Trump wuxu si xooggan u beeniyay in uu maskaxda ka jirin yahay

 

Madaxweyne Trump ayaa si xooggan u difaacay in uu caafimaad ahaan u qalmo in uu maamulo xafiiska uu ka taliyo, wuxuuna gaashaanka ugu daruuray buug dhawaan laga qoray oo isaga ku tilmaamaya in uu maskaxda ka xanuusanayo.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu Mr Trump ku tilmaamay qoraaga buuggaasi Michael Wolff in uu yahay nin musuq uu la dagay.

Fariimo xidhiidh ah oo uu bartiisa Twitterka soo dhigay ayuu Madaxweynaha waxa uu ku sheegay in labada shay ee uu hibada u leeyahay ay tahay degannaanshaha maskaxdiisa iyo in uu yahay nin caqli badan.

Hadallada Mr Trump ee buuggaasi ayaa waxa ay qariyeen shir uu ku qabtay Camp David oo looga xaajoonayay siyaasadihiisa sannadkan.

Buugga Fire and Fury ayaa durbadiiba noqday buug si weyn loo iibsaday kaddib markii Jimcihii la soo bandhigay.

bandhige@gmail.com