Booqashada Koowaad iyo Waddanka Koobaad (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Marka laga hadlayo xagga diblomaasiyadda booqashada uu Madaxweyne marka la doorto uu booqdo dal kale waxay muujinaysaa saaxiibnimada labada dal iyo labada Madaxweyne,  waxay ka turjumaysaa dal ka koowaad ee waddankan u haya gacaltooyo, nolol qaybsi, xidhiidh siyaasadeed iyo sokeeyenimo, waana in uu yahay dalka koowaad ee haddii waddankaaga lagu soo duulo kula difaacaya.

Tusaale ahaan Ra’iisal-Wasaare kasta oo Ingiriiska loo doortaa wuxuu cagta ugu horraysa dhigaa waddank a USA, Madaxweyne kasta oo Maraykanku doortaa wuxuu booqashada kowaad ku tagaa waddanka Ingiriiska.

Sidoo kale Madaxweyne kasta oo jabuuti laga door taa wuxuu marka ugu horraysa indhaha ku kala Furaa waddanka Faransiiska wuxuu muujinayaa in uu ka talo qaadanayo waddanka Faransiiska oo xidhiidh qoto dheer ka dhexeeyo, illaa iyo xilligii gumaysiga.

Maaha arrin sahlan booqashada koowaad waa sawirka laga dheehanayo Cidda aad isugu xigtaan waddan ahaan, waa halka laga ogaan karo wadanka aad xulafo siyaasdeed wadaagtaan.

Haddaba waxaynu eegi doonnaa Booqashada madax weyne Muuse Biixi ku tagay waddanka Jabuuti waxay innoogu bedesho, in ay hab dhaqan kii Hore ee ay Somaliland kula dhaqmaysay bedesho iyo in ay sideedii hore halkii uun ka miisto oo kolba shir Soomaaliya ah inaga dul abaabusho.

Jabuutti haddii ay innoo hagar baxdo qadiyadda Somaliland way ka dhaadhicin kartaa Urur Goboleedka IGAD baal cusubna way inoo furi kartaa.

Bal waynu eegi doonnaa tallaabooyinka ay jabuuti ku xigsiiso haddii alle ogolaado.

Waxay Qoray: Rashiid Odowaa