Boorama,qashinka iyo wacyiga shacabkeeda (WQ: Cabdicasiis Maxamed Jaamac)

Boorama,qashinka iyo wacyiga shacabkeeda.

Waxaan si kadise ah uga soo laabtay shaqadii amintuna waa 10.30 subaxnimo, saldhiga woqooyiga magaalada markaan xaga gurigaan ka daganahay magaalada u dhafay oo u dhaxeeya labada buurood ee biyaha iyo faaraxyood ayaa waxaa meel hortayda ka muuqatay hooyo somaliyeed oo bac jiidaysa,
Meel gurigeeda u jirta qiyaasti 100 meter ayaay qashin baco iyo waraaqo u badan ku shubtay.
Sheekadan ayaa na dhex martay.

Aniga: Salaama calaykum eddo, ma la fiicanyahay?
Hooyo somaliyeed: Fiican badan eddo?

Aniga: Eddo maxaad qashinka halkan ugu qubaysa miyaad qoladii qashinka u dhiibtid?
Hooyo somaaliyeed: Eddo qashin maaha waa baco yar iyo wax waraaqo u badan oo hadadan ayey dabayshu inaga qaadi.

Aniga: oo dabayshu halkay gayn sow magaalada ku baahin mayso oo adiga dib kuugu soo celin mayso.
Hooyo somaliyeed.Maya eddo Orromada iyo kuwan ilaahay gudaafada ku diray ayaa kala daadin oo guran.

Anigga. Eddo bacuhu sow qashinkaas dhulkeeeni rogay maaha maad ka daysid.
Hooyo somaliyeed:Waaryaa dee shaqo yeelo qof hagaagsan ayaan ku moodaayey ee ma anagaad shaqo naga dhigan.

Aniga.Maya eddo isdaji, khalad hayga fahmin sow gurigaas ma daganid , qashinka halkaad ka soo qaaday iyo halkaad dhigtay waa isku muqdaaan bacdan gurigaaga, ka inantaada iyo ka wiilkaaga ayey dabayshu ku celin magaladiina waad inaga fool xumaysay.
Hoooyo somaliyeed. Waaryaa, waryaa orodoo shaqo doono anaga magaalada waxba nagama galine, kuwii qashinka u xilsaaraa ayaa gabay.naa bal ninkan eega wuxu Alyad badanaa.cajiiib , waar cararoo shaqo yeelo.

Waa kaasi wacyiga shacabku, dawlada hoose iyo ma suuliyiinteedu ma ogyihiin in wacyiga shacabka ee ku aadan qashinka magaalada oo kor loo qaada ay tahay tani ugu muddan wax ka qabashada qashinka iyo bilicda magaalada.

Waa kaasi intaye daadinayaan iyo intay qaadayan ayaa is leg…