BIYO-LA’AAN HALIS LA MAARAYN KARO

   

HORUDHAC

Biyuhu waa aasaaska jiritaanka nolosha bani’aadanka, dhirta iyo dhulka, sida meelo badanba loogu sheegay Qur’aanka kariimka ah. Faa’idooyinka biyuhu u leeyihiin nolosha adduunyada ka sokow waxaa kale oo ay sababi karaan qasaarooyin fara badan oo naf iyo maalba leh. Biyaha halkan  looga hadlayo waa biyaha-macaan (freshwater), ma aha biyaha badda.
Dhibaatada dhinaca biyo-la’aanta adduunka oo ah mid maalin walba sii kordheysa ayaa waxaa nasiib darro ah in ay ku badan tahay waddamada soo koraya (developing countries), waddamada ku horumaray dhinaca warshadaha ma aha kuwa ay waqtigan xaadirka ah haysato dhibaatada biyo-yarida, ayada oo ay sabab u tahay xaaladda jawiga cimiladooda, tirada dadkooda oo aanan kor  u soconin iyo teknoolajiyada ay gaareen oo xal u noqon karta dhibaatooyinka qaar. Dunidan aynu  ku nool nahay waxay maanta dhibaato biyo-yari heystaa dad lagu qiyaasay in ay leegyihiin laba bilyan oo qof, ayada oo weliba ay tiradaasi sii kordheyso sababo badan owgood, haddii aanan waxba laga qabanin.

Waa Maxay BIYO-LA’AANTA?

Biyo-la’aanta ama biyo-yarida, oo afka qalaad lagu yiraahdo “water scarcity” waa biyaha oo ka yaraada intii loo baahna . Biyo laanta waxaa asal u ah dhowr qodob oo kala duwan loona kala saari karo kuwo dabiici ah iyo kuwa aanan dabiici aheyn, (kuwo ay dadku sababaan iyo kuwo aysan dadku sababin waxna aysan ka qaban karin).

Qobodaba dabiiciga ah ee sababa biyo-yarida:

  • Tirada roobka (low rainfall) oo yar isla markaana uu badan yahay uumi-baxa biyaha (high evaporation) ayada oo ay sabab u tahay hawada kulul. Arrintani waa mid ku kooban waddamada ay hawadoodu kulushahay sida qaaradda Afrika inteeda badan, Bariga dhexe, qeybo Aasiya ka mid ah iyo latin amerika. Farqiga u dhexeeya roobkii da’ay iyo uumi-baxa, oo ah biyaha dib ugu noqonaya hawada, oo aad u yaraada waxa uu sababayaa in ay hoos u dhacaan biyihii soo hari lahaa. Iyada oo ifafaalaha cusub ee loo yaqaanno El Nino uu dhibaatooyin weyn u geystay jawiga adduunka isaga oo meelna abaar iyo qaleyl ku diray (sida Afrikada Koonfureed) meelna fatahaadyo ku furan, sida Soomaaaliya, Itoobiya iyo Kiinya. (Qodobkani wax lagama qaban karo).
  • Roobkii oo aanan imaanin xiligii uu iman jiray, qasbana in abaar dhacdo drought).

Qodobada aanan dabiiciga aheyn ee sababa biyo-yarida:

  • Tirada dadka oo korodha , sababtana in biyihii la heystay ay dadka oo dhan gaari waayaan. Tirada bani’aadanka ee sii badaneysa maalin walba waxa ay culeys u geysataa kheyraaadka biyaha, waxaana yaraaneysa tirada biyaha ee qof walba ku soo aadeysa. Qodobkani waa midka ugu culey ee xalka loo la’yahay.
  • Biyaha oo aan si habboon loo isticmaalin isla markaana aysan jirin hanaan-siyaasadedoo hufan oo biyaha lagu maamulo, tani waa dhibaato ugu waaweyn oo heysata waddamada ay biyo-la’aantu heysato intooda badan (poor management/ lack of policy).
  • Ku-soo-qulqulka magaalooyinka (urbanisation) ayada oo laga soo tagayo miyiga, tani waxa ay sii kordhineysaa baahida biyaha ee magaalooyinka iyo shaqaale la’aan ku timaada dhul-beereedka iyo xoolo dhaqashada
  • Jaridda iyo xaalufinta keymaha/dhirta (deforestation) si loo helo dhul-beereed ama dhuxul, arrintani oo qeyb weyn ka qaadata yarenta kheyraadka biyaha, waxay sababtaa degaanka oo xumaada (Environmental degradation), iyo nabaad-guur (soil erosion).
  • Isticmaalka kiimikada bacriminta (fertilizres) iyo sunta disha cayaanka beeraha (pesticides), si loo kordhiyo waxsoosaarka beeraha, biyaha wasaqda ah ee ka yimaada warshadaha iyo guryaha oo si toos ah loogu shubo webiyada iyo harooyinka (iyaga oo aan la nadiifinin) waxay dhamaanba sababaan in ay yaraadaan kheyraadkii biyaha. Qashinka iyo wasaqda guryaha, warshadaha, beeraha iyo baabuurta waxay waxyeello weyn u geysteen tayada biyaha (water quality). Ayada oo ay wasaqeynta biyuhu (water pollution) ay tahay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee maanta ka jira dunida guud ahaan. Wasaqeyntani waxay hoos u sii dhigeysaa biyihii yaraa.

Haweeneyda iswiidhishka ah ee caalamku u tixgeliyo in ay mid tahay dadka ugu aqoonta roon dhinaca cilmiga biyaha, Professor Malin Falkenmark, ayaa waxbixin ay kol hore soo saartay si cad ugu qeexday macnaha loola jeedo Biyo-la’aan ama biyo-yari. Waxbixintaas waxay ku saleysan tahay qiyaas lagu cabbiri karo heerka biyo-la’aanta ee uu qaran ama dal yeelan karo. Qiyaastaas, oo loogu magac daray, Malin Water Scarcity Index, waxay sheegeysaa in haddii tirada biyaha wadan ee ku soo aadeysa qof walba oo waddankaas ku nool sanadkii ay la egtahay amaba ka yaraato 1700 m3 (1.7 milyan oo liitar) waxaa halkaas ka jirta biyo-la’aan (water scarcity). Haddii tiradaasi leekaato ama ka hoos marto 1000 m3 (hal milyan oo liitar), waxaa markaas la oran karaa biyo-la’aan aad u daran ayaa halkaas (waddankaas) ka jirta (chronic water scarcity). Haddii tiradaasi gaarto amaba ka hoos marto 500 m3, waxaa markaas la oran karaa waa biyo-la’aan buuxda (absolute water scarcity).

Sidee looga hortagi karaa biyo yaraanta

Biyo yaraanto waa wax laga hortagi karo ama layarayn karo inta badan dagaanada somaalidu sanadba sanadka ka danbeeya biyihu way ku sii yaranayaan . biya laanta waxaa looga hortagi karaa iyadoo lasamaynayo:

1: hakaajinta iyo dib uqaabaynta siyaasadaha horumarinta biyaha

2: ka hortaga xaalufka iyo beerida dhulka nabad guuray

3: samaynta biyo xidheeno waawayn iyo kuwa yaryar

4: horumarinta iyo hagaajinta hanaanka biyo tashiilka ee qayska

5: soo saarida khabiiro ku takhasusay cilmiga biyaha

6: samaynta macahadyo lagu barto farsamada horumarinta iyo xalinta dhibaatooyinka ka dhasha biyaha.

7: maaraynta biyo dhacyada (watershed management).

Gunaanad

Biyo yarantu waa xalad halisa taas oo keeni karta dhimashada dadka iyo xoolaha hadaba si looga hortago ama loo yareeyo biyo laanta waxaa mihiim ah in la helo siyaasado xoogan oo lagu horumarinayo biyaha . hagaajinta maamulka iyo maaraynta biyihu waxay door wayn ka ciyaari kartaa helitaanka biyo nadiifa.

Waxaa qoray: Abdi asis Maxamed Ahmed- cilmi baadhe