Booqashadii Dugsiga Arts-ka ee BANFAS (WQ: Maxamed Saleebaan “Tixmagabe”)

Booqashadii Dugsiga Arts-ka ee BANFAS

(BANFAS SCHOOL OF ART)

Galabnimo Sooroga (Sabti) ah, 20ka April ee 2019ka, ayaa aan booqasho ku tegay dusi lagu barto qaybaha kala duwan ee Shaxanka (Arts). Kasmooyinka lagu dhigo dugsiga oo ay ka mid yihiin, xirfadda Sawir qaadidda (Photography), Aslidda sawirrada (painting pictures) iyo kaydinta waxyaabaha taariikhiga ah ee artiga la xidhiidha oo dhan. Dugsigan waxa aasaastay Huda Cali Xasan “BANFAS” oo ah sawirqaade reer Soomaaliland ah. Dugsigan waxa ay ugu magac dartay aabbaheed AHUN Cali Xasan Aadan Nuur, oo lagu naanaysi jiray “BANFAS”. AHUN Cali, waxa uu ahaa nin hibooyin badan leh. Hibooyinkaa oo aynu ka xusi karno in uu ahaa Maansayahan, sawirqaade iyo sawir-asle xirfad sare lahaa. Naanaysta BANFAS, waxa uu kula baxay bandhig suugaaneed uu ka qayb galay kuna guulaystay kaalinta koowaad ee abwaanka Soomaaliyeed sannadkii 1976kii. Bandhigaas oo halhayskiisu ahaa BANFAS oo loo soo gaabiyey BANDHIGGA FANKA SOOMAALIYEED. Goobta uu ka dhacayna waxa ay ahayd magaala madaxdii xilligaa ee Muqdisho. Maansada uu kaalinta koowaad ku galay, waa tixda “Gelbis” ee uu abwaanku si xeeldheer ugaga faalloonayo guurka Soomaalida. Qaybta hore ee maansadaa waxa uu ku soo goynayaa, meeris-boqorka maansada oo dhan ku jira. Waxa uu odhanayaa “Soomaali waa gibin ciddii, dhaqan ku gaadhaaye”. Lingaxan riix si aad u hesho gabaygaa, http://farshaxan.com/Gabayaa/Banfas_Gab.html#E.

Dugsigan oo lagu barto noocyada kala duwan ee artiga, marka aad booqato ama gudihiisa gasho, duni kale ayaa aad gelaysaa. In aad maalin riyoonayso iyo in waxyaabaha aad arkaysaa dhab yihiin ayaa aad is waydiinaysaa. Adiga iyo naftaada dood ayaa ka dhex bilaabanaysa, indhahaaguna goor hore ayay muquuranayaan bedweyn cajab badan oo fan, farshaaxan, sooyaal, waddaniyad iyo aqoonsi Soomaalinimo ayay ku dhex hallaabayaan. Duni dhan ayaa aad kor ka daawanaysaa. Mar waad farxi, marna waad ciishoon oo is ciilkaambiyi. Mar waad boholyoobi, marna waad baalladaymooni. Mar waad isu bogi adoo Soomaalinimo ku abtirsanaya, marna waad isu khajili adoo naftaada yaraysanaya. Mar waad isla han weynaan, marna waad isku hungoobi. Dareenno badan ayaa naftaada hal mar ku soo wada xaadiraya. Jacayl ummadeed iyo waddaniyad ayaa hal mar kugu kulmaya. Dhawr shay ayaa ku hor keenaya dal dhan oo inta aad ka taqaannaa aanay boqolkiiba halna ahayn!

La soco ….

Image may contain: 1 personImage may contain: bird, outdoor, nature and waterImage may contain: foodImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people smilingImage may contain: outdoorNo photo description available.