Kuma uursamin!!! (WQ: Bashiir Maxamed Bashiir)

 

  • Dunida casirgan aan joogno dawladnimadu nolosha waa u laf-dhabar. Waa mid lagu soo hirto, lagu kala badbaado, waa mid wakhti, maal iyo muruqba la geliyo si badhaadhe iyo sareeedo umadeed loo bidhaansado.
  • Waxa aan u jeedaa in lagu haftay hiraalkii sinaanta iyo cadaalada iyo ilaalintii dhuuxa wada lahaansho iyo qaranimo. Duruusi inoogu(ku) filan sadbursiimadii hogaamiyeyaashii is xigxigay.” Dheef iyo isku uursami shacab kamaynaan(lagama) dhaxlin”
  • Somaliland curashadii ay curatay, filashadii ay ku yagleelantay iyo gun-dhigiii dwladnimada. Rajadii, hilowgii iyo hamigii laga qabay in ay noqoto qaran doodha oo madax banana waxa ay u waydowday kooxo qawlasytayaal iyo qabyaaladasteyaal  ah oo xukunka  gosha u gashaday.
  • Waa dhab Somalinad ilaa bilowgiiba qabliilnimo ayay ku dhisntay se waxa ay ahayd xaalado ama marxalado loogu danaynayay loogana gol lahaa ururintii beelihii goboladda waqooyin. Marnaba qorshuhu ma ahayn qabyaalad dawladeed waarta sida ay u waartay ee qolo u feenatay duxdii dawladnimo.
  • Beelaha deegaan wadaagta ah ee ku abtirsada somaliladn waxa ay ku uur iyo niyad samaayeen in xukuumada cusub ee hada gacanta talada ku haysa in xilalka iyo amuuraha dawladnimada in ay si siman oo waafiya ugu cad soori doonto bilowga xilal  magacaabeedyada
  • se ma dhicin loogumana cad-soorin laba digreeto oo xilal magacaabis ah iskama  ayna dhex arkin xaasha?.
  • Marka aad dheehato sawirka Somaliland seeska xukuumada  iyo salkeeda qaloocda muuqaalka ka muuqda waa mid laga “yalaaligoonayo” sabab bulshada aan sooc ahaa la hayb ahayn madaxwaynaha awooda gacanta ku haya kuma uursama mana qabaan in ay sii socoto dawladnimadan xaga (dhanka) u raran
  • sabab laabnahooga waxa biyo dhigatay quus iyo rajo beeel mana qabaan in ay u sii rarnaadaan cashuurtoodana lagu dul iftin-faacshado.
  • Beelaha bedlka dhulka dega kuma uursama dhadhaarada iyo haykalka dheeliga ku jira.

Bashir Maxamed Bashir

Borama, Somaliland