Diyaar garowga shirka 10aad ee XDSHS oo heer gabagabo ah maraya.

 

Waxaa maalmahan aad looga dareemayey xarunta dawlada deegaanka Soomaalida ee magaalada Jigjiga u diyaar garowga loogu jiro qabsoomida shirka 10 aad ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya (XDSHSI), kaasi oo intiisa badan soo xuludii ergooyinka shir weynahaha eek a kala imanaya dhamaan gobolada iyo degmooyinka deegaanka la soo gabagabeeyey.

Gudigda qaban qaabada shirka ayaa waxa ay soo kormeereen meelaha la dajinayo martida faraha badan ee shirka ka soo qayb galaysa, kuwaas oo intooda badan la dejin doona xarunta Macadka Maamulka iyo maareynta.

Shirka oo bilaabmaya maalinta isniinta ah sida uu daboolka ka qaadey gudoomiyaha xarunta dhexe ee xisbiga mudane Maxamed Shaale Isaaq, wuxuuna intaas ku darey in wax walba oo looga baahnaa shirku ay hada diyaar yihiin.

Waxaa kale oo ka  mid ah diyaargarowga  loogu jiro shir weynaha caasimada Jigjiga oo bilicdeeda iyo nadaafadeedaba kor loo qaadey, waxaana arintaas ka qayb qaadanaya  dawlada hoose ee Jigjiga iyo maamulada xaafadaha kala duwan ee ay magaaladu ka kooban tahay, waxaa sidoo kale wadooyinka waaweyn ee magaalada la sudhay calanka deegaanka iyo kan dawlada federaalka ah.

shirkan ayaa dhawr jeer oo hore baaqdey oo dib loo dhigan sababo aan la cadeyn awgood.

Xasan Ciise-