Cisbitalka Gargaar Oo Ka Jawaabey Cabasho Ka Soo Yeedhay Hooyooyin Ay Ilmo Beeris U Sameeyeen

Maamulka iyo dhakhaatiirta Cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeisa ayaa ka jawaabay Cabashada haween shalay warbaahibta usoo bandhigay, kuna eedeeyay maamulka  cisbitaalka Gargaar  in ay lacag badan ka shubteen, hase ahaatee aan loo suuro galin damacoodii ahaa in ilmo lagu beero.

 

Dhakhaatiirta oo maanta warbaahinta la  hadlay ayaa sheegay in dhammaan haweenkaas ay marka hore saxiixeen nidaamka hawshaasi oo ay ka reebanayd in lacag loo celiyo, balse hadana dumarka qaarkood oo danyar ahaa lacag loo celiyay, sidoo kalena hore  loogu sheegay in aanay jirin damaanad 100% ah in markasta Lagu guulaysanayo hawsha ilma beerista.

 

Sidoo kale dhakhaatiirta gargaar waxay sheegeen inay jiraan qaabab badan oo ilmaha loogu beeri Karo makaanka haweenka balse aan diinta islaamka waafaqsanayn, sidaas awgeed ay adeegsadeen oo kali ah midka waafaqsan diinta islaamka.

Halkan ka daawo muuqaalka warkan: