Bookh:Magac ku weynaa Waxbarashada Somaliland (WQ: Cabdifataax M. Axmed)

 

Inyar oo kooban ayaan garaneyn Macallin bookh,ku dhawaad wakhtiga ugu badan cimrigiisa ayuu waxbarashadda ku soo dhex qaatey.wuxuu soo bixiyey sannadaha ugu badan ee wax la dhiggo,isaga oo ka mid ah ahaa kuwa ugu khibrada badnaa,wuxuu dhammaan ardeydiisa wax ugu dhiggi jirey naf hurnimo iyo mukhlisnimo si ay ugu qancaan waxbarashada.wuxuu isku darey kuwa waxbarashada u soo addeegay kuna maggaca weynaa bahda waxbarashada dalka.Wuxuu si shakhsinimo ah u wada gaadhey riyooyinka himilooyinka,abaalmarinada iyo sumcada kala duwan ee waxbarashada laga helo laguna abaal mariyo dadka qaaliga ku ah.Waxaad isaga xasuusan doontaa markaad maqasho buuggii sayniska ahaa ………………………..waxey soo maamuleen in ay ardeydooda wax soo baraan wakhtiyadii adkaa,dhaqaalaha iyo agabkuna bulshadda dhexdeeda ku yarayaeen.

intaan xasuus ku gaadho waxaan soo qaban karaa  markii anniga iyo ardey badan oo maanta nooli aanu soo fadhiisaney kuraasta fasallada dugsiyadda sarre ee aanu dhageysiga macallimiinta dugsiyada sarre billowney,waxaanu berrigaasi u jiheysaney socdaal waxbarasho nagu cussub.casri kale,degaan iyo macallimiin cussub oo sannadahaasi noo keenen.waa ayaamihii barayaashaasi ay sharciga,nolosha,siyaasadda iyo wax qabadka arrimaha bulshadda maskaxdayada ku soo fureen.Macallin kasta berrigaasi ka xumaan jirey in aan ardeydu xiiso u heyn maaddadiisa.Macallin kastaana wuxuu dooni jirey in uu ardeyda ka dhiggo sidiisa oo kale.Akhristee ayaamahaasi ayaa sayniska fiisigisku na barey Jabaqda,korontada,qulqulka,birlabta,hirarka,iyo tamarta.Birlabta soo jiidaneysa wixii  ku xeeran boggagii ay buuggeygii kaga qornaayeen waxaan ku soo aasey magaallo ka mid ah qaarad is mooda hindiya sannado badan ka hor.

qof ba inta garaneysey ayuu marka uu xijaabto xidhiidhkiisu qalbiga iyo maskaxahooda yimmaada.weli bahda macallimiinta Jaamacadda hargeisa waxa u sii furan oo aan laga laabin gogosha tacsiyihii horre…………ayaamo aan fogeyn ka hor waxaanu weyney laba barre nagu qaali ahaa.Dhimashadiisa ka dib,wax badan oo inoo dhow ayuu ka tagey bookh isna.anba waan xasuustaa wada sheekeysigayagii ugu danbeeyey,wax badan oo nolosha lagu qiimeeyo ayuu ka tagey.Ardey kastaa sannadaha uu wax baranaayo ee kala duwan, xilliyada waxbarashadda fasal kastaa macallin ayuu gaar u jecel yahay,abtigey bookh wuxuu ka mid ahaa kuwaasi.wuxuu ahaa macallin tan iyo intii uu xijaabanaayey,wuxuu jeclaa in uu ardeyda ku xidho cilmiga sayniska.Dhimashadu nolosha wey jartaa laakin xidhiidhka ma jarto,marti la jecel yahay oo dunida looga soo duceeyo noqon insha Allah.

Cabdifataax M. Axmed

Ceelaabe_10@hotmail.com