“Bulshooy adigaa milga leh
Ninkii ballankaaga qaaday
Ka baaqday xilkaad u dhiibtey
Ka baydhay ujeeddadaada
U boodey cirkaas dusheenna
Buurtuu koray waarin mayso!”
Guryasamo Allahayow ku dareeryey geelii. Waa la galay doorashadii oo lagu kala calaf qaaday xanaf iyo xanuun kasta oo ay lahayd, Muusena mawlaca ayuu is keenay. Waa madaxweynaha sharciga ah ee shanta sannadood ee soo socda iyo weliba ‘daba-dhahdeennii xaaraanta ahayd’.
Hawlaha u yaalla ee miiska u sii tuurani ma yara. Xilkasnimo, dedaal badan iyo daacadnimo ayaa wax lagaga qaban karaa. Muuse shaadhkii iyo shaarubihii libaaxa ayuu gashaday, ciddiyihii shabeelkana wuu la soo baxay. Albaabka ayuu hoosta ka xirtay. Qofkii arrin u socda ama gaar ha u noqdo ama mid guud ha noqdo’e Dr Sacad Cali Shire oo wasiirradii Siilaanyo ka mid ah buu ku reebay oo yidhi u tag.
Ma aha Muusihii shalayto ee dhegaysiga badnaa. Waa run oo ma aha. Gafi waa runtiisii oo durba fuq tag awelba lagu xifaalayn jirey baa ka muuqda. Jileec baa ishaa inoo yeelaye “ha is adkeeyee daaya”, go’aan adaygii aynu ku doorannay iyo geesinnimaa ka soo jiijii lehe, “daaya daaya odayga”, ayay tiraabtu u badatay.
Dad badan baa xil in ay helaan u doonyaysnaa. Xil in la doonaa ceeb ma aha, in se loo meel dayaa qumman oo aan maryaha loo tuurin, loona dudin. Dad kale oo badani waxa riixayey in Muuse ku socdo barnaamijkii siyaasiga ahaa ee xisbigu ballanqaaday iyo qorshihii hawl-galladiisa oo af Muslim iyo mid Gaalaadba ku qornaa., waxna aynu kaga soo xusnay qormadii tan ka horraysey.
Dad badan xil in ay helaan tanaa kaga cuslayd. Waa ciddii fahamka u lahayd in guul kasta oo la gaadhaa ay tacab khasaari karto haddii aan hanasheeda loo dhug yeelan oo gacmaha lagu xejin. In la guuleysto hanashadaa ka hawl badan oo ka culus, waayo guusha la gaadhaa haddii ay hanasho weydo waa ay fool hallowdaa oo luntaa. Immisa jeer oo hore ayaa guulo ummadeed la soo hooyey oo haddana la hanan waayey oo fool hallow ku dhacay, aduun bayna kaa go’an yihiin maalmahays guray, saw ma aha?1
Sida roobka ayay xoghaynta madaxweynaha cusub talooyinku ugu shubmeen, xaraynta CV-yaduna isu tuureen. Waxa aan ka mid ahaa dadkii wax is bidayey ee u xidhxidhnaa in ay ka qayb qaataan hanashada guushii la soo hooyey si aanay u fool hallaabin, looguna ilaaliyo xayndaabka iyo xerada ballanqaadyadii siyaasadeed ee barnaamijka xisbiga, iyo qorsheyaashii hawl-qabadyada ka midho-dhalinta iyo dastuurka waddanka u yaalla.
Hase yeeshee mar walba waa in lagu xisaabtamaa waaqaca iyo nuxurka guud ee maanhagga bulshada ee maxalliga ah (local social context). Sidii aan qormadii 3aad ku soo xusay Somaliland dawladnimadeedu waa labeeb ama mutaweled (hybrid). Waa isku dhaf hab-dhaqan qabali ah iyo mid casri ah, oo weliba miisaanku u janjeedho dhinaca qabaliga oo bishu u caano shubato.
Intii aanu madaxweynaha cusubi waxba magacaabinba waxa soo baxday in Maxamed Kaahin Axmed u cumaamadan yahay jago wasiirnimo oo uu doonayo arrimaha gudaha in uu qabto. Maxamed Kaahin waa aabbahay inaadeerkii afraad. Waa halgamaa in badan siyaasadda kulaalayey oo ku dhex caansiirey. Xaqdhawr iyo xishmadna bulshada inteeda badan ku dhex leh, gaar ahaanna raaska aannu ka soo wada jeedno.
Deero uma hirdiyin deero kale in ninkaas odayga ah cidi rabitaankiisa ku doco docayso. Waxa kale oo taasi u quus goysey in aanay suurta gal ahayn in wax xil ah oo kale xaafaddu u dhololi karto, xitaa agaasime ama wax ka hooseeya aanay heli karin, waayo reerihii ama jifooyinka kale ee sare ayaa wixii xilka Maxamed Kaahin ka soo hadha si geed-ka-go’an ah u yeelanaya sida maanhagga guud ee bulsheed iyo nidaamkeenna siyaasadduba isku raacsan yihiin.
Halkaasi waa qodob, waa halkii Xuseen-Badhaani Cabdi, saw aha?.
waayo waxa aan sidaas u leeyahay in aan soo dhoweeyo fahamka, daacadna aan ka noqdo wixii duunkayga jira oo aanan mutuhin iyo mututuul ku socon.
Madaxweynaha cusubi waxa uu digreeto ku magacaabay hormadii ugu horraysey ee xukuumaddiisa cusub. Siyaalo kala duwan ayaa looga dareen qaatay magacaabistaas, gaar ahaan wasiirradiisa oo u badnaa dad ku cusub fagaaraha siyaasdda.
Wuu sii amabaqaaday Muuse Biixi oo dhammaystiray xukuumaddiisa. Waa markan kolka su’aalo waaweyn dad badan oo aan ka mid ahay is weydiinayaan. Ta ugu darani waxa ay noqotay marka laga tago tayada liidata ee inta badan xubnaha xukuumadda uu dhisay, waxa soo baxay maamul dhinac ka raran marka la isku minguuriyo dadka uu digreetooyinka ku magacaabay iyo kuwa xilalkii ay xukuumaddii hore ka hayeen sii ambaqaaday.
Arrintaasi waxa ay shaki gelisey dad badan oo aan ka mid ahay, weli se kama aan rejo beelin in wax la hagaajin karo, xukuumadda cusubina wax la la saxi karo, waxba se kama soo rayn marnaba.
Kala qaybsanaantii bulshada ee horeba u jirtey, doorashadii iyo natiijadeedii oo ummadda sii kala qaybiyey iyo xukuumadda tayada daran ee dhinaca ka raran ee madaxweynuhu soo dhisay waxa soo raacay hoggaanka oo ka gaabiyey inuu ummadda himilo u horseedo oo jiheeyo, rejona geliyo ruuxda darayaysan ee sii kala qaybsamaysa ee bulshada.
La soco qaybta 5aad