Booqashadii Dalalka Aan La Aqoonaan Q.2aad (WT: Kamaal Axmed Cali)

BOOQASHADII DALALKA AAN LA AQOONSAN (2)

=====

Somaliland muddadii ay jirtay waxa ay ku noolayd dadaalkeeda gaarka ah, waxa aanay halgan ugu jirtaa jiritaankeeda iyada oo aanay jirin xulafo dibadeed oo ay ku tiirsan tahay.

celcelis ahaan heerka shaqa la’aantu aad ayaa uu u sarreeyaa, sida oo kale waxaa sarreeya heerka wax qoris/akhris la’aanta.

 

Dadka reer Somaliland waxa ay iga sheekeeyeen halgankooda; qaar badan oo ka mid ahi waxa ay ku nool yihiin lacago biil ahaan ay dalka dibaddiisa uga soo xawilaan eheladoodu.

 

Maadaama oo aaan dawlad loo aqoonsanayn, waa ay adagtahay in ay heshiisyo laba geesood ah iyo xidhiidho la yeelato dalalka kale. Waxaa adag in waxsoosaarka dalka dibadda loo dhoofiyo, sidaas awgeed muwaadiniinta qaar ayaa u tahriiba dalalka dibadda, iyada oo ujeedadoodu ay tahay dhaqaale raadis.

Dadka Somaliland waxa ay ku noolyihiin xaalad aad u adag, laakiin waxa aan dareemayaa in xaaladdu ay ka soo raynayso.

 

KOSOVO

 

Somaliland dhibaatada haysataa waa in aanay lahayn dalal xulafo la’ ah, laakiin Kosovo arrintaas waa ay kaga duwantahay oo waxa ay ka faa’iidaysatay taageereyaal badan oo ay dawladaha adduunka ku lahayd.

 

 

Inkasta oo ay dawladda Seerbiya oo Ruushkuna taageerayey si aad ah uga soo horjeedsatay goosashada, haddana tan iyo markii ay Kosovo sannadkii 2008 si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ka madaxbannaanaanayso dalka Seerbiya, waxaa aqoonsaday in ka badan 100 dawladood oo adduunka ah. Waxa kale oo aqoonsaday guddida caalamiga ah ee ciyaaraha olambikada, laakiin illaa hadda waxaa ku adkaaday in ay xubinnimo ka hesho Qaramada Midoobey.

 

#Buugga ‘Uma viagem pelos países que não existem’ / Shabakadda Imaaratal Yowm.