Bidhaantii Doorashada Wakiilada iyo Deegaanka (WQ: Mohamed Adan Gacayte)

Kulankii Madaxweynaha iyo Xisbiyada ee maanta ka qabsoomay Madaxtooyada wuxuu ibbo fur u yahay qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka oo dhamaadka sanadkan 2019 loo mudeeyay. Kulankan ayaa kusoo dhamaaday jewi degan iyo is fahan laga gaadhay mooshinkii Baarlamaanku laaleen oo xisbiyada mucaaridku xoog uga biyo diideen, waxaana laysla qaatay inaan arinta golaha wakiilada waqti lagu lumin ee axsaabta qaranku sii wadaan geedi socodka doorashooyinka, loona midoobo sidii qodoxda looga guri lahaa qabyada doorashada si dalka uga qabsoomi lahayd doorashooyinku oo ah furaha dimuqraadiyada iyo horumarka. Somaliland danteedu waa doorasho, Xukuumada Madaxweyne Biixi wax a ka go,an inay doorashadu qabsoonto waxanay diyaar u tahay dhamaystirka wax kasta oo doorashada ku xidhan, haday diiwaangalinta tahay ama shuruucda doorashada.

Bushaarada ugu wayn waxay tahay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi wuxuu qoraal u kala diray 25-kii-August-2019 Axsaabta Qaranka iyo Golaha Guurtida si ay u soo gudbiyaan xubnihii cusbaa ee Guddida Doorashooyinka Qaranka si waafaqsan xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka xeer Lr. 20/2001. Komishanka hada jooga oo Xisbiga Wadani saluug badan ka muujiyay kuna adkaystay inaanay doorasho galayn ilaa komishanka la badalo ayaa sidii ay doonayeen loo aqbalay. Waxaana laga filayaa inuu dardargaliyo arimaha doorashada oo kaalintiisa buuxiyo.

Balanteenu Waa Doorasho.

Wabilahi Tawfiiq.