Booqashadii Balayada Dhiiga ah ee Buuraha Naaso Hablood: taalada quruxda Hargeysa! (WQ: Mohamed A. Indha Yare)

Saaka aniga iyo koox kale ayaa ugu baxnay qiimayn habka maaraynta qashinka kasoo baxa kawaanka xoolaha magaalada Hargeysa. Qashinka kasoo baxa kawaanka wuxuu ka koobanyahay labo qaybood oo kala ah:

1. Uur ku jirta xoolaha (uuska)
2. Dhiiga xoolaha.

Labadan qayboodba waxaa lagu soo qubaha meel aad ugu dhaw calaamadaha (Land mark) Hargeysa waana naaso hablood. Goobta qashinkan lagu qubo looma maarayn qaab cilmiyeysan iyo qaab caqliyeysan toona waayo waxaa lagu qubaa deegaan aan loo qaabayn waxaana loo qubaa qaab ah sidii la doono.

Waddada tagta meeshan ayaa ka baydha marka dhinaca barri loo dhaafo hudheelka Kaah inta aan la gaadhin kaalinta Somaliland. Waddadani waxay u baydhaa jihada waqooyi, isla marka aad waddada ka degto waxaad arkaysaa siduu dhiiga iyo uuskuba waddada ugu qubtay halkaasi oo aad ka fahmayso in gadiidka qaaday yahay mid dabadu (albaabka dambe) furantahay oo markastuu ku dhaco waddada rafka ah uu daadinayo qashinkaasi oo u badan dareere. Ilaa markaad ka degto waddada ilaa aad ka gaadhayso goobta lagu qubbo, urta iyo duqsiga bowda haya waad khalkhalaysaa.

Markaad meesha gaadho, waxaa soo horeysa qaybta uuska (uur ku jirta) lagu qubo, waxaad ka dareemaysaa in hab aan sax ahayn loo qubay waayo waa laysasoo daba dhigay iyadoo u eeg inay usoo durkayso dooxa ku dhow ee u dhaxeeya meesha iyo magaalada Hargeysa. Halkan waxaa lagu qubaa uur ku jirta, madaxyada iyo lafaha kale ee hadhaaga ah waxaana meeshaa aad u joogaa Haadka noocyadiisa kala duwan.

Qaybta dhiigu way ka shishaysaa qaybtan, waxayna xigtaa dhinaca labada buurood ee naaso hablood iyadoo u dhow naaska midig. Meeshan waxaa ku yaal 4 balay ama ceel oo lagu qubbo dhiiga xoolaha. Mid uu qalalnaa macnaha waxba kumay jirin halka 3da kale buuxeen. Ceelashan ayaa ku kala duwan xagga ribanaanta dhiiga, anoon garanayn sababta. Dhibta wehelisa ayaa ah in ay jiraan ililado ka baxa ceelashaasi iyadoonan garanayn halkay ku dhamaadaan wallow ay u muuqato inay ku darsamaan biyo mareenada ku dhow.

Farsamo xumada meeshan ka jirta waxaa ka mida:
1. Qaabka loo qubbo oo ayna xirfadi ka muuqan.
2. In ayna lahayn wax xayndaab ah.
3. Inaan dhulka lagu shubayo laga ilaalin in wax illiilado ahi ka baxaan, si ayna ugu gudbin ilaha biyaha laga cabo.
4. Inaan lagu darin wax ka dilla wixii dullin ah ee ka dhallan kara xataa milixna ha ahaatee.
5. Inaan lagga fikirin dadka meeshaasi deggan.

Dhibta muuqaal ee meeshaasi ka jirta ayaa iyadna ah in meeshani tahay calaamada kaliya ee Hargeysa lagu garto waayo waxa ku yaala labbadii buurood ee naaso hablood oo taalo u ah Hargeysa. Hadaba hadii taalooyinkii aynu dadka soo tusi lahayn deegaan ahaan ay kharibmaan miyeyna ahayn in aan taallo laga dhiggin? Mooyi!

Waxay ila tahay in bulsho ahaan iyo dawlad ahaanba khatartaasi maaraynteeda lagga fikiro ficilkeedana la qaado. Waxani waa “Biological” faa’iidooyin badan ayey leeyihiin hadii laga faa’iideysto hadii kale se khatartiisa ayaa badan toonta.

Mohamed A. Indha Yare