Boorama: Magaalo Cabanaysa Q.2aad (WQ: Cabdicasiis Maxamed Jaamac)

Boorama magaalo ay ku yalaan dhawr jaamacadood oo ay kasoo baxaan dhalinyaro aad u tiro badan rag iyo gabdhaba oo ka kala yimid dhamaan deegaanada soomaalidu dagto, waana sobobta dad badani ugu soo hirtaan isla markaan qayb wayn ka ah camirnaanta magaalada, dhanka kale, waxyaabaha igu noqday layaabka ayaa ahaa in inbadan oo kamida dhalintu jecelyihiin in loogu magac bixiyo kalmadaha Professor, sociologists, economists, engineer iyo kuwo kaloo badan lagana hormariyo magacooda marka aad kulantaan,waxaan u fahmay inay ka heliyaan (Satisfaction)laabta ku qaboowsi iyo inay cabiraan in ay wax barteen.

Caafimaadka guud ee magaaladu waxaa u la hal-maala magaalooyinka kale Soomaalidu dagto oo malaha nidaam kulmiya dhakhaatirta iyo hawlwadeenada caafinaad ee ka hawlgala(Medical council).
Dhatar kastaa waxaa u leeyahay goob caafimaad ganacsi oo u gaar ah oo waa nin iyo meshii ka dirir, intaasi waxaa dheer dhakhatiir ajaaniba ah oo badan oo ka xoogsata magaalada oo aan la hubin aqoontooda iyo waxbarashadooda cafimaad toona.

Dugsiyada sare oo kabadan 15 ayaa ku yaala magaalada Boorama marka laga yimaado Dugsiga Sh.cali jawhar, Aadan Isaaq iyo Ardaale oo hostage wasaarada waxbarashada Somaliland inta kale waa dugsiyo gaar loo leeyahay, waxay dadku ii sheegeen in dhawr dugsi oo aad u fiicani ku jiraan hasayeeshee iyaguna malaha nidaam kulmiya ama mideeya iyo habraaca tarbiyada iyo ababinta ubadka mustaqbalka.

Magac bixinta xaafadaha magaalada marka laga yimaado afarta waaxood ee magaalada oo dhamaantood magac sheekh wata(1-SHEEKH CALI JAWHAR.2-SHEEKH MAKAAHIIL.3-SHEEKH AXMED SALAAN.4-SHEEKH CUSMAAN.)Waxaa u magac bixiya ciyaalka xaafada oo u ula baxa magac naanayseedoyo badan, sida Fooldhaq, Bariis canoole,daamurka, waraba-salaan,tuur uraysa iyo magcyo jin oo badan,taasi waxay tusaale u tahay nidaamikii dawlada house ee magac bixinta, jaan gooynta iyo hufnaanta magaalada oo gabi ahaanba maqan.

Jidadka magaalada ee dhisan magac bixintooda waxaa isku qabsada oday jago kuleh/kulahaa ama shaqsigii dhisay oo jidadka qaar ayaa markaad dhan ka soo gasho ku leh magac oday , dhanka kale markaad ka soo joogto ku leh magac kale sidoo kale dhawr jid oo cusub ayaan ku arkay MAYOR MAYDHANE oo aan u fahmay mayarkii hore ee magaalada.

Amniga guud ee magaaladu aad ayuu u fiicanayahay oo waxaan odhan karaa waa mid kamida magaaliiyinka ugu dagan , xasiloon kuwa afka somaliga lagaga hadlo hasa yeeshe waa magaalo kamadhan jaantus amni isla markaana baaxada magaalada iyo rugaha amniga magaaladu aanay shaqo isku lahayn, waxaa ku yaala sadex saldhiga, Saldhiga Dhex ka bariga iyo ka sheekh cali, maraan buuqday waxaa ku xudhnaa maxaabiis tiro badan oo aad uga badan goobta loogu talo galay in lagu hayo.

Magaalada waxay ku socotaa inay noqoto saxare(Bilaa dhir) oo xaafadah qaar markaad joogto wax geed ah oo ay ishaadu qabanaysaa ma jirto, waxaad moodaa dhaqankii geedo la hadhsado la beeri jiray ee waayo waayo isla markaan miraamiri iyo baxarasaaf u badnaa uu meesha kabaxay, dadka markaad la sheekaysto kuma baraarugsana umana malaynayaan in geeduhu waxbadan kala maqanyihiin, ma jirto wakaaladii dhirta iyo daaqa ama degaanka ee hawshaasi qaabilsanay.
LA SOCO Q 3aad ee qormadan.