Taliyihii Saldhiga Qudhax Dheer ee Hargeysa Lagu Dhaawacay ayaa dalka ku soo laabtay

 

Taliyihii Saldhiga Xaafadda Qudhac Dheer Ee Koonfurta Hargeysa Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Kayd Aw Muxumed Halab, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib Dhaawac Rasaas haleeshay isaga oo hawlgal shaqo ku jiray ka soo gaadhay mudo 10 Bilood ahayd oo Xaalad Caafimaad oo loogu dalka dibaddiisa ugu maqnaa.

Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Kayd Halab, Aw Muxumed, waxa uu u mahadceliyey gacanta ay xaaladdiisa Caafimaad ee dalka dibaddiisa loogu qaaday uu ka qaatay Taliyaha Ciidanka Bileyska ee Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Saraakiisha kala duwan ee Bileyska Somaliland

Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Kayd Halab, waxaana kale oo uu u mahadceliyey dhamaan Bulshadda reer Somaliland ee Ganacsatadda, Culimadda iyo dadweynaha reer Somaliland ee gacanta ka geysatay Xaaladda Caafimaad ee uu dalka dibaddiisa uga soo laabtay mudo 10 Bilood ah ka dib markii isaga oo hawlgal shaqo isaga oo ku jira Rasaas Caloosha kaga dhacaday dhaawacii soo gaadhay oo dalka gudihiisa wax lagaga qaban waayey Itoobiya lagu soo daaweeyey.