Booqashadaydii Balligubadle iyo la-kulankii Sheekh Cabdulxaaq ee shalay (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

 

Waxa laga yaabaa in dad ban oo Sheekh Cabdulxaaq u tegay ay qoraalkan akhriyayaan, bal se ay ka xishoonayaan in ay ummadda u gudbiyaan xogta iyo xaaladda rasmiga ah ee ay indhooda ku arkeen. Laakiin waxa aan karaankay isku deyi doonaa in aan ka marag furo wixii aan dhaayaha saaray.

Waxa ay ahayd subaxnimo Isniin ah sooyaalkuna ahaa June, 05, 2017ka abbaaro 04:50 aroornimo markii aanu ka baxnay Hargeysa annaga oo u sii jeedna Balligubadle, magaalo-madaxda gobolka Hawd. Gaadiidku waxa ay 95% ka wareegayeen waddada Sallaxley, laakiin dirawalkii baabuurkayaga ayaa ku adkaystay in uu si toos ah u raaco jidka Balligubadle. Shaw waddadu waxa ay ahayd mid dhiidhi leh, waxaana maalmihii u dambeeyay si is-daba-joog ah ugu hooray raxmaadka Eebbe, taasina waxa ay sababtay in ay gaadiidkooda inta badani hakad ku galaan dhooqada jidka inta aan laamiga ahayn.

Marinku waxa uu ahaa mid roobban, cagaaran oo ay nimcadii Eebbe biyo-dhigtay. Intii aanu hilinka sii haynnay waxa aanu dhaafnay gawaadhi door ah (Nooha, Iska rogo, Dukhaan, Bas iyo qaar kale) oo jidka ku xannibmay, kaddib markii ay taayirrada la galeen dhiidhiga. Gaadhiga aanu saarnayn oo ahaa mid cusub, isla markaana tayo leh iyo aqoonta wadaha oo fiicnayd awgeed waxa aanu ka samata-baxnay in aanu dhex rafanno jidka biyuhu wadhan yihiin iyo ciidda qoyaanka ah ee hakadka gelisay badi gawaadhidii ku safray jidkan. Abbaaro 07:00 arooryo ayaanu nabadqab ku gaadhnay magaalada Balligubadle. Warqad huruud (jaalle) ayaa ahaa loo goynayay qof kasta oo shuba lacagta adeegga Sheekha, waxaana ku qornaa Alruqya Sheekh Cabdulxaaq iyo Numberka taleefankiisa gacanta ee Shirkadda Golis (Puntland).

Boqollaal gaadhi ayaa ka soo safray Hargeysa, waxaanay ku dhawaad kun iyo dheeraad qof u soo ambabaxeen la-kulanka Sheekh Cabdixaaq oo dadka ku dabiiba Quraanka iyo Sunnaha Rasuulka (NNKH) Qofkiiba waxa laga qaadayay $5, xitaa haddii aanad rabin in lagu cashariyo/rusheeyo oo aad qof waddo, waxa waajib ah inaad bixiso $5.Dhaqaalaha shalay oo keli ah meesha ka soo xerooday waxa aan ku qiyaasi karaa illaa $8000 (Sidddeed kun oo doollar). Waxa ka mid ahaa bukaanno lagu riixayo baaskiilado, kuwo kor loo sido iyo kuwo luudaya. Carruur aan qaangaadhin, cirroole gaboobay, dar caafimaad-qaba, masuuliyiin dawladeed, ganacsato iyo dad shacab ahiba waa ay joogeen madasha. Shakhsiyaadka qaarkood ayaa dhul fog uga yimi dabiibka diiniga ah. Imaatinka Sheekh Cabdulxaaq waxa ay door ka qaadatay camiraadda Balligubadle. Waxa suuq xaami ah helay Hudheelada la seexdo, dukaannada iyo guud ahaan adeegyada bulsho iyo baayac-mushtari ee ka jira magaalo-madaxda Gobolka Hawd.

Waxa ummadda lagu ururiyay Suuqa Balligubadle oo ay UNDP dhistay 1994kii. Madasha waxa lagu rakibay illaa 14 cod-baahiye oo baahinaya ducada iyo hadalka SRaaca hore oo ragga ahaa waxa ay gudaha galeen abbaaro 08:30 illaa 10:30 barqannimo. Halkaas waxa mar qudha lagu horay illaa 500 nin, oo jira da’ kala duwan, duruufahoduna ay kala geddisan yihiin. Waxa ka mid ahaa dadku loogu caal-waayay dhakhtarrada maadigga ah oo aan maskax ahaan fayoobayn, kuwo itaal daran jidh ahaan iyo kuwo u yimi inay naftooda ka hubiyaan jirrooyinka jinka, isha iyo falka/baabka (sixirka) oo aan bar qabin.

Waxa albaabka taagnayd booyad biyo ah oo laga soo dhaamiyay baraagaha magaalada. Dhawrkii boqol ee qofba mar ayaa ragga iyo dumarka midkoodba gaar loogu rusheeyay biyo lagu akhriyay quraanka oo cashar ah.Hiirtii ayaanu radnay oo aanu qadhqadhyo iyo qabaw xad-dhaaf ah la jidhidhicoonnay. Ragga oo ku dhawaa 500 waxa dhacay afar qof, lamana helin fursad uu qof kastaaba waayihiisa gaarka ah uga xaal-warramo Sheekha. Markii ay haweenku gudaha galeen waxa is-qabsaday sawaxan, taasina waxa ay muujinaysaa in dhicitaanku xagga dumarka ku badnaa. Illaa laba boqol oo dumar ah waa laga dhex hadlay. Qaarkood waa yaacayeen. Kuwa loo taag waayo ayaa tuumbo lagu garaacayay. Nin oday ah oo Muqdisho ka yimi ayaa yidhi “Waar ka daa dhengadda. Shan iyo labaatan sanno ayay xaaskayga ahayd, maalin qudhana ma ulaynnin. Maxaad u garaacaysaa?”.

Sheekh Cabdulxaaq waxa uu qabsaday cod-baahiye uu cashar ama Quaan ku tufayo.Gacanta kalena waxa uu ku hayay jeeg uu biyo kaga darayo baaldiyo dhawr ah, dadka ayuu weelkaas daraha ah ku rushaynayaa. Qaar dhibco ayaa gaadhaya, kuwana keligood ayuu galaanno ku qubayaa. Intaas duco iyo tuf ayuu wadaa. Dadka ayuu hore/dambe, midig/bidix iyo hadba jiho u dhex qaadayaa. Marka ay casharka iyo biyuhu gaadhaan dadka jirraysan, qofku waa uu miyir-doorsoomayaa, qaar way qaylinayaan. Qaar waxa ay isku deyayaan in ay yaacaan. Dadka qaarkood oo u baahan xannaano gaar ah, waxa la geynayay kursiga uu Sheekhu ku fadhiyo halkaas ayaanu ugu ducaynayay, isaga oo si gaar ahna ugu shubayay galaanno biyo ah. Dadka mudan daryeelka goonida ah ee ay dushooda ka muuqato diiftu ayuu daymo tudhaale leh ku daaddihinayay. Walaw labadii gelinba la i rusheeyay ma dareemin diiqad, kamana mid ahayn inta daadatay. Dhegaysiga Quraanka waa aan macaansanayay.

“Anigu Quraanka Ilaahay ayaan dadka ku daweeyaa. Ma wax aan Quraan ahayn ayaan idinku akhriyay? Waan yaabay oo qaar kale ayaa wax shubayay. Lama mid ahi cilaajyada inta ay qofka meel ku xidhaan siinaya kiniinada lagu naxdo. Qofku waxa uu xaq u leeyahay in Quraanka lagu akhriyo, lagu tufo, jidhkiisa mariyo, looguna maydho. Idinka ayay tahay inaad ku maydhataan” ayaa ka mid ahaa weedhihii Sheekh Cabdixaaq. “Ilaahay qof kasta ha ka aqbalo muraadka uu halkan u yimi. Ilaahay dhibta ha inaga feydo. Ilaahay qofba meesha bugta ha bogsiiyo” ayaa ka mid ahaa duco-wadareedkii uu ku Alle-baryay. Ma uu qoraynnin daawo afka laga qaato ama maqaarka la mariyo. Keliya waxa ay dadku caagado ka dhaansadeen baaldiyadii casharka ahaa ee Quraanka lagu akhriyay.

Wadaadku waxa uu si dadban ugu hal-celinayay culimo dhawr ah oo hannaankiisa shaqo iyo daawayneed ku dhaleeceeyay magaalada Hargeysa. Gelinkii dambena waxa 04:00 illaa 06:00 hal mar la wada rusheeyay ragga iyo dumarka oo ku kala jiray meelo kala geddisan oo isla suuqa Balligubadle ah. Ma badnayn ragga dhacay marka Quraanka lagu akhriyo, waxaanay ahaayeen illaa 8 qof marka la isku daro ragga Sheekhu qaabbilay labada gelin ee maalintaas. Si gooni waxa ay Sheekh Cabdixaaq iyo gacan-yareyaashiisu ula tacaalayeen furdaaminta dadka iskood u qayliya ama dhaca.

Abbaaro 06:20 fiidnimo ama xilliga Afurka ayaanu ka soo baxnay Balligubadle. Inta aanu ka ambannay jidka Qoolcaday ayaanu Dhimbiriyaale marnay, kaddibna waxa aanu ku soo dhacnay Toon. Askarta joogta kaantaroolku marka ay arkaan in aanu nahay 7 ruux oo dumar ah, wiil yar iyo laba nin waxa ay odhanayeen “Ma Xashkii ayaad ka timaaddeen?” “Haa” ayaana loogu warcelinayay. Abbaaro 08:30 caweysnimo ayaanu soo gaadhnay badhtamaha Hargeysa. Halkaas oo aanu isku nabaadiinaynnay ehelkii iyo jaallayaashii aanu socdaalka halka maalin ah wada qaadannay.

Sidii aan warka ku helayay, waxa uu Sheekh Cabdixaaq joogayaa Balligubadle laba cisho oo dambe (Arbaca iyo Khamiis), intaas kaddibna waxa uu u socdaalayaa waddamada aynu soohdinta leennahay qaarkood. Haddii aad in uun niyadda ku haysay in aad marto shaybaadhkaas Qur’aanka iyo sunnuhu salka u yihiin, waa aad ka faaiidaysan kartaa insha Allah.

Maxaa kaaga baxay?