Shalay waad taageertay, maantana waad ka horjeeddaa: Fadlan, na qanci. Q.5aad (WQ:Maxamed Baashe X. Xasan)

“Duugowyey xiisihii
Indhuhuna is daydaye!”

Muusihii shalayto furfurnaa markii uu kursiga heliddiisa u hamuunsanaa ee uu faraska cad u fuushanaa ee dhegeysiga badnaa, wax isla gorfaynta iyo isla rogrogga u hayal samaa, waxa uu u muuqday gar-ma-qaate dhega la’ oo aan garowshiinyo bixin. Wixii talo lagu rusheeyey xafiiskiisu waxa ay noqdeen hal bacaad lagu lisay oo waxba kagama soo naasa-caddaan.

Tabashadii hore ee bulshadu cirka ayay isku sii shareertay. Midnimadii iyo wadajirkii ummadda oo ahaa mudnaanta koowaad iyo qodobka koowaad ee qorshaha hawl-galka ballanqaadyadii lagu dagaal galay xilligii ololaha doorashada ayaa sii xumaaday oo sagxadda sii qaniiney. Madaxtooyadii muraayadda ummadda u ahayd, iska daa in lagu soo hirto oo bulshadu iska wada dhex arato’e, waxa ay boqol jeer hoos uga sii degtey heerkii hore. Barbaar isku degaan u badan ayaa ka dhigtay miidaan ay ku wada laacdamaan.

Somaliland waxa ay u muuqataa in ay baallaha ka soo rifmayso. Sool iyo Sanaag Bari waa ay ka sii fogaadeen halkii ay Somaliland ka taagnaayeen xilligii doorashada iyo ka hor. Heshiisyadii hawsha badan iyo tacabka badani galeen ee Somaliland iyo Khaatumo wada gaadheen waxa ay xukuumadda Muuse ku tuurtay teneg xashiishka ama qashin qubka.

Prof Cali Khaliif Galaydh iyo raggiisii in badan oo ka mid ahi Somaliland waa ay ka sibiq dhaqaaqeen oo qofba jaahiisii uga suudalay. Reer Sool waa ay ka sii irdhoobayaan Somaliland. Taleex oo ka mid ahayd meelihii doorashadu ka dhacday maanta waa si kale xaalkeedu. Sanaag Bari waa ay sii siqaysaa. Badhan waxa laga dhisayaa qasriga barlamaanka maamul goboleed Soomaaliyeed ee Puntland.

Awdal waxa ay la ciirciiraysaa tabashooyin raagey oo aan weli wax-ka-qabashadooda la xallin. Isku day caato ah waa la dhaqaajiyey intii Muuse joogey, weli se natiijo lagama gaadhin oo qabyo waa halkeedii.

Dhinaca kale marka la eego, Somaliland waxa ay u muuqataa in dhexdiina uu xar kaga dhashay oo ka sii gelayo. Beelo waaweyn oo kuwa dhexda ka mid ahi oo miisaan lehi waxa ay tirsanayaan tabasho weyn oo ka dhalatay sidii xukuumadda loo dhisay. Cidi weli ugama garaabin tabashadooda, in la daweeyo ha joogto’e. Kalsoonidii bulshada dhexdeedu waxa ay ku taagan tahay miiq dun ah oo dhuuban, gebi dheerina ka hooseeyo, meelaha qaarna waa ba ay luntay. Haybaddii iyo dabkii dawladnimo waa uu sii gabaarayaa oo indhaha ayuu isku sii qabsanayaa.

Dhaqaale burbur, sicir barar, maceeshad xumo iyo busaarad ayaa guri walba inta ugu badan bulshada albaabbada ku garaacaya. Meherado badan ayaa bil kasta xidhma. Qaar badan ayaa dirqi ku sii furan oo ruxmaya. Wareeggii lacagta ayaa waddanka ku yaraaday. Maalgelintii maxalliga ahayd iyo wax kala iibsigii ayaa iyana yaraaday markii ay luntay kalsoonidii macaamiishu ku qabeen suuqa lacagta iyo ganacsiga.

Shaqo la’aantii ayaa xaaladdaas la sii jaanqaadaysa oo karkaarrada jabsatay. Dhallinyaro badan hiyi kac dhuyaalnimo ayaa ku dhashay, qaar kalena in ay Muqdisho u sunsumaan oo shaqo tagaan ayay ku dhaqaaqeen.

Dad badan oo faraha wax ugu jireen ama maalqabeenno ahaa waxa ay qoysaskoodii dejiyeen Turkiga. Bulshada intii badnayd kufaa-kicii nololeed ayaa ku sii cuslaanaya oo welwel iyo walbahaar ayaa u raacaya busaaradda iyo maceeshad xumaanta ku haysata nolol-maalmeedkoodii afka iyo gacanta ku sinnaa.

Adeegyadii kale ee bulshadu sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iwm waa ay sii darsanayaan oo xukuumaddani halkii ay ugu timi ee liidatey wax badan kama ay sii kicinnin, wax ka sii dhaca mooyaane.

Amnigii muwaaddinku meelo badan ma sugna. Carjuuq dheh iyo ra’yi uu soo bandhigay ayuu xabsi ku geli karaa, rumaanna loogu hayn karaa muddo dheer. Xukuumadda wax dhalliil iyo toosin ah looma soo bandhigi karo.

Ciddii is tidhaa wax dhalliila waa la xidhayaa, haddii la gaadhi waayana kooxo abaabulan oo shilimo loo qaybiyey ama qabyaalad loo liqimay ayaa lagu saarayaa. Waxa laga saarayaa nasabadda iyo Somalilandnimada, waxana lagu shaambadaynayaa waa xil-doon, waa uu dudayaa, waa qaran-dumis oo waa la jaal waxa ay ugu yeedhaan “cadowga Somaliland”, mashruuc buu sitaa oo waa biidhi-qaate iwm.

Waxyaalahaas waxa lagu doonayaa in lagu qariyo, laguna marin habaabiyo dhalliisha dhabta ah ee dhiirran ee tooska ah ee xukuumadda la doonayo in lagu baraarujinayo si ay isu saxdo. Haddii dhalliisha dhabta ah la dhabqiyo oo la qariyana waxa dhalata dhalliil dhalanteed ah.

Xidhiidhkii dibedda oo awelba iska liitey ayaa isna ciidda madaxa sii geliyey sidii gorayada. Isbeddelada gobolka ka socda ayaa horseed ka ah isirro wax ka beddeli kara xaaladda gobolka. “Buur ahow ama buur ku tiirsanow” ayaa la yidhi. Buur na noqon weyney, buurna ku tiirsan kari weyney.

Isbebelka Itoobiya waxa uu gufeeyey daldaloolladii aynu Addis Ababa ka geli jirney, meel kalena diyaar inoo ahayn. Dhinacana waa “ha fadhido farow” oo haddii muraayadda guduhu xitaa kuu nadiif ahaan lahayd werwerka xidhiidhka dibeddu wuu yaraan lahaa, waayo haddii aqalka gudihiisu aanu kuu bed qabin dibeddiisu waa maaf oo waxba kuma tarto.

Gunaanad:

Tayo darraanta xukuumadda la dhisay iyo dhinac ka rarnaanteeda la sixi waayey ee laga dhega adaygay iyo isu joojin la’aanta markii awoodda la taabay, daaqad ka tuurista barnaamijkii siyaasadda ee doorashada lagu galay iyo tuurista qorshihii hawl-qabadyada iyo ka midho-dhalintooda, tallaabooyinka kelitalisnimo ee car juuq dheh iyo xabsiga la miciinsanayo, himilo abuuritaan la’aanta xukuumadda iyo rejada sii dhimanaysa ee bulshada, sii lumitaanka midnimadii, wadajirkii iyo kalsoonidii bulshada dhexdeeda iyo tii dawladnimada lagu qabi lahaa oo boodh iyo habaas sii fuulayo, noloshada bulshada ee sii adkaanaysa ee aan waxba laga qabanayn iyo sida foosha xun ee aanu hoggaanka waddanku danta iyo muraadka uga lahayn in waxyaalahaas lagala hadlo, si burbur looga hortago, dhaawacana loo yareeyo, ayaa ka mid ah in aan taageeradii kala noqdo xukuumadda Muuse Biixi Cabdigii aan shalayto taageersanaa markii uu kursiga u roorayey, maantana aan ka mid noqdo dadka dhalliila maamulkiisa tayada liita ee dhinaca ka raran.

Muuse waa la og yahay inuu dhaxlay dhibaatooyin ka qaro weyn in sannad iyo ka badan lagu hagaajin karo, waxa se lagu haystaa waxa uu ka baydhay tubtii inta badani ku qanci kari lahayd ee caqabaadka tirada badan lagu waajihi lahaa, waxana uu baydhay waddo qardajeex ah oo in ay wax uga sii darto mooyaane aan wax lagu tanaadi karo laga quuddarrayn karin.

“Duqii Markus waa kaas
Waddadii dayacan koray!”

Haddii aanu ka jooginna,
“jidka aaran dubatadu
Ku dambayso weeyaan!”

Sannad iyo googo’ waa muddo dheer oo himilo ummadeed lagu abuuri kari lahaa. Dadka rejo la gelin kari lahaa. La jihayn kari lahaa, wax-qabadyana la tusi kari lahaa. Xukuumadaha cusubi waxa labada sannadood ee hore ay qabtaan ayay dadka ka iibiyaan oo ay masruuftaan hadhow, gees biciidna kulaylkaa lagu gooyaayoo waa inta dadku kuu heellan yihiin, mucaaridkuna ku hubsanayo, haddii se aad fadhiid noqoto sida imminka oo kale waxa hubaal ah in dadkii ku taageeray wixii damiirkoodu nool yahay, si ay u kala horreeyaanba, tacab khasaar u arkayaan taageeradoodii, kaana hor imanayaan si ay kuu baraarujiyaan, kuuna saxaan.

Waa ayaan-darro, in 28 sannadood ka dib werwer badani ka oogan yahay jiritaankii Somaliland oo meesha lagu socdo iyo meesha laga yimi qiimaynteeda la isku maandhaafsan yahay oo qaarkeenna qaadayaan ‘badhbadhaadhnay’, qaar kalena ‘adhaxdaynu ka sii jabaynaa’, qaarna labadaas u dhexeeyaan, qaarna iska suudalaanba inta ay quusteen!

Somaaliland waxa ay weli taagan tahay Is goysyo halis badan!
Somaliland xaggay ku socotaa? Waa su’aasl u baahan in lagaga jawaab celiyo daraaso salballaadhan oo qiimayneed oo waxgarad wada gorfeeyo. Marka aad og tahay xanuunka ku haya cayntiisa waxa aad ogaatey qayb ka mid ah xalkiisii.
Xilal la doono oo loo dudo ama dhuuni loo hamuumo oo caloosha lagu gufeeyo maanta oo kale waa barkumataal, wax se mudnaanta koowaad leh in la badbaadiyo wixii xilkuna maamuus ku yeelan lahaa, dhuuniguna milgo ku lahaan lahaa.

“Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diidey
Maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya!”

Iga dhan!

Dhamaad!