Haween la’aantood gaadhi lama hawaysteen (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Inkasta oo qofkii ugu horreeyey ee dunida ku soo kordhiyey hal-abuurka samayska baabuurta hadda la isticmaalaa uu ahaa nin u dhashay dalka Jarmalka oo lagu magacaabi jiray Karl Benz, haddana hal abuurkaasi ifka uma uu soo bixi lahayn haween la’aantood.

Muddo sannado ah ayaa uu Karl Benz ku dhiirran kari la’aa in uu soo bandhigo hal-abuurkiisa, laakiin cabsidaasi waxa ay joogsatay, markii uu guursaday gabadh lagu magacaabi jiray Bertha Ringer (Bertha Benz) oo la garab istagtay taageero dhaqaale, afkaar cusub oo la xidhiidha samayska gaadiidka, iyo midka ugu weyn oo ahaa in ay ku dhiirrisay inuu bannaanka u soo saaro hal abuurkiisa uu la baqayey.
Bertha ayaa si geesinimo leh ugu dhiiratay in iyada oo labadeeda carruur ah wadata ay ku safarto gaadhiga uu Benz la baqayey, waxa aanay miidaamadaas u gashay si ay saygeeda u tusto in ay cabsidiisu been tahay.

Dhiirrashadaas Bertha ayaa bilow u noqotay in Karl Benz uu gaadhigii sii horumariyo iyo in isaga iyo afadiisu ay wada samaystaan shirkadda illaa maanta shaqaysa ee Marcedes Benz oo baabuur qaaliya soo saarta.

Kamaal Marjaan

 

 

 

Image may contain: one or more people, people sitting and outdoor