Boorama: Magaalo cabanaysa Q.5aad (WQ: Cabdicasiis maxamed Jaamac)

Boorama waa magaalo aan la camirin markay noqoto dhanka dawlada oo aan dib u dhis lagu samayn inta badan dhismayaashii dawladii hore iyo goobaha dadwaynaha loogu adeego waxay badi isticmaalaan dhismayaashi ingiriisku iyo dawladii hore ka tageen, intan Somaliland jirto wax muuqada oo la taaban karo waxaa jira dhisme loogu magac daray madaxtooyada oo dhawaan laga dhisay dhaca camuud xiga ee qoorgaabeed talawga dooxa.

Magaaladan waxaa ka hawlgala tiro kabadan 25 iskuduwe oo matalaaya dhamaan wasaaradaha heer qaran ee dalka ka jira waxaase nasiib daro ah in 10 wasaaradood ay xafiis iyo xafiis u eke ku leeyihiin halka inta kale yihiin dibad wareegayaal aan xafiisyo ku lahayn magaalada.
Tusaale ahaa wasaarada cadaalada waxaa xafiisa u ah qolkii qaadiga hore Magaalada ee u ingiriisku ka dhisay jidka loo maro khayriyada hada ee magaalada.

Borama taniyo 2010 waxaa isaga dambeye 7 badhasaab oo dhamaantood xukuumada kulmiye soo magacawday marka laga yimaado labadii ugu horeeyey inta kale waa masuuliyiin ku cusub degaanka iyo dadka gobolkaba, waxaase kamid ahaa niman lexejeclo iyo masuuliyadi ka muuqato halka ay soo mareen masuuliyiin maqnaanshahoogu ka fiicnaa joogitaankooda.
Xafiiska badhasaabka gobolku waxa u ku yaala oo hada xafiisa iyo hoyba u ah gurigii martida ee magaalada, kaasi oo u dhisay gumaystihii ingriis 1958 kii mana laha dhismo cusub sobobtuna dad shacab ah ayaa laga iibiyey goobti iyo dhismayaashi xafiisyadii gobolka.
Ganacsatada gobolku uma muqdaan muwadiniin lexjeclo ka muuqato sobobtoo ah dantooda gaarka ah yayey ka hormariyeen danta guud waxayna ukala badiyaan dhismayaasha iyo dhulkii danta guud sidii ay ula wareegi lahaayeen(iibsadaan).

Gadiidka ugu badan ee magaaladu waa gadiidka dadwaynuhu racaan nuucaydiisa kala duwan ee isaga goosha magaalada, sida basaska iyo bajaajta(riksha).
Inta badan magaalada waxaa ka adeega motooyinka sadex taayirle ah(bajaaj) iyo basaska magaalada ukala baxa, qiimaha lagu raaca labo ilaa sadex KM waa 2000 Somaliland shilin oo u dhigata $0.22.

Basaska magaalada ka dhex shaqeeya adeegood aad ayuu u liitaa oo inay baxaan oo ay dhaqaaqan waxaa u shardiya inuu buuxsamo,saacad iyo wakhti safarna malaha, maaha basas habaysan waana mini buses dadoodu aad u wayntahay, basaskan iyo gadiidka dalkaba waxaa laga wadaa midigta oo inaad baabur dhinac bidix laga wado aragtaa waa naadir, hadan jidka waxaa layska dhaafaa bidixda, arimaha ugu halista badan ee bad-qabka shacka magaalada khuseeya waxaa kamid ah, Basaska magaalada ka shaqeeya waa midiglayaal wadada kamara midig,albaabada basasku waxay ku yaalan bidix xaga haadka kale xigta, shacaka waxay ka dagaan wadada badhtankeeda xaga haadka kale xigga , Arinta waa arin u baahan talo qaran masuuliyiinta heer gobol iyo dagmo xil wayn ayaa ka saaran.

Dadku waxay aad u raacan mootoyinka sadex shaaglayaasha(bajaaj/rishka)shacakuna waxay ku doorbidaan deg dega iyo iyagoo aad u tiro badan meelwalbana diyaar ku ah islamarkaa aad helays wakhti walba, inta badan waxay ka adeegaan jidadka laamiga ah, magaaladana boqolkiiba 80% jidadku waa rafu ubaaha in loo gurmado.

Magaalada waxaa ka Jira shirkado leh gaadiid u kala goosha magaaloiyinka,gobolada iyo dalalka jaarka ah oo shacabka iyo alaabaha qaada waana nidaamka ugu horumarsan ee ka jira Boorama waxayna u shaqeeyaan si casriya, shirkadahani waxay u baxa hargaysa, gabiley, wajaale, berbera, Garoowe ilaa gobolada dhexe ee soomaaliya waxaa kamid ah(Shirada, SAHAL, STAR, SAACID, BAR IYO GALBEED, )shirkadahan waxay adeegsadaan gadiidka yaryar ee Mini Bus ka ee 12 qof qaada waxayna baxaan sacad walba , wakhtiga bixitaanka waa sidii saxda ahayd oo waxay ilaaliyaan jadwalka daqiiqadna kama dib dhacaan, gadiidka ay isticmaalan waa gadiid cusub qarkood intaad jidka ku jirto waxay ku siinayaan biyo iyo Wifi(internet aad isticmaasho) kuraastood waa kuwo la ilaaliyey dirawaladoodu waa kuwo anshax loo sheegay oo jaad iyo sigaar ma isticmaalan wakhtiga shaqada.
Lacagta lagu raaco hargaysa iyo wajaale waa $4 ruuxiba.
Shirkadahan gaadiid waxaa ay buuxiyaan kaalintii boost ee Borama ,hargaysa, gabiley iyo wajaale u dhaxaysay, hadii aad box ama shay muhiima in dag day loo helo aad rabto waxaad gayn ama laguugu gayn mid kamid xafiisyada shirkadaha,macluumadka iyo xiliga u xafiiska xiga ka qaato ayaa laguu sheegi.
Waxaa jira shirkad kale oo la yidhaa BIIXIN taasi oo isga gooshta dhamaan goboladii dalwaynihii hore ee soomaaliya laysku odhan jiray xafiisna kuleh magaalada.

Magaalada waxaa ku yaala 12 garoon oo kuwa ku goglan rooga indho sarcaadka ah oo gaar loo leeyahay isla markaan shaqo badan u abuuray dhalinyaro tiro badan sidoo kale wax wayn ka tara firfircoonida, iyo fayo qabka jidhka dhaliinta magaalada.
Garoonada waxaa lagu ciyaara kubada cagta waxayna shaqeeyaan oo la furaa lana xidhaa inta u dhaxaya 5pm(galabnimo) ilaa 12pm(habeenimo), lacag ayaa qof kasta bixiyaa si u ciyaaro waana $2 qofkiiba kooxduna waa isku darsataa saacada iyo badhka ay ciyaarayaan.
Waxaa dib u dhis balaadhan lagu sameeyey garoonka wayn ee magaalada Xaaji Daahir Stadum Ex biroole oo hada wareeg kubadeed ka socdo, garoonka ayaa la dhigay cawska macmalka ah isla markaan dayr fiican iyo kaabado la fadhiisto intaba leh, waxaa in la dhamaystiro u baahan qaybta orodka garoonka oo wali ciid iyo dhagaxaan ah.mar aan soo maray garoobka hareerihiisa waxaad moodaa qashin qubkii magaalada oo waxaa rasaysan baco iyo daasado.

La soco qaybta 6aad ee qormada.