Maahmaah Carbeed ayaa tidhaa” Marka sababta la ogaado ayuu yaabku qarsoomaa”. Waa wax lala yaabo in guddoomiyaha maxkamadda sare uu ku faano kiis uu dhexdhexaadin ka galay, halkii uu kaga faani lahaa kiis ay ka gar-naqeen oo ay caddaalad iyo go’aan xalaal ah ka soo saareen. Dhexdhexaadin waa dhaqanka suubban ee Soomaalida, oo ay hore ugu soo dhaqmi jireen ka hor intii aanu nidaamka dawladnimo soo gaadhin. Wax lagu micneeyo lama garanayo in dad gar-qaadistii maxkamadaha ka quustay oo iskood u heshiiyey la isku sawiro iyada oo lagu soo daba-gabbanayo waanu dhexdhexaadinay. Garta dhaqanka ee maalinlaha ah ee ay ku foogan yihiin odayaasha reeraha u taliyaa waa shaqada ay maalin kasta qabtaan. Markaa sow shaqadii odayaasha maxkamadu kumay qabsan? . Haddiiba ay maxkamaduhu dhexdhexaadiintii dhaqankeenna ahayd ku faanayaan, maxaa ay soo kordhisay aqoontii casriga ahayd ee maxkamaduhu?
= Xeerarka Garta Soomaalida: Soomaalidu waxay leedahay xeerar ay ku kala baxaan markay is-qabtaan. Sida dhaqan ahaan loo kala duwan yahay ayaa xeer ahaan loo kala duwanaanayaa. Xeerark dhaqanka waxa hogaamiye, Caaqilada, Suldaanka, Garaadka, Boqorka, Ugaaska iyo waliba odayaasha beelaha u taliya. Beelaha jaarka ah waxa ka dhexeeya xeerar ay ku wada dhaqmaan, oo ay ku kala baxaan markay wax isku qabtaan. Arrrimaha inta badan la isku qabto waxa ka mid ah: dilal, xoolo la kala qaado, dumar la faraxumeeyo IWM. Dhinaca kale waxa jira xeerar ka dhexeeya oo lagu dhaqmo, markay qabiilku amma jilib hoose is-qabtaan. Waxaana la odhanayaa” jilibkaasi maxaa xeer inooga yaallay markay arrintan oo kale dhacdo”. waxa aynu dul-istaagi doonaa labadan dhacdo:
= 22/1/2020 waxa ay maxkamadda sare go’aan dhexdhexdiin ah ka gashay guri la isku haystay muddo ku dhow 50 sanno. Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa warbaahinta xafiiskiisa kula hadlay iyada oo ay hareera fadhiyaan dhinacyada isku haystay gurigu, waa nooc ka mid ah xayeyiis shaqo ku faanka. Wuxuu ku faanay inay ku guulaystay inay kiiskaasi ku dhammeeyaan sulux, halkii ay ka ahayd inuu ku faano inuu qaaday kiis ay dad isku haystaan oo dacwadiisa go’aan kala saaris ah laga gaadhay. Dadku waxa ay maxkamadaha u yimaadaan in lagu kala saaro qar-qaadis, uma se yimaadaan in la dhexdhexaadiyo, waayo dhexdhexaadin iyo waxaasi ka tag taana liq oo gobonnimada ka raac waa dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalidu weligeeba ay ku kala bixi jireen. Markii la waayey kiisas si caddaalad ah loogu kala baxo ayey macaanaatay dhexdhexaadintii.
= 22/12/2020 waxa sidii caadada ahayd ay maxkamadda sare soo saartay go’aan ay ku dhexdhexaadisay laba dhinaca oo dhul isku haystay muddo ku dhow 20 sanno. Kiiskii dhexdhexaadin ku faankii ayaa halkiisii ka sii socday, waxaanu guddoomiyaha maxkamadu la hadlay warbaahinta oo u sheegay in dawcaddani dhulka la isku haystaa ay muddo dheer soo socotay oo uu saartay guddi sulxu ku dhamaysa. Sida ka dhadhamaysa markay dhexdhexaadini timaado waa marka ay dadku ka quustaa qar-qaadis caddaalada ku dhisan oo dadku ku kala baxaan.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan