2. Helitaanka xog sugan
Wakhtiga ayn noolnahay waxa lagu astaystay “Wakhtigii Xogta,” sababta oo ay xogta la heli karo oo xad-dhaaf noqotay, samaynta macluumaadka iyo gorfaynteeda oo noqotay majaal lagu tartamo, layskuna muquuniyo.
Xogtaa (Information) xad-dhaafka ah sida aad u dhex mushaaxdo ee aad u kala shaandhayso, kadibna aad u naqaysato inta ugu sugan, uguna haboon mawduucaaaga waa howl aad u adag oo u baahan khibrad iyo tababar.
Ugu horayn, masdarrada xogtu way badan yihiin, waxaase ugu muhiimsan oo aynu wada ognahay, Kutubta maraajicda ah (reference books), diiwaan awooneedka kallayaasha ah ( Periodicals), Encyclopedia-yaasha- kuwa qoran iyo kuwa internetka- labadaba. ilo-aqoonneedkaasi waa kuwo taariikh ah oo inta badan laga wada war hayo.
Laakiin waxa dhinac socda oo kuwaas hore la qiimo ah Ilo-aqoonneedyo aan inta badan da’yarta dhawaan Jaamacadaha dhamaysay aanay ka warqabin ama aanayn fahmin sida looga faa’iidaysto.
Ilo-aqoonneed-yadan waxa ka midd ah -Scientific Journals-sida joogtada ah ay usoo saaraan ururada caalamiga ah ee xirfadlayaasha kala duwan. Tusaale ahaan; American diabetes association (ADA), UK-Diabetes, American Heart Association, International organization of Rheumatology. kuwani waa tusaale yaal uun, laakin ururo aqoonneedku aad ayay u tiro badan yihiin. Majaalkasta oo aad xiisayso waxaad helaysaa urur-aqoonneed u tafo xaytay in ay majaalkaas dhidibada u aasaan.
Waxaa muhiim ah marka aad macluumaad waafi ah oo ku saabsan mowduuc raadinayso in aad abaarto Ururada isu xilsaaray Mowduucaas. hadii ay jiraan dhowr urur oo mowduuc keli ah ka wada shaqeeya, waa in aad isku daydo in aad fahanto waxay ku kala duwan yihiin inta aanad marjic ka dhigan.
Waxa dhacda in Ururada qaar dowlado maalgeliyaan, qaar madax bannaan yihiin oo kaalmooyin lagu maalgeliyo, gaar kale ayay shirkado dano ganacsi lehi maal-geliyaan. Taasi waxay keenaysaa in xogta ay soo qadimayaan iskhilaafto, saamaynta maal-gelinta, mabaadi’da iyo danaha siyaasadeed darteed.
Xog-raadintaada ka bilow Maqaal-aqooneed yada (research articles) ugu cusub ee mowduuca laga qoray, midd ama laba ha isku koobin, waa in aad ugu yaraan toban Maqaal-aqooneed oo nagu soo bandhigan mareeyo kala duwan, kana soo baxay xarumo cilmiyeed kala duwan akhrido, hadii aad heli karto. Taasi waxay kaa caawinaysaa in ay kuu muuqato afkaarta kala duwan ee mowduuca kusaabsan oo dhan. Waxa kale oo aad arki sida jiho kastaa u sababaynayso doodeeda iyo mabaadi’da ay ka duulayso iyo danaha laga yaabo in ay difaacayaan.
Intaas marka laga gudbo, ee Maqaal-aqooneed-yadii aad soo ururiso, lagana yaabo in aad tiro muctabar ah isasoo hor-dhigto sideed ukala shaandhayn kuna xulan kuwood ugu daliil adag (Strong evidence), ugu dood dhisan (structured argument), iyo geba-gebayn tooduna ugu miisaan culus tahay.
Si caqabadaa looga gudbo ayaa xogta lasoo bandhigayo waxa loo sameeyay ilaa sideed darajo oo kala sareeya, kalana miisaan culus( Levels of Evidence). Darajada ugu saraysa waa xogta ku salaysan ee laga soo dhalaaliyay cilmi baadhista nooca loo yaqaan “Meta-analysis Systemic review” iyadoo la isu keenayo, lana gorfaynayo dhamaan Tijaabooyinkii mowduuca lagu sameeyay ee loo adeegsaday nidaamka “Randomized controlled trail”.
Darajada ugu hoosaysaa waa aragtida qoraayada (Authors opinions), falan-qaynta guud ee mowduucyada iyo warbixin khibradeedka ay soo saaraan gudiyada farsamo (reports of expert commitee). waxa la yaab ka leh waxa weeye , waxa ugu badan ee aynu akhrino, sida buugta, Jaraa’idka iyo website-yada, waxa u badan yihiin derajadaas ugu hoosaysa, uguna qiimaha liidata.
Marka aad dersayso majaal aqoonneedkaaga waxa kuu fiican in aad raadiso oo fahamto darajooyinkaas lagu kala saarayo Maqaal-aqooneed yada. si aadan isaga xanbaaran wax aan ahayn aqoon dhab aanad ugu kadsoomin macluumaadka mala awaalka ah ee internetka ka buuxa.
Magaalka danbe waxaan ku faaqidi sidee loo shaandheeyaa xogta looba miisaamaa dooda qoraaga.
la soco qaybaha kale…