyey oo yidhi xafiiskan waxaa iska leh oo sidatan wacan u agaasintay Dugsiga Xerayska ah ee Dayaxa (Dayaxa Boarding Secondary School) agabkana iyaga ayaa leh, anagu ma lihin, waa taanu Agoomoownay! Waxaanuna la ildaranahay diiftii & darayadii agoonimada, oo iminka waa heetinaynaa intaanu sii hitiqin doono se Allaa og!

Kaftan ka dib waan ka sii jalfiyey, Maxkamadaha oo dhanka Bari ka xiga Waxbarashadu waa furnaayeen buuqa, sawaxanka iyo dadkuba waa ku badnaayeen, iska dhaafay oo ma gelin, Bangiga laantiisa Ceerigaabo xoogaa dad ahi waa gelaayeen qaar kalena waa soo baxaayeen, Kastamku cidla ayuu ahaa, waxaa ilaalinaayey Ciidanka Ilaalada Nabada Maxliga ah ee Bilayska.

Intaas ba iska soo dhaaf Xarunta Laanta Maamulka Gobolka Goraygaa ka hadaafay, tiro 7 (todoba) wasaaradood ah oo ku xaydaaman Xaruntaa Gobolkuna waa Khaakhanayeen oo dhawaq iyo Neef midkoodna kama baxayn, dhaqaaqilna laguma arkayn, waxay ahayd GALOWGAA KA CIYEY, Haadu ma la-leyso, Xuushadu xataa waa ka carceeratay. Waa goobihii looga arimin lahaa degelkan Sanaag ee Ceeri-San, waa goobaha laga sugaayey iba-furka waxqabad, odoroska horumar, agaasinka bulsho, waana indhihii Gobolka gebi ahaantiis, Xaad ayaa jidhkayga korkiisa ku istaagtay, dareen iyo diidmo is huwan ayaa i wada jibaaxay! Xafiisyada iyo ciida ay ku yaaliinba waa ay ila doodeen, doodooduna waxay ahayd sidatan:

(Waa halkaad ku dhalatay, Ilaahay ayaa na kiin siiyey oo idin yidhi manaafacaadsada oo iyagana dhawra, hadda DhagaxBoosow waa adigiyo kuwo kula mid ah, balse taasi may dhicin oo barqadan aad na soo gaadhay waad aragtaa sidaanu nahay! Ma waxbaa ka odhan, ma dood celin ayaad haysaa, ma degel xun baanu noqonay oo waa na loo kiin doorshay?). doodaasi aad ayey iigu adkaatay, balse waxaan kaga imid markii aan dhabarka u sii jeedinaayey bal waa inoo maalmo dhaw isha Alla wax waan qaban hadii Guule idmee!

Hadii xaalku sidaas ahaaba waxaa igu soo dhacday dhawr murtiyood oo kala gedisanaa, waxaana ka mid ahayd.

(Raganaa la dheeliyey xilkay dhabarka saareene, dhiidhiibso waayeel guntigu waa kan kaa dhacaye). Sidoo kale waxaan iyana xusuustay heestii dhoobiga geelu ku heesi jiray markuu galabtii caraabintiisa iyo edgayntiisa ku hawlan yahay ee ahayd:

(Dhawristaadiyo dhaqidaaduu waayeel dhawraa, anna dhuunaan kuu dhex joogaa), iyo tii odaygu gabal dhaca geela ugu heesi jiray isna ee ahayd: (Ragna dhuunuu kuu dhex joogaa anna dhaqashaan kuugu dhabar jabay).

Waa Qoorahay Rag kala wareegtaye! Ma lignayn goor sheegtu ee waa biq-lahayd, anna waan soo jinbacay nafta oo in aan goobo-gadasheedkii gaadho ayey ii ahaatay, dhawr koorood oo tirsimahooda aqaanay ayaan garaacay, badankoodii layma bixin oo warcelin kama helin, balse midkood ii warceliyey ayaa ii sheegay in ay ku maqan yihiin hawlo qaran oo ka culus xilkii guudkooda saarnaa, tolow waa maxay? Waxaan soo waydaartay Cashuuraha Beriga, iyaguna waa soconayeen oo xaraf-dhigaha iyo lagu dhiguhuba waa hawlanaayeen, waxay wadeense iyagiyo ogaalkood, anna kama warsan, socodkaan gunta ka soo waday, mararka qaarna waanba gucle soconaayey.

Soo gaadhay badhtamaha suuqa, waa ba gadihii Shaaha ee la odhanaayey SHAXAN, waa dhooban tahay dad, waa kooxaha aan ka soo waayey rugahii lagu ogaa ee ay Qarankan u qaabilsanaayeen, sheekadu aad bay u macdahay, waa la kala qaybsan yahay, qaar baa Kulmiye iyo horjoogihiisa u doodaaya oo halkaa ka jira, tolow ma masuuliyadihii lagu ogaa ayaa wax laga bedelay oo lagu daray ilaalinta iyo qaxwe ku dirirka Xisbiga Hogaamiya dalka, qaar kale iyaguna waa Wadani oo waxay aad uga hadlayaan musuq-maasuq, boob, dhac, iyo saldhiga Milateri, hada oday nimanka musuqa & Maasuqa sheegayaa, kii ugu darnaa iyagaa wadda oo waxaa dayacan dantii bulshadu ka dhawraysay! Mase oga, Erayo badan oo afka Ingiriisiga ah ayuu dhaliisha ku huwinayaa, kooxaha dhaameelka iyo iyaguna dayacay doorkoodii qarankani ku lahaa iyo Hogaanka habaabay ee hogta aan jirin ku meeraysanaaya. Isma odhan guta waajibaadka idin saaran kadib ayey iska muuqan doontaa CIDDA MACAL CUNAHA AH, (Guuguulayahaw hadaad guโ€™ga u ooyeyso, asaad mooday keligaa inuu gubayo jiilaalku)!

Isku soo wada duuboo waa dayacan yihiin goobihii laga hagaajin lahaa danta iyo duruufta Gobolkan, dalkaase la qaba, oo ma waxaynu niraahnaa WIXII QAYRKAA QABO QOSOLKAA KU DHAN, ma odhan karno, waayadeed waxaad aragtaa in dabaysha guโ€™ga saadinaysaa ay xarumihii dawlada oo khaakhanaaya garaacaayaan, sidoo kale waxaan inaga qarsoonayn qaylada iyo baroorta ka yeedhaysa degelka Ceeri-san ama ba se Somaliland.

Waa kaa dalkaagii, waa degelo laga hayaamay muunidii subxeed, meesha loo hayaamay ee aan sahanka loo dirin markii hore lama yaqaan ku sheeg! Dalkeenana Aadan (Aabihii dadkuba ka yimaadeen) haduu iman lahaa wuu garan lahaa waanayba dhacayne! Maalin kal tirsigu ahaa 2010kii ayaanu sodcaal dalxiis ah wada baxnay gabadh reer Somaliland ah (Saaxil), kolkaanu maraynay xaaji Muuse ayey wax iga waydiisay, maxaa dhulkan wax looga qabsan waayey? Intii aan is lahaa difaac gal oo gobolka wax ka dhici ayey iyadii isu war-celisay oo tidhi (Aniguba maxaan wax uga qaban waayey ileen uma dhalan England-ne).

Aanba soo afmeeree, bal waydiimahan iga hoo:

Goorma ayaa laga sodcaalay dalka?

Xagaa loo sadcaalay?

Aminta sadcaalkuse waa intee?

Miyaan laba soo laaban doonin?

Daymada duul kale maxay ina tartaa?

Dewersiga dunidu imisuu ina wadayaa?

Daymadaadu digo ma dhaaf miyaa?

Daalka iyo diifta dushaada ka muuqataa xagay kaa soo raacday, ileen waxbaba maad wadine?

Weligaa heesta cadmeed ma maqli doontaa? Oo maxaa kuu damaanad ah?

Doqon yahay ka kaca meeshanaad dacayda laadlaadin!

ย 

Maxamed Cumar Dhagax