In ka badan 200 ruux ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka

 

In kabadan 200 oo muhaaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen doon ku dagtay xeebaha badda Liibiya, sida ay sheegtay hay’ad gargaar oo Spain laga leeyahay.

Hay’adda Proactiva Open Arms oo ka shaqaysa samato bixinta dadka badaha ku safra ayaa heshay 5 mayd oo sabaynaya meel aan ka fogayn labo doomood oo dagay kuwaas mid kaste ay qaadi karto ilaa 100 ruux.

Laura Lanuza oo ka tirsan kooxdii maydadka heshay ayaa sheegtay in shanta ruux ee ay ka soo saareen badda Mediterranean ay ahaayeen dhallinyaro ay u muuqato ay badda ku qarqameen.

Lanuza waxay sheegtay in laga yaabo in ay dhinteen ugu yaraan 240 ruux maadaama dadka wax tahriibiya ay inta badan buux dhaafiyaan doomaha.

Afhayeen u hadlay ciidammada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga oo isku dubarida samatobixinta ayaa xaqiijiyay maydadka shanta ruux.

Laakiin BBC-da ayuu u sheegay in aysan qiyaasi karin tirada dhimashada isla markaasna aysan soo gaarin wax codsi ah oo lagaga dalbaday gurmad oo ka soo gaaray doomo.

bandhige@gmail.com