Booqashadii Dalalka Aan La Aqoonaan Q.1aad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Waxaa adduunyada ka jira nidaamyo aanu sharciga caalamiga ahi u aqoonsanayn dawlado sida oo kalana aan khariiradaha rasmiga ah ee caalamiga ah ku jirin, laakiin mararka qaarkood ay dawladaha adduunka qaarkood sida dawladaha ula dhaqmaan.

 

Waa dawlado aanay beesha caalamku tirsan, laakiin leh nidaam xukuumadeed, qaabdhismeed dawladnimo, baasaboorro, lacag iyo xita xidhiidho diblumaasiyadeed oo xaaladaha qaar ay dawlado kala duwan la yeeshaan.

 

Qoraa lagu magacaabo Guilherme Canever oo u dhashay dalka Baraasiil, ayaa sannadihii u dhexeeyey 2009 illaa 2014 kii booqday 16 dawladood oo aan aqoonsi caalami ah haysan, kaddib waayoaragnimadii uu ka soo helay ayaa uu ku ururiyey buug uu ugu magac daray, ‘Qaramo aan la aqoonsan: U socdaalistii dawladaha aan jirin’ (Uma viagem pelos países que não existem) oo soo baxay bishii July 2020 ka.

 

Warbixin ay shabakadda wararka ee ‘Emaratal Youm’ ee dalak Isutagga Imaaaraadka Carabtu ka diyaarisay Guilherme Canever iyo socdaalkiisa uu ku tegey dalalkan ayaa lagu yidhi, “Isticmaalka ereyga ‘Dawlad’ waxa ay u baahan tahay shuruudo gaar ah, si uu qaanuunka caalamiga ahi u aqoonsado; waxaa ka mid ah in uu deegaan joogto ah leeyahay, in uu gobal keliya ku wada yaallo isla markaana leeyahay xuduudo sugan, in uu si madax bannaan isu maamuli karo iyo in uu xidhiidho diblumaasiyadeed la leeyahay dalal kale. Laakiin marka laga tago shuruudahaas sharciga ah waxaa jira shuruudo aan lagu dhawaaqin oo siyaasadeed. Kuwaas oo inta badan caqabad ku noqda in dalalkani ay aqoonsi helaan.

 

Dalalka Canever uu booqday badankoodu shuruudahan waa at buuxiyeen, haddana in ay aqoonsi ka helaan qaramada midoobey waxa ay ku xidhan tahay in quwadaha waaweyni ay taageeraan. Dalka aan aqoonsiga haysani in uu taageero ka helo quwadaha waaweyn ee adduunku waxa ay u fududaynaysaa in uu uga faa’iidaysto tusaale ahaan gaadhista shabakadaha dhaqaale ee adduunka.

 

Dawladda haddii aanay Qaramada Midoobey si rasmi ah u aqoonsan, looma tixgelin karo dawlad rasmi ah oo jirta sharci ahaan, xitaa haddii ay jiraan dawlado adduunka ka mid ah oo aqoonsani. Aqoonsi la’aantuna waxa ay dawladaha ku keentaa loolanno badan.

Guilherme Canever xiisaha uu u qabay ka war doonista qaabka ay u jiraan dalalkan aan la aqoonsan ama lagu muransan yahay iyo sida ay nolosha caadiga ahi ka tahay, waxa uu ku dhashay kaddib socdaal kii ugu horreeyey ah ee uu dal aan la aqoonsan ku tegey ahaa oo uu ku yimi Somaliland. “Somaliland waa dawlad himilo leh oo ku taalla Geeska Afrika. Tan iyo sannadkii 1991 kii waxa ay halgan ugu jirtay ka madaxbannaanaato Soomaaliya” ayaa lagu yidhi warbixinta buuggan.

 

SOMALILAND

 

Sida uu qoray wargeyska Emaaraatul-Youm, Guilherme Canever oo la hadlayey warbaahinta ayaa yidhi, “Sannadkii 2009 ayaan socdaal dhulka ah ku maray Afrika, waxa uu safarkii ila galay Somaliland” … “Af kala qaad ayaa ay igu noqotay markii aan ogaaday in halkan aanan ku isticmaali karin lacagta Shilin Soomaaliga. Kaddib waxa aan ogaaday in dawladdani ay leedahay hay’ado, sharciyo iyo lacag u gaar ah, laakiin aanay ictiraaf ka helin dawlad kale oo keliya. Waxa aan dareemay sida in aan joogo adduunyo dunidan aynu ku noolnahay ka barbar shaqaynaysa”

 

Warbixinta wargeyska Emaraatul-youm waxaa lagu yidhi, sannadkii 1991 kii ayaa ay ku dhawaaqday madaxbannaani dhinaceeda oo keliya ah, laakiin weli waa dal aan ku jirin khariiradda adduunka, inkasta oo ay qaran tahay. Arrintaasi waxa ay sababtay in xaaladda dhaqaale ee Somaliland ay adkaato, dhibaatooyin badan ayaanay waajahday sannadahaas ay soo jritay. Warbixintu waxa ay soo xigatay hadalka buugga uu ku qoray Guilherme Canever, “Somaliland waxa ay ku noolayd dadaalkeeda gaarka ah, waxa aanay halgan ugu jirtay jiritaankeeda iyada oo aanay jirin xulafo ay ku tiirsan tahay. celcelis ahaan heerka shaqa la’aantu aad ayaa uu u sarreeyaa, sida oo kale waxaa sarreeya heerka wax qoris/akhris la’aanta” La soco…