Ma Xal La’aan Baa Xal Ii Noqon? (WQ: Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”)

MA XAL LA’AAN BAA XAL II NOQON?

Arimaha doorashada in badan Ayaan hore uga hadlay waana la helayaa iyagoo Maqal iyo muuqaal ah iyo iyagoo qoraalo ahba. Markii ugu horeysay doorashada Wakiilada oo ay ahayd in ay qabsoonto markii labaad 2010kii waxa mudnaanta laga siiyay doorashadii Madaxtooyada oo iyadu markaa laba sanadood muddo dhaaf noqonaysay. Doorashada Golayaasha Degaanka oo iyaduna afar sanadood in ka badan muddo dhaaf ahayd wax muddo ah looma xadidin muddo dhaaf keeda oo Kulmiye ayaa ku dhegsanaa in doorashada Madaxtooyada laga soo hormariyo waana laga aqbalay oo waa la isku raacay in ta Madaxtooyada la soo hormariyo.

Markii uu Kulmiye doorashadii Madaxtooyada ku guulaystay ayaa la qabtay doorashadii Ku-shubashada iyo Ka-shubashada ee golayaasha Degaanka sanadkii 2012kii taas oo noqotay taariikhda doorashooyinka Somaliland tii ugu xumayd ee soo martay lagana yaabo in tu la mid ah ama ka xumi aanay dib uga dhici doonin dalka. Xassan Ciise Jaamac oo markaa ahaa Gudoomiyaha urur-siyaasadeedkii XAQSOOR ayaa kow ka ahaa shakhsiyaadkii sida adag uga hadlay arimihii yaabka lahaa iyo wax isdabamarintii foosha xumayd.

Maalintii natiijada lagu dhawaaqay ayaa Xarunta Komishanka horteeda la igu waydiiyay sida aan u arko natiijadii ka soo baxday doorashada. Markaa anigu waxan ka tirsanaa Xisbiga UCID oo ka mid noqday sadexdii xisbi ee ku soo baxay doorashada ee noqday xisbiyada qaran. Waxan ku jawaabay “ kuwa dhacayna cadaalad kumay dhicin kuwa soo baxayna cadaalad kumay soo bixin oo hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho”.

 

Xisbiga Ucid laftiisa teelo looma dhigan oo in saaxdda uu ka baxo ayuu qorshuhu ahaa laakiin wuxu noqday Xabaalmariwaa siba markii Ururkii UNMAD ee Dr Gaboose uu noqday ka ku soo xigay ee hadii UCID la saaro isagu soo bixi lahaa taas oo raggii shirqoolka doorashada hogaaminayay aanay doonayn. Waxay u noqotay laba belaayo ama laba daran mid dooro waana sida uu UCID ku badbaaday.

 

Horta tan iyo maalintaa iyo ilaa maanta oo aynu joogno dagaalka ka dhanka ah ee lagu buburinayay nidaamkii xisbiyada badan iyo doorashooyinka tooska ah ee ka tisqaaday Somaliland xiligii UDUB ee wuu socday waxanu ahaa oo la wada ogyahay in uu ahaa joogto maalinba heer uu joogay iyo tab iyo xeelad la adeegsanayay oo ay adeegsanayeen kuwa anigu aan u aqaan cadowga koowaad ee Somaliland waa doorasho-diidka mar kasta iyagu lahaa gacanta sare intii uu KULMIYE noqday xisbiga ka taliya Somaliland eh. Maanta lafteeda iyagu maaha kuwo u arkaya in dantoodu ay ku jirto halka ay ku jirto danta dadka iyo dalka Somaliland ee waxa u muuqda danaysiyo gaar ah oo mararka qaar ay wada yeeshaan marar kalena ay kala yeeshaan balse labada goorba ay heshiis ku yihiin doorsho la’aan. Markaa maxaa xal ah een ahayn xal la’aan?

 

Caligurey