Shilalka Gaadiidka: Malaha Ciqaab, Ka-hortag, Xeer iyo Hanjabaad ayaa Lagu Yarayn Karaa! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

9kii Ogos 2016ka, abbaaro 21:20 caweysnimo annaga oo maraynna jidka ku beegan Masaajidka Jamaacada Tabliiqa ee Bariga Hargeysa (Markaska) ayuu gaadhi iska-rogo (shaamboo) ah, oo ku soconaya xawaare aad u sarreeyaa uu ku dhacay daaqaddii aan ka saarnaa gaadhi yar oo tagsi ah. Turus xooggan oo uu lahaa ayaa na daafadeeyay. Quwaddiisu waxa ay sababtay burbur xooggan, laamidana illaa toban tallaabo ayuu naga saaray.
Waxa aanu dhaafaynnay gaadhi kale. Hakiyaha (bireegga) ayuu dirqi ku qabtay, taayirradiisa ayaa laamida xoqay, waayo wuxuu ku socday wax aan maangal ahayn. Markaan arkay in uu na hirdiyayo ayaan dhinaca darawalka isu tuuray. โ€œWaa malaggii oo soo socdaโ€ ayay naftu is tidhi, markaas fadhi ma oollin. Eebbe ayaa ku mahad leh, aniga oo badqaba, oo aanay wax nabarro ah, jabniin iyo dhaawac kale i gaadhin ayaan samata-baxay. Muuqaalkani waa bartii aan ka saarnaa baabuurka loo awood sheegtay. Ilaahay baa ku mahad leh saymaha aan ka samata-baxay.
Dadku markay arkaan halkii aan fuushanaa sida ay u burburtay iyo aniga oo aan waxyeello qabin waxa ay lahaayeen โ€œDucayso. Sadaqad ayaa kugu baxdayโ€. Cid kale oo wax ku noqotayna ma jirtoโ€ฆ Dad yara naxnaxay waa jireen.โ€ฆ
Laakiin gawaadhida booyadaha, iska-rogooyinka iyo gaadiidka waaweyn ee rarku waa musiibo lagu soo habaaray dalka. Inta ay halaageen, inta ay hed jareen iyo inta ay hadimo geysteenna dad badan ayaa ay ka soo gaadheen khasaare qudh iyo qoon ah.

Ciidanka Taraafikada ayaa doonay in la xidho wadihii tagsiga aan saarnaa iyo wadihii gaadhiga shaambooga ah, inta qaladka la kala saarayo. Dirawalka Shaambooga u shaqaynayay shirkad dhisme oo caan ah ayaa ka biyo-diiday in uu gudaha galo. Markiiba waxa uu wacay cid ka tirsan shirkaddii uu u shaqaynayay. Aniga oo taleefankii dirawalka tagsiga u sii wada xaafaddiisii, ayuu ninkii aan xabsiga u filayay isoo wacay โ€œDammaanad ayaa na lagu sii daayayโ€ ayuu yidhi. Waxaana la yeelay ergadii hantiilaha uu ninkaasi adeegaha u ahaa.

Ninkaas Shaambooga wata, ee xadhigga diidayaa ma oga in xawaarihiisu uu khatar geliyay nolosha dad aan waxba galabsan. Waxa u muuqday oo uu ku sii indha-caddaa rarka dhagaxa iyo ciidda ah ee uu u socdo. Haddii aad gasho shil baabuur oo ay ku dhinteen 30 qof, ma jiro wax masuuliyad darro ah oo lagugu qaadayaa. Keliya waxa aad xidhnaanaysaa inta ay odayaashu nootaayo gelayaan.
Haddii aad xawaare kasta ku socoto, waxa aad xidhnaanaysaa inta aad bixinayso waxyeellada aad geysatay iyo ganaaxa ay ku saarayaan ciidanka Taraafikada ee gacanta ku haysa maamulka socodka gawaadhidu. Keliya waxa dadka aan liisanka baabuurta wadannin lagu xukumaa 6 bilood oo xadhig ah: marka ay ugu badan tahay.

Shilka waxa inta badan loo yaqaannaa wax ku dhacay qaddar Eebbe. Lama canaanto, lamana ciqaabo cidda geysata. Waa sababta ay u soo noqnoqdaan ee aanay xalka, maarada, ka-hortagga u lahayn.. Haddii sannad, lix bilood ama xilli bilaa iib ah lagu dhaadhiciyo wadeyaasha ku socda xawaaraha sare, kuwa dhimashada geysta, kuwa maraya jidadka qaldan iyo kuwa ku jeesjeesta waddida gawaadhidaโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ.. Sida kuwa Z ama X sawira ee haan-bireegga jiida, waa hubaal in marka Eebbe la kaashado in ay yaraan lahaan khasaaraha shilalku.
Keliya waa in aan murugoonno maalinta ay wax dhacaan, inaynu tacsi dirno, in aaska la tago, in magta wixii kugu hagaaga aad bixiso ama qaadato, in qaadhaanka khasaaraha ay jufada hoose wada bixiso, inaynu xabsiga ku booqanno qofka geysta iyo in dhakharka la geeyo cidda ku dhaawacanta.

Ilaahay ayaynu leennahay walaalleyaal