Berbera, Magaalo Dad U Baahan (WQ: Cabdiraxmaan Hayaan)

Waa sii horraysay march 2000 ayaan si kadis ah oo aan ku talo gal ahayn u imid magaaladan Berbera, waxaanu ahayn arday si laab lakac ah u doonasay inay tartan dugsi kale la galaan. Balse inaanu tartan galno waxa nagala weynaa inaanu Berbera mar uun indhaha saarno, meesha sida dhallinyartu u xiisayso iyo siday tahay isma lehee. Waxyaabaha aan maaalintaa xasuusto waxa ka mid ah in qaar naga mid ahi aroortii hore saliid sii marsadeen, qaarna intay yidhaahdeed badda ayaanu tagaynnaa ay saabuun sii qaateen, labadaa dhacdo ba waa laba wali maskaxday ku sawiran.

Haddaba qofku marka uu Berbera ku soo socdo waxa ugu weyn ee maskaxdiisa ugu soo horreeyaa waa inuu kalluun cuno, aniguna dadkaa waxba kamaan duwanayn waayo waa magaalo xeebeed, balse taasna sida looga fikirayo reer Berbera ugama fikiraan. Mar kale oo ahayd 2012 ayaan Berbera imid balse markan magaalada gudaha umaan soo galin ee waxaan ka dhoofayay madaarka. Balse La yaabkii iigu weynaa waxaan la kulmay sannadkii 2015 October, oo aan kala badh ku qaatay magaalada aniga oo shaqo u jooga, maalmahaa waxa dawladda Somaliland iska casilay xubnii wasiirrada ahaa ee ugu badnaa dawladdii Siilaanyo, xubnahaa waxa hoggaaminyayay Xirsi cali xaaji Xasan, oo wasiirka madaxtooyada ahaa, xamxamta suuqana looga yaqaannay wasiirka koowaad, waxaan arkay waxa uu ahaa meelo badan oo magaalada hilib lagu cunayo, haa hilib lagu cunayo waayo waxaan aaminsanaa in Berbera Kalluun mooyee aan wax kale lagu cunin.

Kuye ma ku siinnaa hilib idaad ama hilib riyaad. Waxaan xasuustay uun nin maalin iiga sheekeeyay isaga oo Laas qoray tagay, dadkii maagalada joogay buu ku yidhi waxaan doonayaa Kalluun markaasay ku yidhaahdeen, maxaad ku falaysaa kalluunka waxaanu kuu qalaynnaa neef adhi ahe. Yaab buu u dhiman gaadhay ninkii sida uu ii sheegay. Dadka deggan Berbera sida aanay u danayn kalluunka ama dhanka baddaba u eegin waxay la mid yihiin uun dadka la yidhi waxay ag degganyihiin xaramka oo waligood ma aanay xajin, hase ahaatee dadka ugu badan ee isticmaala ee aan ka nabsi galin waa dadyowga ka yimaadda magaalooyinka kale sida Burco, Hargeisa iyo Boorama.

Dhowrkaa jeer ee hore ee aan magaalada immid, waxa ugu weyn ee indhahaygu qabteen waxa uu ahaa kalluunka oo dadku aanay dan badan ka lahayn taasina wali waa ay taagantahay, balse waxyaabo kale oo cajiib leh ayaa maalmahan indhahayga soo jiitay oo aan shaqo u joogo muddo igu qaadan doonta. Magaalada dadka ugu badan ee joogaa waa rag, dumarka joogaa waa faro ku tiris, sababtuna waa mid layska wada garanayo, reeraha inta badan waxa loo diraa oo la geeyaa magaalooinka kale ee dalka halkanna shaqo uun baa loo yimaaddaa, sidaa daraaddeed magaaldu waa magaalo shaqo, dadka inta ugu badanina aroortii waxay u shaqo tagaan dekedda . Badankooduna waxa yar ee ay ka soo qaataan galbtii illaa habeenkii bay ka dhigtaan dab ay isku gubaan.

Berbera waxa ku badan oo aad ku arkaysaa sigaarka oo lagu cabbayo meelaha ay dadweynuhu iskugu yimaaddaan iyada oo aan la eegayn dadka kale ee fadhiya, markaasaad adiga oo markii horeba kulaylka la yaabbanaa sigaarna laguugu sii darayaa!. Laakiin waxa laga yaabaa waxa ugu weyn ee baryahan danbe magaalada ku soo kordhay inuu yahay qaabka guryaha loo dhisto iyada oo lagaga dayanayo magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa. Magaaladu marka hore waxay lahayd hannaan u gaar ah oo guryaha loo dhisto siday ay kuu sheegayaan dadkii asalka magaalada ahaan jiray. Waxa la samaysan jiray guryo dusha sare ka furan oo daarad weyn gudasha ku leh, oo makhsinno ka kooban balse albaab kaliya la ga soo wada galo, hase ahaatee ku dayasho indha laโ€™ iyo mid indho qabta kay tahayba waxa hadda laga dhistaa magaalada guryo loo dhisay sida kuwa Hargeysa iyo Burco iyo magaalooyinka kale ee dalka, kuwaasoo dusha ka dadan, balse aan AC( air condition), ama qaboojiye loo samayn Karin, kharashkiisa badan aawadeed, inkasta oo halkii unit ee korontada ah( electricity) hadda dawladdu ka dhigtay $0.39, haddana dad badani wali ma awoodaan inay guryahooda ku xidhaan qaboojiye, iska daa qaboojiyee xataa waxay iska ilaaliyaan inay maraxawdaha shitaan.

Xilligan lagu jiro oo bishii saddexaad ee sannadka, haddii aan in yar lugeeyo waxaan dareemayaa kulayl, dhidid badanna waan isku arkayaa, balse reer Berbera waxay igu yidhaahdeen wali laysma gaadhin, marka lays gaadho waxaan samayn doono ayaan ka sii fikirayaa hadda. Hadda la soco oo kulaylka Berberi xanuunno aanay dhakhaatiirtu daawo u hayn ayuu daweeyaa sida xiiqda, sanboorka iyo xasaasiyadaha kale ee la midka ah.

C/raxmaan Hayaan
Cbdrxmngeni@gmail.com
Berbera Somalilaan.