Xisbigayga Waddani saddex magacaabisood oo uu sameeyey saddexdaba kuma waafaqsana ,saddex sababood awgood .
1- Xoghayaha Guud , Xog-hayaha guud ee Xisbi waa booska ugu culus Xisbi kasta , siddaa darteed waxaa laggu saleeyaa saami qaybsi looga dan leeyahay dhismaha xulifooyinka siyaasadeed , sidaa darteed Xisbiggii Udub markii la aasaasay 2001 , Booskaa waxaa saami u heshey Boosha Habaryoonis maadaama uu Xisbiga Gudoominayay M I Cigaal oo kasoo jeedey Habar awal . tartan labba muddo labba jeera isla beesha Habar yoonis ku dhex marayna waxaa labada jeerba ku guulaystay Beesha Reer Caynaashe ,sidaa darteed booskaa waxaa iska badalay 3 Xoghaye oo Reer Caynaashe ah ( Aw Dahir , Bulale iyo Jama Yaasiin ) .
Sababta Xisbiga Udub sidaa u yeelayeyna waxay ahayd in beesha Habar yoonis ahayd beesha uu ka rabay taageeradda ugu badan , sidaas ayaanu laadheeraha beesha dhinaca u saaray .Sidaas oo kale Xisbiga Kulmiye ayaa booskaas u xidhay Ardaaga Haashin ee beesha Arab , ilaa maantana dunta isku xidha Arab iyo Kulmiye waa booskaas .
Sidaa darteed kol haddii Gudoomiyihii Xisbiga , iyo Musharaxii Xisbiga iyo Gudoomiyihii Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee Ucid yihiin Garxajis , In Xoghayaha guud ee xisbigga Waddani isna uu noqdo isla Garxajis lama dhacsani .
2- Xoghayaha Arrimaha Dibedda . Xoghaye-yaasha arrimaha dibedda ee xisbiyaddu , shaqadda ugu wayn ee ay qabtaan waa isku duba ridka jaaliyadaha dibedda iyo abaabulkoodda si xisbiyaddu uga helaan qaadhaan , sidaa darteed booskaa waxaa ku haboon siyaasi ku haysta taageerayaal qurbaha sidaa darteed xubinta Xisbigga Waddani booskaa u magacaabay iyana lama dhacsani .
3- Ugu danbayn , Xisbi mucaarid ah Afhayeenkiisu waa kaalin adag oo culus , waxaana ku haboon siyaasi u dhigma Musharixiinta iyo hogaamiyeyaasha Axsaabta khibrad iyo waayo aragnimo ahaan , isla markaana leh culays saamayn ku yeelan kara cida la is hayo , isla markaana hadalkiisu ku yeelan karo warwar siyaasadeed .
Sidaa markay tahay , booskaa Siilaanyo waagii uu mucaaridka ahaa waxaa u joogay min bilow ilaa dhamaad Maxamed Kaahin , sababtuna waxay ahayd in uu ahaa Garabka iyo Gaashaanka Siilaanyo , Muxaafikuna waxay dareemayeen siday u dareemayaan Siilaanyo .
Sidoo kale , Madaxwayne John F Kennedy waagii uu ku jiray ololihii Difaaca xuquuqda Aadamaha , booskii ku wajahnaa Cadaaladda wuxuu u dhiibay Walaalkii Robert Kenneday oo u noqday Wasiirka Cadaalada iyo Xeer ilaaliyahiisa guud , sidoo kale Madaxwaynihii Serbia Islovadan malosavij markii ay reer galbeedka is hayeen wuxuu u magacaabay Danjirihiisa Moosko walaalkii , sababta ay sidan u yeeleena waxay ahayd in ay muujiyaan ama loo fahmo in saraakiishaa talaabooyinka ay qaadaan ay yihiin kuwii madaxwaynayaasha oo aanay rasmiya .
Sidaa darteed , booska Afhayeenka waxaa ku haboonaa Ismail Buubaa , Dr Duur ama Siciid Sulub .sidaa darteed magacaabista booskaana lama dhacsani .