Maalinta haweenka adduunka 8 march iyo siday ku timid (WQ: Rashiid Odowaa)

Maalinta haweenka adduunka 8 MARCH waxa laga xusaa waddamo badan oo adduunka sanad kasta,halka waddamo badani aanay danba ka yeelanin oo aanay xusinba,waxa loo soo qaattaa maalinta Dumarka loo aqoonsanyahay iyadoo aan loo eegayn Waddan,Midab,Diin,luqad dhaqan,dhaqaale iyo mabda midna, waxa markii ugu horraysay dhaq-dhaqaaqan bilaabay xisbigii shaqaalaha ee ka jiray Woqooyiga America iyo qaybo badan oo Yurub ka mid ah.

Laga soo bilaabo wakhtigaas waxa loo aqoonsaday maalinta hawenka Dunidu inay tahay maalin caalami ah,waxana aad looga tixgeliyaa waddamada Horumary iyo waddamada soo koraya illaa afar shirweyne oo caalami ah ayaa loo qabtay maalintan si loo badhi taro oo loo wayneeyo loona siiyo Dumarka xuqquuqdooda iyo inay ka qayb noqdaan siyaasadda iyo dhaqaalaha.

UN AXDIGA SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA

1945 Article 1 Un Charter waxa uu qeexayaa in โ€œdhamaan in laga wada shaqeeeyo lana horumariyo oo la dhiirrigeliyo guud ahaan Xuquuqda Aadmiga iyo xuquuqda Asaasiga ahba iyadoo aan lagu kala soocayn Midab,Luqad,Jinsi iyo Diin midnaโ€ sanadahaas wixii ka danbeeyay UN waxay hirgelisay in dumarku ka qayb qaattaan dhinacyo badan oo ay ka mid atahay Horumarka,nabadda iyo Xasiloonida.

DADKA U DOODA DUMARKA (FEMINISM)

Waxa soo baxay Casrigan danbe Aragtiyo iyo dad jibbaysan oo u dooda Dumarka Waxa loo yaqaan (Femenism) dadkani waxay rabaan oo ay ku doodayaan Adduunkan guudkiisa Caddaalad iyo Sinaan lama helayo illaa si siman Dumar iyo Rag loo qaybsado khayraadka adduunka ,wax kastoo uu ninku qabtona ay gabadhu qabato. Waxa kaloo aragtidan ku hoos lamaan aragti kale oo la yidhaa GENDER oo macneheedu yahay lamaane illaa iyo maanta waa la macnayn kari waayay lamaanaha bulsho kastaa siday rabto ha ka dhigato lamaanaha ayay ku doodeen, Inagu Muslim ahaan Qoys ayaynu naqaannaa wax kale waa inaynu dibadda iskaga reebnaa wax kasta inaynu duub ku qaadano maaha ee waa inaynu iska saarnaa dirxiga ku hoos jira.

HEERARKA AY SOO MARTAY MAALINTA 8 MARCH.
โ€ข 1909 ayuu xisbigii shaqaalaha ee ka jiray waddanka Maraykanku u asteeyay maalin dumarka lagu sharfo 28 ka februray,ka dib banana bax ay isu soo baxeen dumarku iyagoo ka cabanaya xaaladda ay ku shaqeeyaan warshaddaha dharka sameeya.

โ€ข 1910 kulankii Xisbiyada Hantiwadaagga ee Copenhagen Denmark waxa seeska loo dhigay maalin hawenka u gaar ah.loona aqoonsado inay yihiin wax jira isla markaana ka qayb qaadan kara Doorashoyinka waxa qayb galay kulankan 100 haween ah oo ka kala yimid 17 waddan waxa ka mid ahaa sadexdii dumarka ahaa ee ugu horreeyay ee waddanka Finland ka noqda Parlamaan hase ahaatee looma samayn maalin cayiman.

โ€ข 1911 waxyabihii ka soo baxay shirkaa hore ee Copenhagen,waxa loo calaamadiyay maalinta hawenka Adduunka (19 march) Waddamada Austria,Denmark,iyo jarmalka wax ka dhacay isu soo bax in ka badan million qof oo rag iyo Dumar bal eh waxay ku dhawaaqayeen in la helo sinaan xagga Dumarka ah inay codkooda dhiiban karaan iyo inaan shaqada laga hor istaagin iyo in Hawenku helaan Tababar.
โ€ข 1913-1914 maailinta hawenka adduunka waxay qayb ka noqotay farsamadii lagu joojin lahaa dagaal weynihii Kowaad ee adduunka waxayna dumarka qayb ka noqdeen dadkaii diidanaa dagaalka
โ€ข 1975 ayaa loo aqoonsaday sanadkii Dumarka ee Caalamiga ah waana sanadka wakhtiga ay UN bilowday in loo dabaaldego sanadkasta 8 march.
โ€ข 1995 shikii ka dhacay Beijing China ayaa lagu dhawaaqay in dumarku helaan masrixiyad ama ama goob ay ku soo bandhigi karaan Howlohooda,shirkan waxa xoogga lagu saaray 12 dhinac,waxa diiradda la saaray in dunidu noqoto meel ay gabadha iyo Inantu ay six or ah ugu noolaan karaan,Siyasada ka qayb qaadan karaan,waxbarasho heli karan heerkay rabaan,Dakhli ay yeelan karto ayna la noolan karto bulsho bilaa xad gudub ah.
โ€ข 2014 kulankii 58 aad ee Guddiuga sharcidejinta Dumarka (CSw58) waxa lagu dhegeystay warbixin sanadedkii guddigaas waxana laga soo jeediyay khudbado la xidhiidha arrimaha Sinaanshaha lamaanaha iyo xuquuqda Dumarka waxana xoogga la saaray (Guulaha iyo Caqabadaha) sidii Qarniga 21aad loo gaadhi lahaa guulo wax ku ool ah
โ€ข 2015 waddamada aduunku waxay isla qaatteen in 2030 ka marka la gaadho lam hir geliyo 17 guulood waxa hadafka shanaad yahayโ€In la gaadho Sinnanta lamaanaha lana xoojiyo dhamaan Dumarka iyo hablaha.

DIINTA ISLAAMKA
Diinteenna suubban ee islaamku xuquuqda dumarka way ilaalisay maalin u gaar ahna umay samayn rag iyo dumar midna, hase ahaatee qof walba xaqqa uu leeyahay ayay siisay,mar kastana waxa fiican inaynu Diinteenna wixii ka baxsan iska dhowrno ,iyadoo farxadda aan Dumarka loo diidayn iyo inay ka qayb qaattaan dhismaha waddanka iyo horumarkaba.
Waxanu leenahay Hambalyo Dumarka reer Somaliland iyo kuwa Somalidaba.

Rashiid Odowaa
khadarsalaan@gmail.com
0634101213